DAWLADA ETHIOPIA OO XIDHAY XADKA AY LA WADAAGTO SOMALILAND IYO SAFARKA MELAZ EE JIGJIGA

 


 

Dawladda Itoobiya ayaa muddo 48 saacadood ah xidhay xadka ay la wadaagto  Somalil and, waxaanay joojisay gebi ahaanba isu-socodka gaadiidka ee u kala gudbi jiray labada dal, marka laga reebo Baabuurta Qaadka.

Haegeysa (Timacade News)-Inkasta oo aanay labada Dawladood ee Somaliland iyo  Itoo biya si rasmi ah uga hadal arrintan, haddana sidayWargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wa reedyo lagu kalsoon yahay, Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay xadka ay la  wadaa gto Somaliland, kaas oo ay sheegtay in uu xidhnaan doono muddo 48 saacadood ah oo shalay ka bilaabma, kuna eg maanta oo Isniin ah. “Toddobaadkii u dambeeyayba waa la adkeeyay xadka, si adag baana loo baadhayay dadka ka gudbaya, balse maanta  (shalay) ayaa la xidhay.

Dhinaca Somaliland waxa tuman dad badan oo u gudbi lahaa dhinaca Itoobiya, waxaana y buux-dhaafiyeen Huteellada la seexdo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalo-xuduudeedda Wajaale oo Wargeyska Ogaal uga waramay arrintan. “Baabuurta Qaadka ka soo qaada Itoobiya oo kaliya oo aanay Darawalka iyo raacuhu oo kaliya la socdaan ayaa la ogol yahay inay ka gudbaan Xadka, kuwaas laf  ahaantood ana lama ogola inay dib ugu noqdaan Itoobiya ilaa amar dambe oo waxa la faray in ay joogaan dhinaca Somaliland.” ayuu intaa raaciyay qofkaasi. Waxaanu sheegay in dadkii ka bixi lahaa Itoobiya ee u socday dhinaca Somaliland lagu joojiyay Magalaada Jigjiga oo aan loo ogolayn inay ka baxaan ilaa xadka la furayo.

Sababta loo xidhay Xadka ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisal-Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi markii ugu horraysay muddo 20 sano ku dhaw oo uu xilka hayay uu  socd aal ku imanayo magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. “Magaalada Jigjiga waxa lagu qabanaa shirkii xoolo-dhaqatada Itooobiya oo beri  (maa nta) oo Isniin ah, marka laga yimaaddo masuuliyiinta kale ee ka qayb-galaya, waxa  Shir kan imanaya oo ka qayb-galaya Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo la filayo in uu Diyaarad ku yimaaddo.” Waxa isna sidaa Ogaal u sheegay mid ka mid ah  masuuli yiinta u dhuun-daloola arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Masuulkani wuxuu intaa ku daray in waqtiga la filayo in la furo Xadka Somaliland iyo  Ito obiya ay tahay marka uu Meles Zenawi ka amba-baxo magaalada Jigjiga. “Waxa la  filay aa in uu Jigjiga joogo muddo afar saacadood ah, waxaana la furi doonaa xadka marka uu noqdo gelinka dambe ee beri (maanta). Inta ka horraysa waxa la sheegay in uu xidhnaan doono xadku.” Ayuu yidhi masuulkaasi.

Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Booliska ee Jigjiga oo loo magac-bixiyay Booliska cusub (New Police), ayaa la keenay magaalo-xuduudeedda Wajaale, kuwaas oo ilaa  sh alay hubinayay hirgelidda xidhitaanka Xadka, isla markaana kormeerayay xadka.

Maaha markii u horraysay ee ay Dawladda Itoobiya xidho xadka ay la wadaagto  Somalil and, hase ahaatee sanadkii hore ayay ahayd markii muddo gaaban ay sidan oo kale u xidhay, balse ay markii dambe dib u furtay.

Source:Ogaal