Dawlad kooban oo tayo leh.
 

 

Dawlad kooban oo tayo leh macnaheegu waxa weeyi xukuumad tirada  wasaaraddahe edu aad uga yar yihiin marka loo barbardhigo tirada wasaaraddaha ay leedahay  xuku umadda Madaxweyne Riyaale ee haatan xilka uu kala wareegayo Madaxweynaha la do ortay Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).


Tusaale: Xukuumadda Madaxweyne Riyaale waxay leedahay 26 wasaaraddood.Xuku umadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa laga sugayaa in ay yeelataa 13 wasaaraddood ama wax ka yar haddii dawlad kooban la dhisyo.Tayada ma cnaheedu wuxu yahay dad aqoon leh,waayo aragnimo leh,dadnimo leh ,diin leh,daacad ah, karti iyo waxqabad leh iwm.

Madaxweyne Siilaanyo oo ah siyaasi rug caddaaya aqoon sarana leh waxa laga  sugaa ya dawlad kooban oo tayo leh.Dawladda hadda xilkeedii sii dhammaanayo ee Madaxwe yne Riyaale waa xukuumad ballaadhan oo tayo daran, bal aan eegno tirada  wasaarad daha dalka jira haataan:

1.Wasaaradda gaashaandhiga
2. Wasaaradda arrimaha dibeda
3. Wasaaradda arimaha gudaha
4.Wasaaradda waxbarashada
5.Wasaaradda caafimaadka
6.Wasaaradda beeraha
7. Wasaaradda maaliyadda
8. Wasaaradda qorsheynta
9. Wasaaradda macdanta iyo biyaha
10.Wasaaradda boosta iyo isgaadhsiinta
11. Wasaaradda arrimaha qoyska
12 .Wasaaradda duulista hawda
13. Wasaaradda xannaanada xoolaha
14. Wasaaradda ganacsiga
15. Wasaaradda warshadaha
16. Wasaaradda horumarinta reer miyiga
17. Wasaaradda kaluumaysiga
18. Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha
19. Wasaaradda caddaalada iyo garsoorka
20. Wasaaradda diinta iyo awqaafta
21.Wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta
22. Wasaaradda hidaha iyo dhaqanka
23. Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga
24. Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta
25. Wasaaradda dib-u-dejinta
26. Wasaaradda madaxtooyada

Allaa Mahad leh,

 

 

 

Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Ottawa, Canada.