Dawlada Madaxweyne Axmed-Siiraanyo Hoombray soo Wad-daa Shacabkuna Shimbro-laayuu soo Sitaa

 

 

Halkii ayay inooga socotaa,talaabooyinka qaloocan iyo qorshaha ay wad-do dawlada Mad axweyne Axmed-Siiraanyo ayaynu isu iftiiminaynaa si aynu isugu dayno inaynu toosino,w aa hadii ay talo innaga dhexayso,mid qaran-nimo,waa hadii Madaxweyne Axmed iyo  dhego u leedahay shacabkeeda,hadii kale,lax dhukan uun iga dheh.Aan dib ugu laabtii qodobadii ama talaabooyinkii is-daba taxnaa ee ay dawladani ku muday shacabki sida maxaadhka ee aynaan hadana ax iyo ux toona odhan.


Muddo yar markay jirtay waaxdii fulinta ee uu dhistay Madaxweyne Axmed ayuu sacabka isu tumay,markaasuu is-laba rogay kadib markay dhegahiisa ku soo dhaceen erayo iyo we edho ka imanaayay shacabka qaybo ka mid ah,si gaar ah ayuu ugu qancay erayadaas qaar ka mid ah,tusaale “Mujaahid,Gudoomiyahii ugu xukunka dheeraa SNM,Siyaasi rug-cadaaya, a qoonyahan khibrad-badan.” Geesinimo hor leh ayay geliyeen weedhahaasi markaasuu dh engad la dhex galay fulintii uu isagu ka xushay aqoonyahanka dalka,dhawr wasiir,ku-xigee no iyo agaasimayaal ayuu seefta mariyay,cutub kale ayuu magacaabay asagoo xeeladahii sii u qarsoonaa fulinaaya.Dhinacna la yaab kama iman,barkimo dheer qaaday,waxaanu ku dhaqaaqay isagoo daansha-daanshoonaya:


1.Dagaal degaansan (Kalshale).
2.Bur-burinta xisbiyada mucaaridkaa.
3.Abuurid wada-tashi madax-dhaqameedka.
Halkaa waxa ugu hir galay qaabkii dawladnimo ee qaranku inuu isu bedelo beelo iyo madax-dhaqameedka oo galay halkii xisbiyada qaranka.


La Soco……………………..

 

 

 


Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL