Dawlada JSomaliland oo Safiir Cusub U Magac owdey Dalka NewZealand , Mudaane CABDI XASAN FAARAX BUUNI

 

Waxaa dhawaan wasaarada arimaha dibada ee S/land u magacowdey Mu dane: Cabdi xassan Faarax Buuni. inuu noqdo wakiilka u fadhiya j S/land dalka Newzealand

Cabdi xassan faarax ayaa waxaa uu horey u ahaa gudoomiyaha qurba  joo ga reer s/land ee dalka newzealand,

Sidoo kale cabdi xassan ayaa ah nin ka soo jeeda beelaha Gabooye ee inta badan qollooyinka reer galbeedku u yaqiinaan Somali Minority Society

Tallaabadan ayaa waxaa ay noqoneysaa mid inta badan u soo jiida s/land indha caalamka

Waxaa haddaba u suuro gashay shabakada wararka ee gabooyenews iney wareysi la yeelato mudan: cabdi xassan faarax buuni .oo ah wakiilka cusub ee dalka newzealand u fadhiya jS/land

S:Waxaanan ugu horeynba waydiiney sida uu u arko arintan iyo dareenk iisa?

j:walal waxaan u arkaa xilkan la ii doortey ee safiirka u fadhiya dalka  new zealand waa waa cusub oo u baryey jsomaliland oo cadaalad & sinaan dimuqraadiyad ah ku talaabsatey jsomaliland taasna waxaan ku cadeynaya anigoo ahaa .gudoomiyaha qurba joogta reer soamliland ee dalka newzealand kan soo jeeda muwaadiniinta beesha gabooye ee reer somaliland hadana xilkan safiirnimada ee dowlad jsomalilnd ii dooratey iney tahey mid hab hanaanka dimuqraadiyad dhab ahi ka hana qadey jsomaliland,

J:Waa midaan ku faraxsanahey xilkan la ii igmadey ee ay ii igmadeen dowladeyda jsomaliland & madaxdeyda ,waa xil culus oo ah inaan dowlad & dad & dal dhan inaan u matalo oo an u noqdo safiirka u jooga dalka newszealand, waxaanan balan qaadayaa inaan xilkaas intaas leeg ee leygu aaminey inaan u guto si karti & xilkasnimo leeh oo daacad u noqdo dowladeyda & calankeyga jsomaliland,ALLAH,SW,waxaan ka rajeynaya inuu ii dhib yareeyo xilkas noqdana kii guta xilkiisa.aamiinnnnn.

S;su aal kale oo laga weydiiyey xilkan cusub ee safiirka loo doortey & dareenka beesha gabooye sidey u arkaan ?

j:run ahaantii waa midey kuwada faraxsanyihin dhamaan hogaan dhaqmeedka & muwaadiniinta beesha gabooye dalka & dibadaba ,waana midey iigu wada hambalyeyeen dhamaantood ,waxaanan oraankaraa dareenkooda waa mid hadheeyey in is badal weyni iska badaley dareenkoda una wada arkaan iney yihiin muwaadinin dhab ah oo xaq & xaquuqba kuleeh jsld,cid u diidi kartaana aaney jiriin wixii ay xaq ugu lehyihiina maamulka dowladoda jsld .


hadaba si kastaba ha ahaatee ariintan xilka cusub ee loo doortey .safiirka mudane cabdi xasan faarax buuni.ee dalka newzealand ,ayaa ah mid si weyn u hadheysy dareenada muwaadiniinta beesha gabooye dal & dibadba ,sideynu wada ogsoonaheyna muwadininta beesha gabooye ee reer somaliland ayaa markastaba ka cawda maamulka jsld ,cabashooyiinkodana ku muujiya xaqa maamulka & cadaalad darni ay kaga cawdaan inaaney marnaba si xaqa uga dhex muuqan maamulka & madaxda jlsd,balse hada aad yara moodaa iney hididiilo & kalsooniba galisey xilkan cusub ee loo magacaabey muwaadiin ka soo jeeda beeshooda gabooye mid iftiin & ileysba leeh & talaabo horumar leeh oo ay ku talaabsatey jsomaliland.inkasta oo ay aamin sanyihiin inay wali ka maqanyihiin ka dhex muuqashada maamulka .


 


By:Barkhad Jaamac Hirsi .

xafiiska(gabooyenews.com)hargeysa jsld.
Email:midgaanyare@hotmail.com
hargeysa jsld.
Qoraaga: Tafatiraha(gabooyenews)MRGABOYE.