Dawlada Ingiriiska Oo Ka Jawaabtay Dhawaaq Ay Somaliland Ku Sheegtay In Ka Bixitaankii Midawga Yurub U Fududayn Karo Aqoonsi Ay London Siiso Hargeysa



Hargeysa (TNN):-Dawladda Ingiriiska, ayaa ka jawaabtay hadal uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, kaas oo ahaa in ka bixitaanka uu Ingiriisku ka baxay Mi dowga Yurub fududayn karo in Ingiriisku aqoonsto Somaliland.

Dr. Sacad oo u waramay wargeyska The Guardian ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay in dawlad da Ingiriiska ay dabar ku ahayd siyaasadii Midowga Yurub, balse hadda uu u yahay xor fikirki is a, “Waxa aan filayaa in ka bixistii Ingiriiyska ee Midowga Yurub ay dawladda Ingiriiska u fududa ysay in ay dib isugu noqoto (Arrinta Somaliland)” Sidaa waxaa yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Dr. Sacad Cali Shire.oo intaas raaciyay, “Marka Midowga Yurub la


yahay, dhamaan dalalka xubnaha ka ahi waa inay dabaqaan siyaasadda Midowga Yurub ee Som aliland. Ingiriisku aad ugumuu madaxbanaanayn inuu arrimihiisa dib u eego.”

Wuxuu kaloo wasiir Sacad yidhi “Inuu ka baxo Midowga Yurub, waxay macnaheedu tahay inay samayn karaan waxay doonayaan. Waxaan filayaa inay annaga noo wanaagsantahay.”

Hase yeeshee afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka ee Ingiriis ka, ayaa wargeyska The Guardian u sheegay in arrinta Somaliland u taalo Somaliland iyo Somali ya iyo dalalka jaarka, “Waxay u taalaa Somaliland iyo Somaliya inay go’aan ka gaadhaan musta qbalkooda iyo inay dalalka gobalku qaataan doorka aqoonsiga isbedel kasta.”





Source:-Wargeyska Geeska