Danjire Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdi-waraabe

 


Dubai (TNN):- Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdi-Waraab e) si wanaagsan loo baadhay, isla markaana uu marti u yahay dalka Imaaraadka wakhtig an.

Mr. Baashe Cawil oo maanta tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xaalada caafimaad ee Xaaji C abdi-kariim ayaa sheegay inuu meel fiican marayo, maalmaha soo socdana dalka ku soo laa ban doono, waxaanu yidhi “Xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim meel fiican ayey mara ysaa, si wanaagsana waxa loogu baadhay Cusbitaalka Al- Khaliifa ee magaalada Abu-Dhab ai.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Xaaji Cabdi-kariim markuu gaadhay madaarka Dubai, waxa hawshiisa la wareegay oo mar ti uu u yahay dawlada Imaaraadka Carabta, waxaana isaga, xaaskiisa iyo inan uu awoow u yahay la degay hudheel weyn.”

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ku soo laaban doono dalka, waxa anu yidhi “Xaaji Cabdi-kariim maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu ku soo laabto dalka, xa aladiisuna Ilaahay mahadii way wanaagsan tahay, muhiimadii loo keenay dalka Imaaraadka na waanu gaadhnay, oo waxa hawshiisa la wareegay wasaarada Madaxtooyada Imaaraa dka.”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo usbuuc ah dabadeed markii Xaaji Cabdi-kariim loog u qaaday xaalad hubin caafimaad dalka Imaaraadka Carabta, oo madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo uga dalbaday martiqaadkiisa