Dawlada
cusubi waa in aanay geel u dirin ninkii la gala quustay maqasha
  
Aniga oo ah muwadin reer Soomaliland ah waxaan doonaya inaan
xasuusiyo dawlada cu sub inaanay ku soo darin
Wasiirada ay soo wado dadkii hore ula soo shaqeeyay xukuma
dihii kala danbeeyay ee Soomaaliland soo mara, hadii laga dhex arko
nin Wasiir ka soo ahaa tii Riyaale
amaba Cigaal taasi waxay noqonaysaa ninkii u dirtay geela ninkii
maqas ha lagala quustay.
Aniga iyo intii fikirkan ila
aaminsani waxaan u aragnaa haddii taasi dhacdo inay soo food
saari doonto dawlada cusub wadadii ay qaadeen maamulkii ka
horeeyay oo ku sifoobay waxqabad la,aan , musuqmaasuq, cadaalad -darro.
Hadaba waxaan aaminsanahay in la keeno dad cusub oo diyaar u ah inay
dadkan iyo dal kan wax la qabtaan, waxaan u arkaa inay taasi guul u
horseedi karto dalkan.
|