“Dawladda Federaalku Ma Odhan Karto Waxaanu Ula Hadlaynaa Somaliland Inaanu Aqoonsi Siinno,” Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya

 


Muqdisho   (TNN): – Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay qasab tahay in afti dadwayne laga qaado shacabka, si loo waydiiyo inay ka go’ayaan Soomaaliya, waxayna xustay inaan hogaamiyayaasha Somaliland iyo Soomaaliya mid aanu ku dhiiran Karin inay midoobaan ama is aqoonsadaan.


Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la had lay saxaafadda, ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabku go’aamiyaan kala tagista So maliland iyo Soomaaliya “Waa Qasab oo way imanaysaa in afti dadwayne la qaado oo shaca bku uu noqdo cidda wax kala go’aaminaysa”ayuu yidhi, Eng.Yariisow, waxaanu intaa ku dar ay “laakiin Somaliland nabadda, dimuqraadiyadda, sinaanta xagga awoodda ah marka uu xis bi, xisbi kale talada ku wareejinayo, runtii shaqo aan caadi ahayn ayaa meeshaa (Somalilan d) ka dhacday, oo meesha la leeyahay Soomaalidu waa dad wada xun, maaha ee way jiraan dad fiicani, markaa iyaga laftoodu (Somaliland) cilado way leeyihiin oo waxa la rabay inay juhdi badan galiyaan gobollada Sool iyo Sanaag”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Imika labadii dhinacba waad dareemi kartaan, Siilaan yo (Madaxwaynaha Somaliland) kuma dhaco inuu yidhaahdo maanta waxa aanu Soomaaliya ula hadlaynaa inaanu la midowno, dawladda Federaalkuna ma odhan karto waxaanu ula hadl aynaa Somaliland inaanu aqoonsi siinno”ayuu yidhi.