damaca udub + doodda mucaaradka iyo doorkii kummishinka oo maqan

Hadal iyo dhamaan waxaad moodaa in murankii iyo khilaafaadkii u dhaxeeyey mucaaridka iyo xukuumadda inuu maalinba maalinta ka danbeysa cirka isku sii shareerayo mana jirto wax wada hadal ah oo laga dhex wado. By. Mj. Jaamac Cabdillaahi Suleymaan


DAMACA UDUB
+ DOODA MUCAARIDKA IYO DOORKII KOMISHANKA OO MAQAN.

In dhaweydba dooda taagani waxay ahayd marxalada culus ee dalku galay iyo waxaa xaal ku danbayn doono sida wax u socdaan iyo haadaanta u dhaxeysa qaybihii iskaga soo horjeeday siyaasada Somaliland ee muxaafid iyo mucaarid lahaa taasoo u muuqata kaaf iyo kala dheeri, komishanka qaranka oo isagu  dhe xdhexaad ahaa una dhaxeeyey qaybaha iska soo horjeeda siyaasada isla  mark a ana looga fadhiyey dhaqan gelinta doorasho loo dhan yahay ayaad moodaa intaan ciyaartiiba bilaabmin inuu dhinac garabka saaray waxayna bishii hore ee july dhamaadkeedii laaleen habkii diiwaan gelinta iyagoo u cuskaday in hayada inter- peace oo gacanta ku haysay kala shaandayntii diiwaan gelintu ay ku guul daraysatay in ay soo saarto natiijo lagu qanci karo oo rasmi ah waxaana  marki iba cod dheer ku soo dhaweysay xukuumadda Somaliland taasoo iyana  dhank eeda sii badhi taartay wixii ka dhinaa go,aanka komishanka iyadoo ku  dhawa aqday in ay dalka ka musaafurisay hayadii inter-peace ee ku shaqada lahayd kala hufka diiwaan gelinta , iyadoon la keenin sababo lagu qanci karo ayaa mar kaliya waxa la laalay hanaankii diiwaan gelinta kaasoo awgiis tiroba ilaa saddex jeer mudada loogu kordhiyey xukuumada jirta xusuusnow hadaan laga  dhursu gayn natiijada diiwaan gelinta doorashada madaxtooyadu waxay dhici lahayd april 14, 2008 hadaba waxaa lays weydiin karaa muranka taagan yaa eediisa leh ilayn horaa loo yidhi nin walba qumanihiisa qoorta ugu jiree.

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA:

Muranka taagan iyo eeda dibu dhaca doorashada waxaa leh komishanka  qaran ka sidii loo eryey komishankii hore waxaa jiray tuhun ah in komishanka cusubi aanu dalka ka dhaqan gelin Karin doorasho xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay, waxaa mar walba taagna muran iyaga dhexdooda ah waxaana  bilowg iiba soo baxday aqoontay doonaan iyo waaya aragnimadoodu waxay doonto ha noqotee in aanay ahayn rag isku sal banaan oo wada shaqeyn kara kuwaasoo noqon kara hal group oo isku jeeda ah ogow shaqo waxaa lagaga midho dhalin karaa marka kooxda ka masuulka ahi isku dhan wax u wada wado wixii ka hor yimaadana ay ku wajahayso isku duubni wadareed laakiin hadii xagal daac yimaado oo maareyntii hawshii nin waliba halkii kaga aadanay ka soo bixi waayo waxay ku danbaysaa fashil ku yimaadaa sidaa maanta ku dhacday komishanka qaranka, iyaga laftoodii ayaa xadhig jiid ka dhex bilaabmay kolkaasaa ninba nin curyaamiyey halkaasna waxaa ku dayacantay shaqadii qaranka ee loo igmaday maantana waxay marayaan nin qoyani biyo iskama dhawro waxayna si toos ah ula safteen garab ka mida kuwii ay dhex dhexaadka u ahaayeen.

