Dawladda Ingiriiska Oo
Somaliland Soo Gaadhsiisay Gaadiid Ay Ugu Talagashay Inay Ciidamada
Ilaalada Xeebuhu Ku Hawlgalaan
Berbera (TNN) - Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda
Somaliland Cimaan Jibriil Xa gar, ayaa maanta 12 Baabuur oo ka
mid ahaa 14 Gaadhi oo ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidamada
ilaalada Xeebaha Somaliland ka guddoomay Sarkaal sare oo dhinaca
arrimaha Millata riga u qaabbilsan Safaaradda Ingiriisku ku
leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka It oobiya.
12-kaas Gaadhi ayaa Taliyuhu ku guddoomay kulan lagu qabtay Taliska
Ciidamada ilaalada Xeeba ha Somaliland ee magaalada Berbera.
“Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa dawladda Ingir iiska iyo
Mr. Brown oo ah ninka Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaraddooda
Addis Ababa ee xa runta waddanka Itoobiya. Runtii dhibaato
badan ayaa naga haysatay xagga qalabka hadday tah ay xagga
Badda iyo hadday tahay gaadiidka Dhulkaba, wax badan oo
dhibaatooyinkii baahiyeed ee aannu qabnay wax badan bay ka tari
doonaan gaadiidkani.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha ilaalada Xeebaha
Somaliland Gen. Xagar.
Taliyaha ilaalada Xeebaha
Somaliland Gen. Cismaan Jibriil Xagar, waxa uu sheegay inay deeqdani
hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Ingiriisku ku ballan
qaadday inay ku horumarina yso ilaalada Xeebaha Somaliland,
kuwaasoo loogu talagalay in lagu sugayo ammaanka guud aha anba
xeebaha dalka iyo la dagaallanka Budhcad-Badeedda Maraakiibta iyo
Doonyaha ka qafaas ha Biyaha Gacanka.
Dhinaca kale, Sarkaalkan Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaradda
Addis Ababa ee dawladdiisa, ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada
Xeebaha Somaliland door wayn oo muuqda ka qaataan la da
gaallanka Budhcad-Badeedka.
Sarkaal oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo
aad ugu faraxsanahay ha dyaddan aannu ilaalada Xeebaha
Somaliland ugu deeqnay inaannu maanta idin soo gaadhsiin no,
isla markaana si rasmiya idiinku wareejinno, taasoo aannu filayno
inay wax tar ka noqonayso de ddaalka aad ugu jirtaan adkaynta
nabadgalyadda xeebta dheer ee Somaliland.”
Si kastaba ha ahaatee, Kulankaa Taliyuhu ku guddoomay 12-ka Baabuur,
waxa iyaguna goob-joo g ka ahaa qaar ka mid ah Saraakiisha iyo
Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo iyag una
madashaas ku soo bandhigay qaybo ka mid ah awooddooda iyo aqoontooda
Ciidan.
Source: Togaherer.com
|