Dawladda
Namibiya Oo Sheegtay Inay Warbixinta Qaddi yadda Somaliland Ka
Sugayaan Midowga Afrika
Addis Ababa (Timacade News) -Wasiirka Arrimaha Dibada Namibia Mr.
Marco Mukoso H ausiku, ayaa sheegay inay ururka Midowga Afrika
ka sugayaan warbixin la xidhidha qad diyadda Somaliland iyo
weliba khilaafaadyo ka taagan gobolka geeska Afrika.
Wasiirka oo furitaankii shirka Wasiirada khaarajiga Afrika, hoolka
shirarka ee Xarunta M idowga Afrika ugu waramayay saxafiyiin reer
Somaliland ah oo shirkaas ka qayb gashay oo uu ku jiro Wargeyska
Geeska Afrika, waxa uu sheegay inay jiraan warbixino qoraal ah
oo la sugayo, kuwaasoo lagu faaqidi doono arrinta Somaliland iyo
khilaafaadyada u dhexeeya Eretariya iyo Djibouti iyo weliba Itoobiya
iyo Erretariya. “Waxa jira warbixino la xidhiidha khilaafaadka
Djibouti iyo Eretariya ama Itoobiya iyo Eretariya, markaa waa
nu sugaynaa taas.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo la waydiiyay arrinta aqoonsiga Somaliland, waxa uu yidhi,
“Annagu Namibia ahaan ka hordhicimayno warbixinahaas naloo keenayo.
Hase ahaatee, arrinta Somalila nd halkay ku dambaysay, waxaanu
marka hore sugaynaa qoraaladdaas ay AU-du ka diyaariyeen, markaa
taasaanu eegaynaa.”
Mar la waydiiyay siday iyagu xukuumad ahaan u arkaan aqoonsiga iyo
madaxbanaanida Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Annagu (Namibia)
waxaanu jecelahay inaanu saaxii btinimo dhaw la lahaano cid
kasta, si aanu wax badan uga ogaano arrimaha Afrika ka socda.”
Wasiir Mukoso oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkiisa u hayay 7
sannadood ayaa sheegay inuu aad uga dheregsan yahay qaddiyada
Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo
sheegay inay Somaliland ka tisqaaday xasilooni.
Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta u qaabilsan
dalka Finland Mr P aavo Vayrynen oo khudbad dheer ka jeediyay
furitaankii shir-weynahan wasiirrada ar rimaha dibadda Afrika,
ayaa ka hadlay siday Afrikaanku ugu baahan yihiin kobcinta iyo
joogtaynta dhaqaalaha iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha. “Kobcinta
dhaqaalaha oo ku tiirsan ilaha wax-soo-saar ee gaarka loo leeyahay,
maalgelinada maxaliga ah iyo kuwa dibaddaha iyo ganacsiga ayaa ah
qaybaha ugu muhiimsan ee hoos loogu dhigi karo faq riga.”
Wasiirka oo ku dhiirigelinayay inay dalalka Afrikaanka ahi iyagu
gudahooda ka xalis taan mashaakilaadka soo food-saara ayaa
isaga oo tusaale uga dhigayay xaalado adkaa oo uu dalkiisu soo maray
waxa uu ku bilaabay, “Waxa laga yaabaa inay idinka (Afrika) la-yaab
idinku noqoto, laakiin dalkayga Finland waxa wax badan uga egyahay
dalalka Afrika.
Siday soo mareen inta badan
dalalka waqooyiga ee ka tirsan AU-da, ayaanu anaguna u soo marnay
xaalado badan oo qalafsanaa oo dabiici ahaa. Bilawgii
madaxbanaanidayada 90 sannadood ka hor, waxaanu ku dhacnay
dagaalo-sokeeye oo qadhaadhaa, balse wax aanu awoodnay inaanu
daawayno dhaawacyadayadii, dib-u-heshiisiina ka gaadhno
kala-fohaanshahayagii. Dabadeedna anaga oo isku duuban ayaanu iska
difaacnay duulaankii ay Milateriga Soofiyeetigu nagu soo qaadeen 70
sannadood ka hor dagaalkii loogu yeedhi jiray ‘Winter War.’ Dagaakii
Labaad ee adduunka dhibaato badan ayaa naga soo gaadh ay,
balse hadana dagaalkaas ka dib weli waxaanu ahayn waddan
dhaqaalihiisu soo kobc ayay. Anaga oo ka duulaynay
xaaladdahaas waxaanu awoodnay inaanu raacno hababka lagu joogtaynayo
ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga furfuran, taasoo ah arrinta noo
horse eday inaanu maanta hogaaminayno bulsho ku tiirsan dhaqaale
waaraya oo horumarsan. Waxaan rajaynayaa inay tani uga dhignaan
doonto dhiirigelin tusaale mudan dalal badan oo ku yaala Qaaraddan (Afrika)
cajiibka ah.”
Ugu dambayntiina Wasiirku waxa uu sheegay inuu dalkiisa Finland
diyaar u yahay inay A frika iska kaashadaan mashaariic
horumarineed oo lagu joogtaynayo ilaha dhaqaalaha xorta ah.
Source:
www.geeska.net
|