Khaladka ugu wayn waxay galeen markay laaleen diiwaan gelintii  codbixiyay aasa iyagoon la tashan dhamaan kooxaha ay khusayso sida 3 xisbi qaran, ayey keligood waxay gaadheen go,aan dhinac ka raran iyo jariimad ay heshiis ku yihiin xukuumada talada haysa iyo xisbigeeda udub taasina waxay tahay hadii sharciyan la eego khiyaamo qaran oo mudan in sharciga lagu soo taago, adigaan meel dheerba ka doonin khaladaadka komishanku galay waxaan meel dhaw kaa tusaya mid ka mida khaladkooda kaasoo ah iyagaa dirsaday hayada inter-peace oo heshiis kula galay in ay u kala shaandheyso dadka isdiiwaan geliyey wixii ku celceliyey soo qabato kolkaa komishanka ayaa looga baahnaa daba galka iyo hubinta in inter-peace hawshoodii sidii loogu tala galay u wadaan sida aynu ognahayna diiwaan gelintu dalka waxay ka bilaabantay bishii October 14, 2009 sanad ka dib ayey ku leeyihiin Inter-peace waxay ka soo bixi weyday shaqadeedii hadaan soo qaato qodob ka mida kuwa ay u cuskadeen laalista diiwaan gelinta iyagoo eeda saaraya hayada Inter-peace ayaa u dhignaa sidan (Markaanu aragnay in hawshii Serverka ay dayaceen shirkadihii qandaraaska la siiyay oo aan lagu maamulin laguna daba galin inay ka soo baxaan waajibkooda.) waa yaabe yaa ku maamuli lahaa yaana ku daba geli lahaa mida kale hadana iyagii ayaa is buriyey oo yidhi sidan (Markuunu aragnay in sii daba gal danbe oo serverka lagu sameeyaa u adeegayn doorasho wakhtigeedii qabsoonta).halkana waxay ka cadeynayaan inay iyagu leeyihiin hawsha daba galka taasoo ay markii hore dayaceen kolkaa saw ma cada cida xilkeedii ka soo bixi wayday haa waa gudiga komishanka qaranka, iyagana ayaana weliba ka masuul noqon doona maxsuulka ka soo baxa go,aanka dhinaca ka raran ee ay ku dhawaaqeen kaasoo aan u adeegayn maslaxada qaranka, isla markaaan meel ka dhac ku ah balantii ay galeen iyo dhaartii ay ku dhaarteen inay dhex u noqon doonaan asxaabta siyaasada ee tartamaysa.

XISBIYADA MUCAARIDKA AH.

Xisbiyada mucaaridka ah iyagu awalba waa jabi jireen oo horaa mashqac loogu dayey oo la ogaaday in go,aan kasta oo ay gaadhaan aanay ku sii adkaysan Karin imisa jeer ayaa lagu xad gudbay oo la jebiyey sharciyada iyo dastuurka qaranka oo mucaaridku intuu shiray go,aano dhaxal gal soo saaray oo hadana ayaamo yar dabadeed ay noqdeen biyo col dhaanshay kolkaa horaa looga ilmo dhalay cabashadooda iyo qayladooda cidina dan iyo muraad kama laha waxaa weeyaan habar baa iska haw hawlee heelada inoo tuma waa taas udub  ololah eedii iska wadata ee komishankiina hadba gobol tagayee magcaabayo  komish ankii heer gobol iyo kii heer degmo markaa cidina u joojin mayso laakiin haday kaga dhabeeyaan isku duubnimada iyo wada jirka ay maanta muujiyeen oo ku adkaysaan figradooda waxaan hubaa in ay tooda noqon doonto, waxayna cid kasta ku sandulayn karaan in ay soo fadhiisato miiska wada hadalka oo talo loo dhan yahay wax ku doonto.

GUURTIDA.

