Dawga Caddi wuxuu
isku xidhayaa Oogada Sare,Hawd, Meder, qadaw, uurka iyo
wadnaha Somaliland

Talo: Dawga ha loogu magac daro Cabdillaahi Weerar oo
tan iyo lixdamaadkii caanaha iyo khudrada ka soo daabuli
jirey waqooyiga.
Fayaadaya, rag iyo dumarba duca qabooyin.
"Waxaa la yidhaa Geelu iluu dhashay oo waxaa lagu dhaqaa
“ila lis, ila aroori, ila waraabi, ila ood, ilaa qaad
iyo ila soo dhici”. Waxaa Geela la mid
ah oo ilo dhashay dal iyo dawlad dhisma heed oo haddaan
la wada qaban weligood horumar gaadheen. Sidoo kale
dawga cad iyo mid
waliba iluu dhashaye ee amma xoolo ku biiri amma xoog,
oo waa kan xagaafe ii dhiib jagnah a, waa kan doollare
hawsha dabaca
u diid.Hayaanka iyo qululka, labada wuu fududaynayaa: "Guul
helooyin, gacanta saara. Guul helooyin
Rubeeda dhiiba".
Sidii Xaajadii Sula Koley Caanteen caanteen u
helimaysaane, doorkan sicir baraar iyo canaa d barar ayaa
jiro eh , rubeed rubeed ha lagu kabo". Hamud Duale
Gacmo wad jiraa wax qaban kara
Dalalka horumaray guus iyo iskaa waxqabso ayay nolol
aayatiin wacan ku gaadheen, daaye erna gacmihiisa ayuu
biyo kaga dhergaa,
aboorna dudumooyinkaad aragteen candhuuftiisa, ilkaha
iyo iskaashi ku dhisaa. Innaguna kama itaal iyo aqli
liidano ee aydantii wax wada qabsiga ayaa innaga maqan.
Gacmo wada jira loo baahan yahay waqtigan adag.
Dawga Caddi wuxuu isku xidhayaa Ogada Sare, Hawd, uurka
iyo wadnaha Somaliland
Dawga caddi dadka iyo dalka ayuu isku soo dhaweynayaa,
barwaaqa sooranka gubanka iyo ogaada, bariga iyo
galbeedka ayuu
dardargelinayaa . Afarta beeni garjaba isagaa waqooyiga
ku talaalaya. Wuxuu ku xidhayaa gaadiidka badda sida
doon yahay iyo hoodhiyada ee tamasha
laha ee u kala gooshaya Jabuuti, Saylac, lughaya,
saaxiil, Karin ilaa xiis iyo Maydh, Boosaaso iyo Bander
qaasim. Dawga waxaa ka
faracmaya wadiiqiiyin iyo jidad kale tuulooyinka iyo
magaalooyinka kale. Manaafacaadkiisu kuwa jooga, kuwa
dhallan doonaba wuu taabanayaa.
Kuwa ka durugsan iyo kuwa duljoogaba manaafaciidkiisu si
dadban iyo si toosa ah ayuu u gaadhayaa.
Buuro dhaadheer oo durduradu hoos maraan, dhir wada
cagaaranina ku hadoodilan tahay, goob dalxiiska ku
fiicani gubanka
weeyaan. Buurihii goolis, Almis iyo jarey baarkood
dawgii ku geynlaa weeyi. Gal iyo xeeb lagu dabaasho iyo
damal
hadhweyn oo la dooyeysto dawagii loo mari lahaa weeyi.
Dawga caddi, waa jidka loo sii marayo, kheyraadkii
gubanka sida dhuwanka, dhafaruurta, garaska, daawada
ilkaha waa cadayga eh,
dhikrada iyo mudhacaanta. Waxaa taa sii daba jooga waa
ku dhawaada xeebaha oo kuluumaysta si gaajo loo kala
tago, oo aan loo
girgiran.
Haddaba yaan la dhayalsanine ee gacan nebi nin doonow
gacantaa ha socoto oo sadaqadaa juuruurka wax ku darso,
dadka iyo
dalka horumarkiisa wax gasho.
Talo: Dawga ha loogu magac daro Cabdillaahi Weerar oo
tan iyo lixdamaadkii caanaha iyo khudrada ka soo daabuli
jirey waqooyiga. Adeegiisii deegaanadaasi way ku reeyeen
oo ku raysteen muddo dheer. Baabuur Ingriisku ku galay
dagaalkii labaad ee adduunyada oo ku fiicnaa maritaanka
malkada geelu ka arroor iyo fanashada buuraha ayuu
dayactiri oo deegaanadaas uu ugu adeegi jirey.
|