WARSAXAAFADEED

Taariikh:1 February 2012
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa
maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga
iyoHorumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka
booqasho ku yimi.
Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis
Bach ayaa sheegay in So maliland ay ku ammaanan tahay deganaanshaha
iyo xasiloonida ay samaysay, isla markaana uu muuqdo doorka ay ka
qaadan karto arrimaha Geeska Afrika, dawladdiisuna ay diyaar u tahay
inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland, si taasi wax uga
tarto nolosha aadamaha,gaar aha ana dhinacyada arrimaha bulshada,
Wasiirku waxa uu ku dheeraaday heerkaay Somaliland ka g aadhay
horumarinta iyo dimuqraadiyada iyo ammaanka, xilli ay Somaliland ku
dhex taallo manda qad halisi ku xeeran tahay, taasoo uu sheegayinay
caalamad u tahay inay sii xoojiyo waxtarka ay u gaystaan dalkan.
Mr. Christian Friis Bach ayaa sheegay in dawladdiisu Denmark ay
hadda xafiis farsamo ka furana yso Somaliland, Madaweynahana ay ka
wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa maamul wanaaga iy o hagaajinta
nolosha bulshada.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa
tilmaamay inay So maliland ahaan ku faraxsan yihiin booqashad
aweftiga reer Denmark, isagoo xusay Denmark in ay ka mid tahay
wadamada Somaliland ka taageera dhinacyada arrimaha bulshada.
Madaxweynaha Somaliland
waxa kale oo uu sheegay in Denmark ay tahay dal ay Somaliland sa
axiib yihiin, kaalin wayna uguj irta, isla markaana waxyaabihii ay
weftiga ka wad hadleen ay u b adnaayeen sii xoojinta xidhiidhka
labada dhinac.
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland
Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse)
|