Guurtidu waa tiir ka mida kuwa Somaliland ku taagan tahay shaqadoodu waa waa xeer dejin iyo xasilinta hadba wixii dhibaato ah ee taagan ee dhaawaci kara wada jirka iyo deganaansha dalka iyo dadka waxaana ku waajiba sidii caadada u ahayd in ay soo dhex galaan oo wada hadal iyo waan waan ku  dham eeyaan muranka u dhaxeeya asxaabta qaranka, waxaa kale oo looga baahan yahay in ay xusuusnaadaan gari illaahay ayey taqaanaaye inta jeer ee ay ku mooseen mucaaridka marka laga soo bilaabo doorashadii madaxtooyada ee dalka laga qabtay sanadkii 2003 taasoo natiijadii ka soo baxday udub iyo  kulm iye is dheeraadeen wax ka yar 80 cod hadaba sidii ay maalintaas kulmiye u xukumeen ee geedka ugu xidheen iyo weliba maalmo kale oo ka danbeeyeyna ay u xukumeen kuwaasoo ay ugu danbayay mudo kordhintii ugu danbeysay ee golaha guurtidu ku kordhiyey dawlada ayaa maanta loo baahan yahay inay udub u xukumaan oo geed ugu xidhaan cidina idinkama aqbalayso maalin walba mucaaridka ayaanu ku jiifsanaynaa waqtigan xaas xaasigana waxaa ku jirtaan tijaabadii ugu danbaysay ee dalka iyo dadka aad ku badbaadin lahaydeen kolkaa talo labo ayey joogta ama dawlada daahir riyaale raaca ama dalka badbaadiya oo kooxa iska soo hor jeeda miiska wada hadalka isugu keena oo weliba cidii dar jiidhaysa ku cadaadiya In ay tanaasusho.

XISBIGA UDUB IYO XUKUUMADA.

Ka dib markay dalka soo xukumayeen mudo shan sanadood oo xiligii ay xilka haynayeen dhamaadey iyadoo aanay dalka ka jirin wax kelifi kara in xilka loo kordhiyo ilayn labo qodob ayaa xilka loogu kordhin karaa kuwaasoo kala ah in dalku dagaal ku jiro oo lagu soo duulay iyo in ay dhacday masiibo dabiiciyi iyadoon labadii midna dhicin ayaa mudadii loo kordhiyey lama yaqaan wax la tix raacay iyo wax loo cuskaday midna weliba dhawr jeer oo isku xiga ayaa xilka loo kordhiyey kolkaa abaalkoodii wuxuu noqday hadaan sidaanu doono la yeelayn oo taayada lagu khasbanaanayn cid kalena u joojin mayno oo wax ka  dhegays an mayno , sida aynu og nahay madaxweynaha waxaa waajib ku ahaa inuu doorashada xiligeeda qabto hadaan labada qodob ee aynu kor ku soo sheegnay mid ka midi dhicin hadii kolkaa labadaas qodob mid ka midi dhaco golaha guurtida ayaa leh mudo kordhinta hadaba yaa diiday in doorashadu xiligeedii ku dhacdo saw madaxweynaha maaha isagoo sabab ka dhigaya liiskii diiwaan gelinta ayaan diyaar ahayn markii loo kordhiyey ee uu ogaaday in aan korodhsiimo danbe hadhin ayuu hadana yidhi bilaa diiwaan gelin doorashada ha lagu galo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa illaahow haa iyo maya meel hanaga wada yeedhsin tolow labada jeer kee odaygu khaldan yahay.

Hadal iyo dhamaan waxaad moodaa in murankii iyo khilaafaadkii u dhaxeeyey xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumada inuu maalinba maalinta ka danbeysa cirka isku sii shareerayo iyadoo aanay muuqan wax tanaasulaad ah iyo wax wada hadal oo laga dhex wado midna weliba dhanka xukuumada ayaad moodaa inay qaraf iyo kabriid ku sii qabanayso iyadoo keligeed isu boqraysa doorasho magac cuyaal ah oo dalka ka dhacda taasoo ah tii hore looga diiday siyaad barre waxaase loo baahan yahay in la helo dabarkii iyo hogaankii lagu xamayn lahaa xukuumada talada haysa si loogu sanduleeyo in ay miiska wada hadalka soo fadhiiso oo wada hadal wax ku raadiso kana noqoto go,aamadeedan jar iska xoorka ah ee aanay ka fiirsan.


Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Cigaal215@gmail.com