DARDAARAN WALAALEHEEN WALAWEYN

Walaalahayo Walaweynoow samir iyo iimaan; kow iyo labaatan malyuun
oo faatixo dhaafsada midnimo Soomaaliyeed oo dib u aragtaan. Shalay
iyadoo midnimadii lagu galbinayo gabay, geera ar, heeso, iyo
kalgacal walaaltinimo ayaa subax arooryaad goofkii Xamarweyne lasoo
joojiyey. Isweydiiya sababtii himiladii ummadda Soomaaliyeed hungada
u noqotay? Ayaa loo geedsaaraa guuldarada qowmiyadda Soomaaliyeed ku
habsatay? Masuuliyadda burburka iyo baaba'a geyiga Soomaaliyeed
aafeeye waxa iska leh reer koonfureed markay aragtidoodii ku soo
ururtay hungu ri laba dhuumoodle ah oo ka mataanaysan xag
siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Seddexdii maqnaa ee soo socday halkay
ku dambeeyeen? Mar haddii caqligii Aadamuhu noqday hungurigaa labada
dhuumoodle ee midba midka kale la gaadayo dabinka saansaan
dowladnimo idinka dheer.
Maantana waxa la is weydiinaya waar horta qowmkan maankii iyo
miyirkiiba kaga doorsoomeen raadgoobista midnimo Soomaaliyeed ma
shalay wax iska hagranayeen? Miyaanay ahayn kuwii a abayaashood iyo
adeeradood uubta dheer ku rideen? Ilayn waxaan adduunyada loo maaro
helin nimaan qabsoomayn oon qancayn, oon quusanayn. Toloow miyaanay
maqal oon dhegoodu u nug layn: Waar Soomaaliyi kala quusatee qoomamo
la'aada! Weydun daali durbaanada midnimada a ad ugu dayaansiiya
madaama ay taasi tahay arrinta keli aha ee Soomaali konfureed ka
midaysan tahay. Jidka aad heysaan wuu dheeryahay, dhib iyo halaag
badanyahay e ilaa inta suurta Illaa hay la afuufayo toobiyaha ad
haysaan dib ha uga soo laabmina, durduro iyo xawligana aad u sii
badiya.
Aadamuhu hadduu runta naftiisa u sheegiwaayo, noloshiisa ay
sideedaba khasaare u ah, waxase lama arag ah marka ummad dhan oo
sheekh iyo shariifba lihi wax qanciya, ama quusiya la waayo, oo
yoolkeedu noqdo xaajo aan waxba ka hirgelayn mededaalo iyo maaweelo
laga dhigto muddo dhowr iyo labaatan sannadood ah. Waalahayow
Soomaali Konfuureed ama Walaweynba kartidoo dii iyo awoodoodii waxay
noqotay SOMALILAND MA JIRTO; MIDNIMADA SOOMAALIYEED WAA MUQADAS; IYO
WAXYAABO INTAA KA SII LIITA. Runta haddii la isu sheego waxa quman
in wax lagu qaato, haddii kale xaalku waa sida Qur'aanka Kariimka ah
lagu sheegay Suuratul Isra', Aayadda 71:"Wa man kaana fii haadihii
acmaa fahuwa fil aakhirati acmaa wa adalu sabiilaa."
Maanta sheeko Soomaaliweyn oo dib u hanaqaadaysaa majirto oo godkii
Soomaali koonfureed ku ridday ayey gunta ugu jirtaa oo cid
badbaadinkartaa ma jirto; lix iyo toban jeer oo hore ayaa gogol
nabadeed la iddin fidiyey, intaba natiijadeedii waxay isugu biyo
shubata bar kuma taal iyo khasaare. Ilaa inta reer koonfureedoow
runta isu sheegaysaan ee idinku yeelanaysaan lahaansh a dib-u-heshiinta,
waxba idiin suurto gelimaayaan oo konton sannadood ayaydun ku
jiridoontaan diihaal, dagaal sokeeye oo daba dheeraada, colaad
demiweyda, qaxootinimo iyo daaduun hadba beesha caalamku u dewerto.
Magac xumi hore ayuu ugu lammaana dalkii la odhan jirey Soomaali ya:
QABRIGII GARGAARKA BEESHA CAALAMKA. Inta aad iska indho tireysaan in
aad indinku mindi da daabkeda qabataan oo taladiina la wareegtaan,
hadba shir meel la idiinku qabtaa waxba idii nsoo kordhinmaayoe
wisheysiga iyo waraabuhu ha idin haaligo.
Xiligii la isku beerlaxawsan jirey Soomaaliyeey tooso isku tiirasada
wey dhammaataye si fiican madaxiina ha uga daadegto, haddi kale sida
kaa Qur'aanku sheegay ee if iyo aakhiroba ku indho la' iska ahaaada.
Shirka magaalad London ee cariga Ingriiska lagu qabanayaa raju intee
le'eg ayuu usoo kordhin walaaleheena reer konfureed, marka aynu ka
duulo talada qabqablayaasha Gacan-ku-Rimiska ku Meelgaadhka e wadaad
Shariif iyo Cabdi-weli-Tagsiinle.
