WAR-SAXAAFADEED

 


Addis-Ababa (TNN):-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Tedros Adhanom Ghebreyesus i  yo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maa nta kulan ku yeeshay caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

Kulankaas, oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Addis Ababa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, waxay na labada Wasiir ka wada hadleen, arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal, gaar ahaan xoojin ta nabadda, gaar ahaan ammaanka xuduuda labada dal.Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia ayaa hada u xidhan arrimo xaga nabad-gelyada ah iyo sidii argagixisada loola dagaalami lahaa, iyo ammaanka Gobolkaba.

Waxa jira is-kaashi adkaynta nabadda ah oo ka dhexeeya wadamada Somaliland la jaarka ah, sida Ethiopia iyo Djibouti.

Arrimaha kale ee Labada Wasiir maanta ka wada hadleen wax ka mid ahaa shirka soo socda oo ay labada wadan wada yeelanayaan Bisha soo socota bilowgeeda oo ka dhacaya magaalada Dirir Dhaba ee Ethiopia kaas oo lagaga wada hadlaayo qoddobo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo nabad-gelyada, shirkaas oo ay ku kulmayaan guddiyo xaga farsamada ah.”
 

 

Siciid Cali Muuse,

Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland