Dawladda Itoobiya oo siheegtay in Dekedda Berbera ay dabooshay
baahidii Dekedaha ee dalkeeda

Hargeysa (TNN) :-Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda
Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in casriyeynta
lagu sameeyey Dekedda Berbera ay horumar dhaqaale u yeelanayso
Somali land, Itoobiya iyo Afrikaba.
Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxay sidaas ku sheegtay barnaamij
dukumantari ah oo uu baahiyey Telefish anka Qaranka Itoobiya, oo
Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanay tilmaantay in hore
loo gu heshiiyey inay hal milyan oo Doolar ku kharash gareeyaan
casriyeynta marsadda Berbera.
Degmawit Moges waxay sheegtay in Itoobiya oo hore u isticmaali
jirtay dekedda Jabuuti oo ku filnaan we yday, isla markaana ay ku
qasbanaadeen inay qayb ka noqdaan isticmaalka dekedda Berbera,
maadaama oo bulshada dalkoodu aad u badan tahay.
Wasiirka Gaadiidka waxay intaas ku dartay in wejigii hore ee
ballaadhinta dekedda Berbera dhammaaday isla markaana ay dekedda ku
soo xidheen Maraakiib waaweyn iyo Koontiinarradii ugu badnaa
waxaanay ku dooday inay dekedda Berbera ka faa’iidaysan doonaan dad
ku dhow Laba Boqol oo Milyan oo qof oo ah dalalka aan badda lahayn
ee Afrika.
Waxa kaloo ay sheegtay in dekedda Berbera ay dabooli karto baahidii
dekedeed ee ay Itoobiya haysatay, waxaanay xustay inay wadajir uga
qayb qaadanayaan horumarinta dekedda dawladaha Somaliland, Itoob iya
iyo DP World
Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa ay xaqiijisay in wax-soo-saarka
Beeraha Koonfurta Itoobiya laga dhoofi n doono dekedda Berbera, isla
markaana wixii ay u baahdaan kala soo degi doonaan dekeddaas,
waxaan ay caddaysay inay dekedda Berbera ay qiime ahaan aad u macquul
tahay.
Xigasho: SOLNA |