DAWLADA
ETHOPIA AYAA XAFIISKEEDII HAR GEYSA KOR U
QAADAY DERJO AHAAN UNA MAGACWDAY
QUNSULYID

Dawladda Itoobiya ayaa Qunsuliyad
buuxda u magacowday Xafiiskeedii ay ku lahayd Magaalada Hargeysa oo
hore u ahaa mid Ganacsi. Waxaana shal ay dalka soo gaadhay
Safiir cusub oo ay u magacowday Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wefti ka socda Itoobiya oo maanta
wada-jir Shir-jaraa’id ugu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha
Dibedda Somalila n d, ayaa sheegay in Dawladda Itoobiya ay
derejo ahaan kor u qaadday X afiiskii Ganacsi ee ay ku lahayd
Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo
arri ntan ka hadlay, ayaa yidhi, “Farxad wayn bay noo tahay in
Xafiiskii Ganacsi ee Itoobiya ku lahayd Somaliland loo dallaco
Qunsuliyad. Waxa shalay dalka soo gaadhay Safiirka ay Itoobiya dalka
u soo magacowday oo halkan (Shir ka-Jaraa’id) inala fadhiya.
Waxa uu xalay la kulmay Madaxweynaha oo uu u gudbiyay farriin uu uga
siday Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arri maha
dibedda dalkaas.”
Wasiirku wuxuu u ballan-qaaday Wakiilka loo soo magacaabay
Somaliland in ay Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaanba taageeri
doonaan, isla marka ana is-garab taagi doonaan. “Waanu kugu
soo dhawaynaynaa Somaliland, waxaananu kuu ballan-qaadaynaa in aanu
iskaa garab-taagno. Halkanna (Somaliland) waa dalkaagii labaad ee
soo dhawow.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Somaliland Mr. Berhe
Tesfey oo isna halkaa kelmado aad u kooban ka yidhi, ayaa
ballan-qaaday in uu la shaqayn doono.
Source: Togaherer
|