Seddexda Qodobad ee labadan masuul talada shbirka ku darsadeen ayaa
ah:
In ahamiyadda koobaad ee gogoshu noqoto ka midho dhalinta dib-u-heshiisiin
Soomaaliyeed oo loo dhanyahay, oo Soomaaliyi gadhwadeen ka tahay!;
In xukuumadda Ingriisku awoodeeheeda dibloomaasiyadeed iyo
siyaasadeed adeegsato si ay Somaliland u keento miis wadahalka,
iyadoon ahayn goob jooge, lakiinse qeyb ka ah nabadaynta;
In si straatijiyadaysan loo eego arrimaha huriyana dhibta Soomaaliya
ka taagan iyo sidii looga gaashaaman lahaa dhibaatadaa soo
noqnoqonaysa.
Walaalahayo reer koonfureedo inta aad fikirka sidaas ah qabtaan
waxaydun gudaysaan gudcur magangooyo; tiisaba daryeela tu kale ku
dara ayaa hore loo yidhi; ogsoonaada shirka London iyo kuwa ka
dambeeyaba cid la sandulaynayaa ma jirto, been ha isku maawwelinina
e wixii idinla gudboon haka warwareegin e halka salaadu idiinka
xidhmi la'adahay toos u abbaara. Taladii qar an idiinku dhismi lahaa
waxa u loogteen gacan shisheeye; taasina waxay idin dhaxashiisay
hadba in maamul dibad lagu soo yagleelay in dusha la idnkaga keeno.
Maamuladaasina waxay noqdeen qaar aan ka turjumayn rabitaanka
dadweynaha; ka dibna si hadba ka maalintaa talada hayaa cimri dherer
uga dhigto ku dheganaanta kursiga aragatidiisii waxay dhaafi
la'dahay ciidan shiishe eye oo ummadda addomiya la igu caawiyo oo
caalamku ha maalgeliyo. Ummadda loo talinayaa ra ali ma ka tahay in
cudud ciidan shisheeye lagu muquuniyo? Jawaabtu waa maya.
Laba iyo toban sannadood Soomaali Koonfureedee waxa qoorta la idiin
sudhay koor la magac ba xday 4.5 Qaacidada awood qaybsiga Beelaha
marna Gobolo been abuur iyo isku dhererin ah; waxa ilaa maanta
awoodi kariweyden in aad koortan iska furtaan oo la timaadaan qaab
aad wax ku qaybsataan oo idinku iska leedihiin oo ka duwan kan
sanqadhiisii idin dhego tirtay. Koortan idin sudhani waxay
sadbursiimo sharci darro ah siinaysaa koox tiro yar oo magac madhan
saami ku dooneysa. Arrimahaasi waa dabarka iyo guntimaha taladiina
garba duubay.
Waxa intaa soo raaca ee loo haqal taagayaa waa madasha oo la filayo
in qaraamaad lagaga yab ooho si loo dardargelyo dowlad Soomaaliyeed
oo loo dhanyay. Waa dededaalo kow iyo labaatan sannadood soo jirtey
oo marka aynu eegno dhaqaale burburka adduunka ka dhacay waxaba iska
yar dowladaha reer galbeedka dal dhaqaale hidin kara. Midowgii Yurub
labadii matoor ee jiidayey dhaqaaluhu( Jarmalka iyo Faransiiska) wax
ay la daala dhacayaan kaabista dhaqaalihii Giriiga, Tal yaaniga,
Isbaanishka, Boortaqiiska, iyo Iyrland oo Miisaaniyadoohoodii iyo
daymankii lagu lahaa iska bixi kari la'.
Haddiiba sanduqaa lagu yaboohidoono wax ku so dhacaan, ha filina in
gacanta loo geliyo maam ulkeeda Soomaali, sababtoo ah dunidu meesha
musuqmaasuqa ka jira wey ogsoontahay, wax la isku aaminyaa ma jirto;
taladeeda waxaad marti uga tihiin shisheeye idiin yeedhiya OO HALKA
SHILINKU KU BAXAYO QALIN IYO XISAAB LABA JOOGA, ninka boorso weyn
usii tolanaya khasnadihii Reer Galbeedka ayaa soo butaacidoona oo
dunidaba doolar ayaa hadhayn adiguna war moogatahaye dib isula
xisaabtan.
Hadal iyo gunnaanad: Sida Walaalihiin reer Somaliland kaga soo
doogeen dhibtii aad u geysateen kaga deyda oo taladiina gacantiin ha
ku jirto; hadba dowlad gacan ku rimis ah oo maalinba nin l oo soo
cumaamado meelna idin gaadhsiinmayso. Dib isugu noqda oo inta aad
geedka hoos fadh iistaan maamul aad heshiis ku tihiin samaysta.
Shacbiga Somalilandna hagardaamada iyo hadba dabinada aad u soo
maleegaysaan iska dhaafa oo danihiin ku toosa. Hadda waad aragtaan
had haagii Siyaad Barre oo ka kooban dhugmalaawe, dhafoorqiiqle,
dhabayaco, iyo maryo alool ayaa hadba isaga habar wacanaya Wajeer,
Walwaal, Wardheere, iyo webi daaciisa, iyaga oo ku hee saya RUUG
CADDAAGII SOO ROGAAL CELI ayey sida koronlkorada tarab tarab ugu
le'anayaan deegaano Soomaliland ka tirsan. Malaha mabay maqal midh
hore loo yidhi oo ahaa:
Waar abtiyaal waxydaan heleyn ha isku hiifina
Abidkiinba kuma hawl baxdaan holaca Maadhiine
Axmed Cali
Ibrahiim Sabeyse
February 10, 2012 |
|