Dastuurka waa in lagu daro in shakhsiga Somaliland ee ka qayb qata Dawlada Xamar inuu wadaniyada Somaliland wayayo


 

Qofkasta xor ayuu u leeyahay inuu dalka uu doono sharcigiisa qato, kana shaqaysto, lakiin q ofna xaq umalaha inuu sheegto inuu matalo dad iyo dal aanu wadaniyadiisa haysanin.

Somaliland waa in ay iska moosto calooshooda u shaqaystayaasha Xamar shaqada u doonta y, haddii Somaliland ayna talabo adag ka qadin shaqsiyaadkani, waxaa ay abuuri doonta khal khal Somaliland ku yimada. Marka waa in Dastuurka dalka lagu sameeyo ?amend-ment? odhanaya in qofka Somaliland uu ku waayayo wadaniyada Somaliland haddii uu shaqo ka qab to dawlada Somalia, shakhsiga hore uga qabtayna dawlada Somalia waa in loo ogalaan inuu dawlada Somaliland wax xil ah ka qabto.

Ummada Somaliland waa in ay ogaadan in ay dawlada Somalia tahay cadawga kowaad ee So maliland, isla markaana ay burburka Somaliland ay ka shaqaynayaan. Shakhsigii doonaya inu u Somalia tago way u furantahay, lakiin waa inuu u badheedho inuu wadaniyada Somaliland ka tanaasulo. Somalidu waxaa ay tidhaa, ?Geedkii hadlay waxa uu yidhi, gudin yahay imaad goyseen haddii aanad badhkay kugu jirin?. Marka dawlada Somalia waxba Somaliland kama qadi karto haddii ay dadka Somaliland isku duuban yihiin, helaana ?hogaamiye? ka shaqeeya wanaga, cadaalada, horumarka iyo Ictiraafka. Lakiin haddii shakhsiyaad Somaliland sheega naya ay ku jirin dawlada Xamar, oo dadka iyo dawlada Somaliland talabo ka qadin, Somalila nd aqoonsi ka dheer, dawlada Xamar ka jirtan waxaa ay calamka ka dhaadhicinayaan in dad ka Somalia ku nooli ku dhan yihiin dawlada Somalia, Somaliland tahay gobal ka mida Somalia.

Lakiin haddii qodabkani lagu daro Dastuurka, markaasi ayaa Somaliland iyo Somalia u wada hadli karaan laba dal oo kala madax banaan. Lakiin haddii ay dad sheeganaya in ay Somalila nd ka soo jeedan ay hogaaminaya Somalia. Somaliland kuma doodi karto in ay ka madax ban aan tahay Somalia. Dawlada Somalia cida shaqo siinayso iyaga ayay jirtaa. Haddii dadkaasi ka tanasuleen wadaniyada Somaliland, dawlada Xamar ka jirta kuma doodi karto in dadkaasi yihiin dad Somaliland ka soo jeeda. Marka haddii calamku inagu xujeeyeen in aynu Somalia la hadalno waxaa calamka u cadaynaynaa in dad Somaliland ka soo jeeda ayna ku jirin dawlada Somalia. Haddii ay dadkaasi wada hadalka Somalia aan la galayno ka qayb galan, wax ay inoo dhimaysaa ma jirto, wayo ma aha dad wadaniyiin Somaliland ah, waa dad ahaan jiray Somalilander oo ka tanasuleen wadaniyada Somaliland.

Marka dadwaynaha Somaliland, khasatan dadka ku nool Hargaysa waa in ay hurdada ka ka can oo dawlada iyo golayaasha Wakiilada/Guurtida ku qasbaan in Dastuurka lagu daro qoda bkani si calamka loogu cadeeyo in dadka dawlada Xamar ka tirsani ayna wadaniyiin Somalila nd ahayn, matali karina dadka Somaliland. Waa in dadku mudaharaad ku muujiyaan rabitaan kooda si wadaniyada looga xayuubayo dadka beenta calamka u sheegaya ee burburinaya S omaliland. Haddii dadwaynuhu ayna ilaashan Somaliland waxaa ay ku danbayn doonta in dad ka la kala qayb qaybiyo, Xamar loo kala dheereeyo. Somalidu waxaa ay tidhaa ?Lax kasta halka is dhigto ayaa lagu gawracaa?. Ma jiraan xukuumad, gole Wakiilo, iyo gole Guurti oo danaynaya Somaliland. Marka cid dadka Somaliland isku halayaan, oon iyaga ahayn ma jirto. Marka dadka Somaliland ficil kooda ayuunba ka turjimaya rabitaankooda.

Somaliland ma ay helin hogaanka u bahaanayd. Hogaamiye aragti (ama vission) dal lagu ho rumariyo leh ama leh dhega talada fiican maqla. Hogaamiye cadaalada dadka ku dhaqa. Hogaamiye dhaqaalaha dalka dhisa. Hogaamiye saxa qaladaadka dalka ka jira, ummadana u horseeda dimuqradiyada midaysa een u kala qayb qaybin beelo. Hogaamiye dadka aqoonta leh wax waydiiya, een talada dalka kala tashan caqilo iyo odayaal jahilin. Hogaamiye dalka ka saari lahaa marxalada adag ee aynu ku jirno. Marka dadku waa in ay dalkooda difaacan, una soo jeedsadan siday uga hor tagi lahaayeen dhibta loo maleegayo. Haddii kale Xamar iyo faqashtii dalkeena baabiyay, ee dadkeena xasuuqay ayaa mar kale idiin talin doona.

Somaliland ha Noolato!!!!!!!!!!!!

 



Omar Yousuf
Oakland, California, USA