Dawlada Ghana oo u magacawday Saxafiyad Dr.Muha Farah Jire, Safiirkeeda Hawlaha Biliaadanimo

 


 


warsaxafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana soo saartay waxay ku tilmaantay Drs Muha Daahir Faarax Jire Xidig geeska Afrika u dhalatay......



Ghana (TNN):- Munaasabad ay ka soo qayb galleen madaxda haayadda u qaabilsan dalka Ghana arrimaha bini’aadminimada gudaha iyo dibadda ee CAT loo yaqaano, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka dibadda u fadhiya magaalada accra iyo masuuliyiin kale ayaa warsaxafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana soo saartay waxay ku tilmaantay Drs Muha Daahir Faarax Jire Xidig geeska Afrika u dhalatay, kana soo dhex iftay arrimaha warbaahinta iyo gudbinta wararka ee qaaradda Afrika. Afhayeen u hadlaysay waaxda gargaarka

IMG_3984bini’aadminimada dalka Ghana ee CAT ayaa sheegtay in xilkani ay dawladda Ghana usoo bandhigtay xidigtani yar ee qaaradda Afrika ka soo dhex baxday, iyadoo muujisay karti, iyo hawlkarnimo isla markaana markii shanaad hadda ku soo noqotay dalka Ghana “waxay noo tahay sharaf weyn in Drs Muha Daahir Faarax Jire ay xilkani naga aqbasho, waxaana ay u tahay farxad weyn CAT iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana” ayaa ay ku tidhi warsaxafadeedkaasi. Mrs Muha Daahir Faarax Jire oo iyaduna munaasabadda lagu magacaabay hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ay inta karaankeeda ah dhabarka u ridan doonto hawshani loo xil saaray “Ghana waa iftiinka dimuqraaidyadeed ee qaaradda Afrika, waxay ii tahay sharaf weyn inaan markii shanaad imaado Accra isla markaana booqdo meelo badan oo dalka Ghana, waxaanan weligay iloobayn soo dhawaynta, iyo wanaaga ay dadka reer Ghana iyo xukuumadda madaxweyne Mahamma ay ii muujisay muddadii aan halkani joogay, xilkani maaha mid fudud la i saaray, waxaan isku dayi doona inaan ka shaqeeyo la dagaalanka faqriga iyo sidii caruurta agoomaha ah ee qaaradda Afrika ay u heli lahaayeen gacan iyo taageero” ayey tidhi Drs Muha Daahir Faarax Jire. Ka Dib markii la magacaabay ayey Drs Jire ka qayb gashay munaasabad ay qaramada midoobay iyo haayadda CAT ugu qaybinayeen cunto iyo daawooyin xarunta agoomaha ee magaalada Accra, iyadoo furtay goobtaasi isla markaana hawshii qaybinta raashinka iyo daawooyinka ka

shaqaynaysay. Waa markii ugu horaysay oo qof dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland xil diblomaasiyadeed looga magacaabo dal ka mid ah dalalka dunida gaar ahaana hormoodka qaaradda Afrika.Dr. Muha Daahir Faarax Jire ayaa muddo toban sanno ku dhaw waxay ka hawl gallaysay xarunta midawga Afrika ee Addis Ababa, iyadoo horana u noqotay madaxii suxufiyiinta qaaradda Afrika, sannadkii 2011-kii ayaa guddoomiye ku xigeenkii midawga Afrika wuxuu guddoonsiiyey shahaadada Doctorate PHD, wixii intaasi ka danbeeyeyna waxay iskaga dab qaadaysay dhammaanba qaaradda Afrika.Sida lagu sheegey warsaxaafadeed taariikhda Dr. Moha Farah Jire uu kaga hadley urur arimaha bani aadamnimada u qaabilsan xukumada Ghana oo CAT lagu magacaabo ayaa shegey inay ahayd Xidig Geeska Africa u dhalatey, kana dhex iftey arimaha Qaarada ee Saxaafada, Dimoqraadiyada, Amniga iyo nabadgelyada qaarada, Dr. Moha waa markii 5aad ee socdaal shaqo ay ku timaad cariga Ghana waxanay si kal iyo bani aadamnimo ku ladhantahay nooga aqbashey xilkasi ,iyadoo isku xidhi doona ururada maxaliga ah ,kuwa caalamiga ah, deeqbixiyayaasha iyo guud ahaan diplomasiyiinta u ololeysa arimaha bani aadamnimada ee ay xidhiidhka wada shaqayneyd la leedahay Doctooradu ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Sidoo kale Moha Farah Jire oo jaraaidka Ghana warsaxaafadeed ay qabatey kula hadashey ayaa tiri, waa howl aan jeclahay , in aan taakulayno caruurta dhiban ee uu baahan gargaar bani aadamnimo , waa waajib aadamnimo oo diinahu guud ahaan ay ina farayaan, wanan uga mahadcelinayaa Xukumada Ghana ee ii xil saartey howshani baaxada leh, waxay ka codsatey in warbaahinta qaaradu kala shaqayso u ololeynta arimaha caruuraha aan waalidka lahayn, ama baahiyaha gaarka ah leh, waxayna booqashooyin ku samaysay xarumaha ugu waawayn ee Agoomaha lagu xanaaneeyo Ghana, iyadoo macaawinooyin kii ugu horeysay gaadhsiisey

Waxa inta badan dalalka reer galbeedka ah loo xushaa xilalka Bani aadamnimo dadka Caanka ah ee magaca weyn leh, si loogu soo joogsado howlaha gargaarka ee ay ka wadaan dunida