Dawlada Itoobiya oo Markii U horaysay ka hadashay Mow qifkeeda la
xidhiidha Hubka Saaran Markabka ku xidhan Dekedda Berbera
Sarkaal ka tirsan Safaaradda Itoobiya oo Berbera ku tagay
indho indhaynta Markab Hubku sa aran yahay
Hargeysa (TNN):- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horeysay ka
hadashay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera, kaas oo
xukuumadda Somaliland xannibtay kaddib markii laga helay
saanad-milari oo laga shakiyey cidda iska leh.
Markabkan oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa Dekedda Berbera,
xukuumadda Somalilan d-na sheegtay inay gacanta ku hayso baadhitaanka
cidda iska leh hubka saaran, waxa ay da wladda Itoobiya oo Somaliland
iskaashi kala leh dhinaca ammaanka u dirtay sarkaal sare oo ka
tirsan Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.
Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brig. Gen. Berhe
Tesfaye, ayaa sheegay in sar kaal ka tirsan Xafiiskiisu u diray
xogogaal u noqoshada xaaladda Markabka ku xidhan dekedda Berbera ee
saanadda Milatari lagu qabtay, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay
inay qayb ka tahay wada-shaqaynta dhinaca ammaanka ee ay wadaagaan
Somaliland.
Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey jiritaanka war
lagu baahiyey warbaahi nta qaarkeed oo lagu sheegay in dawladda
Somaliland ay safiirka Itoobiya ka horistaagtay bo oqasho uu ku tagi
lahaa magaalada Berbera, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin
warka as , balse uu jiro sarkaal ka tirsan xafiiskiisa socdaal ku
tagay magaalada Berbera.
“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tegay dekedda Berbera oo kuna soo
eegayey markabka oo lay diiday, balse waxa jiray sarkaal ka tirsan
safaaradda Itoobiya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xog-ogaal u
noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran,” Sidaas
ayu u yidhi Mr Berhe.
Mr. Berhe oo la weydiiyey inay xukuumadda Somaliland ka wada
hadaleen arrimaha Markabka iyo ujeeddada socdaalka sarkaalka ku
tegay dekedda Berbera waxuu ku jawaabay, “Kamaanu wada-hadal, sabab
aan u weydiiyo ma jiro waa hawl xilkeeda ay leedahay Somaliland,
haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan,” ayuu
yidhi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Tegitaanka
sarkaalka safaaradda ee dekeda Berbera waxuu ahaa kormeer caadi ah
oo xog-ogaal ugu soo noqonayey arrimahaa markabkaa iyo waxa uu sido
inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqeyn ka leenahay xagga
amaanka Somaliland.”
Xigasho: Wargeyska Himilo
|