Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dal keeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

 


Dubai (TNN): – Dawladda Imaraadka Carabta ayaa aqbashay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxay ogolaatay inay Fiisayaasha dalku galka saarto Baasaboorka Somaliland.

Warar xog-ogaal ah oo Wargeyska Somalilandtoday helay waxay dawladda Imaraadka Carabtu bilaabeysaa Fiisaynta Baasaboorka Somaliland waxaanu mari doonaa marka h ore Saddex marxaladood, waxaana lagu bilaabi doona nooca loogu tallo galay diblumaa siyiinta, sidoo kale ganacsata ayaa iyana loo fiisayn doona Baasaboorka Somaliland.
Talaabada Saddexaad ayaa ah in si dhamaystiran guud ahaan Baasaboorka Somaliland loo saari doono fiisaha dalka ee Imaaraadka Carabta.


Arrintan waxaa ka wada shaqeeyay Dawladda Imaraadka Carabta iyo Shirkadda diya aradaha ee Fly Dubai oo toddobaadkii afar duulimaad ku timaadda Caasimadda Harga ysa. Arrintani waxay sumcad weyn u tahay siyaasiyan waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday in aan dalkeeda lagu soo g ali karin fiisana aanay saarayn Baasaboorka dalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in aanay gacanta ku haynin dawlad la aamini karo, laakiin talaabada dawladda Imaaraad ka Carabtu ku ogolaatay in dalkeeda lagu gelo Baasaaboorka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxwaynaha Somaliland uu Safiir u Magacaabay Imaaraadka Car abta.


Xigasho: Wargayska Somalilandtoday