Dawladda Faransiiska oo ogolaatay in Calanka Somaliland ka dul babado caasimadda Paris

 

Dawladda Faransiiska oo xilligan haysa jagada gudoomiyanimada European Unionka, kana mid ah quwadaha waaweyn ee adduunka ayaa ogolaatay in calanka Somaliland laga dul taago dhismaha gaarka ah ee xafiiska Somaliland ku leedahay caasimadda dalka faransiiska ee Paris.

Ogolaanshahan calanka Somaliland waxay ka mid tahay midhaha iyo faa'iidooyinka ka soo baxay booqashadii Madaxwynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafdigii uu hogaaminayey ay dhawaanta ku soo mareen dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska.

Faa'iidooyinka kale ee Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayey ay ka soo hooyeen booqashadoodii dalka faransiiska waxaa ka mid ah waxaa ka mid ah:

Dawaladda Faransiisku oo balan qaaday inay dawladda iyo shacbiga Somaliland u fidinayso taageero dhaqaale, mid farsamo iyo mid cilmiyeed inta ka horaysa maalinta la siinayo Ictiraaf buuxa.Ta labaad dawladda Faransiisku waxay aqbashay inay dadka Somaliland la raadiso xuquuqdooda kuna dadaali doonto in qaddiyadda Somaliland ay ka dhaadhiciso waddamada European ka ah iyo Saaxibadeeda kale ee dunida ee wali war ku seegan yahay waxa ay Somaliland qabsatay gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah.

Waa ta saddexaade, dawladda Faransiisku waxay ka shaqayn doontaa in Somaliland cod ku yeelato, taladeedana laga dhegaysto goloyaasha caalamiga ah iyo kuwa heer gobolba.
Waa ta afraade, dawladda Faransiiska iyo Dawladda Somaliland waxay iska kaashan doonaan kana wada hawl gali doonaan la dagaalanka budhcad badeedka, ilaalinta nabad galyada iyo danaha labada shacbi ee Faransiiska iyo Somaliland.

Arrimahan muhiimka ah ee kor ku xusan iyo qaar kaleba waxay dawladda Faransiisku go'aansatay ka dib markii ay si buuxda ugu qanacday qaranimada iyo horumarka Somalilnd ku talaabsatay gaar ahaan dhinacayada nabad galyada, doorashooyinka iyo dhowriska xuquuqal Iinsaanka. Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa hore qoraal codsi Aqoonsiga Somaliland ku saabsan ugu soo gudbiyey Madaxweynaha Faransiiska maalmihii ay socotay tartanka doorashada Madaxweynimada dalka Faransiisku.

Xidhiidhka labada dal ee Faransiiska iyo Somaliland ayaa marba marka ka dambaysa sii hagaagayey haatanna gaadhay heer Aqoonsi ku dhow.Dhinaca kale waxa dawladda Faransiisku ay quus ka taagan tahay kuna qasaartay caawimaaddii ay siin jirtay dawaladda Soomaaliya iyo Maamul gobaleedka Puntland oo abaal celintoodii noqotay inay dadkii caawinayey oo Faransiisku ka mid yahay ay u gaystaan falal argagixiso ah sidal Afduubis iyo falal budhcad badeednimo xad dhaaf ah oo ay wax yeello ugu gaysanayaan dadyowga Ajanabiga ah iyo gaadiidka ay la socdaan gaar ahaan Doonyaha iyo Maraakiibta.Warbixinno dawladda Faransiisku ka diyaarisay dabagal iyo baadhitaano cilmiyeysan oo ku saabsan dadka nooca ku lug leh, dabeecadaha iyo habdhaqanka dambiilyaasha ka qayb qaata falalka budhcad badeednimada ayaa muujinaya inay jirto silsilad taxan ilaa masuuliyiinta sare ee Somaliya gaar ahaan madaxda gobalka Puntland oo imika loo bixiyey "Pirates Land". Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu in muddo ahba ku doodaysay in Madaxweynayaasha u kala dambeeyey xukunka Majeerteeniya ee kala Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ay in badan caalamka caawimaad hub iyo lacag badan kagaga urursanayeen mashruuc been abuur ah oo ay caalamka ku majaro habaabinayeen kaas oo ay odhan jireen waxaanu la dagaalamaynaa Argixiso iyo Budhcad badeed.Waxaa jira warar kale oo xogogaal ah oo sheegaya in budhcad badeedku fasax iyo ogolaansho ka haysato masuuliyiinta ugu sarraysa ee Soomaaliya. Cadde Muuse laftiisa ayaa Idaacadaha dhawaan ka qirtay in budhcad badeedku fooqaq iyo meherado caan ah ku leeyihiin magaalooyinkooda waaweyn sida Boosaaso. Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa ayaa iyaguna booqasho iyo wada tashi ugu taga budhcadda Maraakiibta ku haysata xeebaha Eyl.

Caddaymaha kale ee la xaqiijinayo waxaa ka mid ah qaar ku saabsan xidhiidhka ka dhaxeeya Cabdillahi Yuusuf iyo budhcad badeedka lagu hayo ee ku xidhan Faransiiska kuwaas oo Cabdillahi Yuusuf dalbaday markii uu booqashada ku yimi Faransiiska in gacanta loo soo galiyo isaga.Arrintaas oo dawladda Faransiiskuna ku gacan saydhay. Golaha Amaanka ee QM ayaa dawladda Faransiiska u xilsaartay Amaanka Badahaas, ka hortagga iyo la dagaalanka budhcad badeedka Soomaaliya. Waqti yar ka hor ayaa booqashadii Madaxweynaha JSL ku tagay Faransiiska ayaa ciidamadda Faransiisku waxay fuliyeen hawgal kale oo ay ku soo furteen Muwaadiniin Faransiis oo budhcaddu Afduubeen.

Iskaashigan cusub ee Faransiiska iyo Somaliland waxay daawo u tahay cudurka budhcad badeedka ee faraha baas ku haya "pirates Land" waxaanu Somaliland u soo kordhinayaa magac iyo maamuus waana taalobo kale oo muhiim ah dhinacii baadi goobka aqoonsiga caalamiga ah ee JSL.





Axmed Naasir Xirsii

Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com