Dawladaha Imaaraadka Iyo Qatar Oo siyaasad kala fog u wajahay Somaliland Iyo Soomaaliya
 



Hargeysa (TNN)-Dawladaha Qadar iyo Imaraadka Carabta oo ka wada tirsan waddamada Khalii jka, ayaa siyaasad kala fog ku kala wajahay Somaliland iyo Soomaaliya, arrintan ayaa hadda uu n u soo baxday dibada, iyadoo Dawladda Imaraadka Carabtu, ay diyaarad khaasa u soo dirtay Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo, oo la filaayo inuu maalinta Sabtida Ah ka dhoofi do ono garoonka diyaaradaha ee Berbera una kicitimo Imaaraadka Cimraadka, siday warar xaqiiq ah ku heshay Shabakadda Caalamiga ah ee Somalilandtoday.com.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Soomaaliya, ayaa isna casuumad ka helay waddanka Qada r, isagoo maal maha soo socda si rasmiya uga degi doona dalkaas. Labadan Casuumadood ayaa u muuqda kuwo diirka ka qaadaya kala duwanaanshaha siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya. Dhinca kale Dawladda Qadar ayaa ilaa bilowgii ololihiisa ka hawlgashay Madaxweyne Xasan Shii kh, halka waddanka Imaraadka Carabtu wadatay Madaxweynihii hore ee Shiikh Shariif. Sidoo k ale Dawladda Qadar waxay markasta tageero laxaad leh u fidisaa maamulka ay dhismihiisa wax ku lahayd ee Xasan Shiikh Maxamed, arrintan oo dadka la socday dhaq dhaqaaqa dawladda Qa dar ee Soomaaliya ku tilmamaan, inay ka shaqeyeen wadaado u dhashay dalka Qadar oo xagga mabda’a diinta isku dhawayeen Xasan Shiikh.

Dhinca kale waddanka Imaraadka Carabta ayaa si weyn u badalay siyaasadiisi ku aadanayd So maliland, iyadoo labadii sanno ee ugu danbeeyay, ay si weyn isugu soo dhawanayeen Xukuuma dda Somaliland iyo Dawladda Imaraadku, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa hore shir caalamiya ugaga qayb galay dalkaas, iyadoo markale ay safar ku tageen Saddex Wasiir oo Xukuumadda Somaliland ka tirsani, bishii hore.

Sidoo kale waxay labadii sanno ee ugu danbeeyay Xukuumadda Imaraadka Carabtu mashariico waa weyn oo xagga biyaha u badan ka fulisay waddanka Somaliland. Si kastaba ha ahaate cas uumadan Madaxweynaha Somaliland ay hadda u fidisay Dawladda Imaraadku, oo ka heer sara ysa sidaanu wararka ku helayno boqashooyinkii uu hore ugu tagay dalkaas, waxay waji cusub u furaysaa xidhiidhka labada dal.

Geeska kale iyadoo saxaafadda qaar kood qoreen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamed tagi doono dalka Imaraadka, ayaanu warar rasmiya ku helnay in maal maha soo soc da uu Madaxweyne Xasan Shiikh ka dagi doono dalka Qadar. Si kastaba ha ahaate, mawqifyada kala fog ee labadan dal kula kala macamileen Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda mid fa a’iido weyn u leh dhinca Somaliland, maadaama oo waddamada Carabta badankoodu ku dhege nayeen qadiyadda midowga dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

 

Xigasho: Somaliland Today