Dawladda
Itoobiya oo Xuduuda Taleex ka qaaday Ciidamadii Liyuu Booliiska ahaa
kuwa Federal ahna keentay

Taleex (TNN)-Dawladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay
Ciidamadii Kililka Shanaad ee Liyuu Booliiska ka qaaday magaaladda
Buuhoodle oo ay keentay Ciidamo ka tirsan Dawladda F ederalka ee
Itoobiya.
Sida ay wararka naga soo gaadhaya Jiida Buuhoodle sheegayaana waxa
soo degay dhinaca Da wladda Itoobiya Ciidamo aan hore u joogi jirin
iyagoo sheegay in laga qaaday kuwii hore ee de ganaa magaaladaasi.
Sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa Waaheen u xaqiijiyay soo
dagitaanka Ciidamadda Dawladda F ederalka ah waxaanu sheegay in
Dawladda Itoobiya ay talaabadaasi u qaaday Cabashooyin ba dan oo
looga gudbiyay Ciidankii Liyuu Booliiska ahaa waxaanu sheegay
talaabadaasi inay tahay mid ku salaysan wada shaqaynta dhinaca
Amniga oo ay koox deegaankaasi dhawaan timi khal-khal galisay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale
Duur oo dhawaan M adaxda dhinaca Amniga ah ee Dawladda Itoobiya la
kulmay ayaa mar uu Suxufiyiin Reer Somalil and ah oo ku sugnaa Addis
Ababa ugaga waramay kulankaasi ayaa u sheegay inay ka wada ha d een
sidii talaabo ay uga qaadi lahayd kooxda Taleex oo uu sheegay inay
Itoobiya soo mareen markay rabshadaha ka bilaabayeen Barriga
Somaliland waxaanu xusay labada Dawladood inay ka wada hadleen
xoojinta Amaanka Jiidaas oo uu sheegay inuu jiray Heshiis 2005 tii
ay wada galeen.
source;waaheen
|