“Damacaas Wuu Jiraa Oo Rag Badan Oo Uu Ka Mid Yahay Cawil Way Rabaan Inay Isku Soo Taagaan Guddoomiyenimada UDUB,Laakin Hadda Waxa Aanu Ku Hawlanahay ……"

 


Ninka Soo Dacweeyey Waa Ganacsade, Lacagtan Lagu Haysto Xog-Hayaha UDUB Waa Ilaa $35,000 Waana Lacag Uu Ninkani Soo Siiyey Garamadii, Koofiyadihii Iyo Alaabtii Xayeysiiska Ahayd Ee Xisbiga Loogu Talo Galay Wakhtigii OlolahaWarancade

Hargeysa, August 25, 2010 (TNN) – Wasiirkii hore ee wasaarada duulista iyo , hawada ee  xukuuma ddii Rayaale, Cali Maxamed Warancade ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in rag uu ka  m id yahay Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uu ka mid yahay raga damacu ka hayo inay isku soo taagaan jagada guddoomiye nimada xisbiga UDUB.

Mr. Warancade waxa uu intaasi ku daray in ay wakhtigan xaadirka ah ay ku hawlan yihiin siddii ay u kala saari lahaayeen jagooyinka Guddoomiye-nimada xisbiga iyo musharaxnimada xisbiga UDUB oo aanay dhici doonin in qof qudha wada qabto labadaas mansab.

Waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Khaasa oo uu xalay Khadka Telefoonka kula yeeshay  Wargeys ka Haatuf, ayaa Mr. Warancade waxa kale oo uu ka hadlay in arin baryahanba Maxkamada gobolka Hargeysa ka socotay oo ahayd Garsooraha maxkamada Gobolka Hargeysa, Cali Suudi Diiriye oo la  s heegay inuu amray in la soo qabto Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Jaamac  Yaa siin Faarax, ayaa waxa uu Warancade Yidhi “Arintaasi way jirtaa, runtiina in badan ayaanu isku  da ynay in ay dhamaato, ninkankan soo dacweeyeyna waa nin ganacsade ah, lacagtan lagu haysto Xo g-hayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax waa ilaa $35,000 waana lacag uu ninkani soo siiyey garamadii, koofiyadihii iyo alaabtii xayeysiiska ahayd ee musharaxiinta axsaabtu ku qoron tahay ee xisbiga loogu talo galay wakhtigii ololaha ayey ahayd, alaabtaas ayuu Xoghayaha xisbiga ku  wareej iyey ninkaas ganacsadaha ahi, lacagtaa yara raagteyna waxa ay keentey in uu ninkii ganacsadaha ahaa is yidhaa waxaagii malaha adiga oo xaga maxkamada la mara ayaa laguu qaatey, qofkuna waa xor oo sida uu is yidhaa lacagtaadii waad ku heli kartaa in uu yeelo waa mid uu xor u yahay,  daynt una maaha mid la dafirsan yahay xisbiga ayaanu ku leeyahay, waxaananu ku dadaalaynaa in sida u gu dhakhsaha badan loo bixiyo deyntaas”.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey guuldaradii ku dhacday xisbiga Udub doorashadii Madaxtinimada  e e dalka ka dhacday 26-kii June waxa uu sabab uga dhigay inay ahayd kala daadsanaan iyo  isdhigas ho fara badan oo uu xisbigu sameeyey wakhtigii ololaha doorasahada.

Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Warancade waxa uu ka gaabsaday inay jiraan wax dhaliil ah  o o xukuumada Axmed Siilaanyo ay ku talaabsatey muddadii ay xilka haysay, waxaanu sheegay in  aa nay gaadhin wakhtigii lagu qiimayn lahaa xukuumadan cusub.

“Xukuumadan hada talada haysaa waa xukuumad cusub, waxaanan filayaa in aanay wali gaadhin  w akhtigii lagu qiimayn lahaa, imika hadii aan wax dhaliila u soo jeediyo waxa loo qaadanayaa in aan  d agdagay oo aan mucaaridad uga jeedo, arintaasina maaha mid fudud waa arin aad u culus, markaa waxay u baahan yihiin in wakhti la siiyo, imikaba waad arkaysaa oo meelo badan ayaa laga qaylinaa, kolay Binu-adamka laga waayi mayo khalad laakiin bal wayni eegi sida ay u maareeyaan hawsha iyo culayska xukunku leeyahay”

Waxa kale oo uu tilmaamay in aanu hadda isaga wax damac ahi ka haynin tartamada la sheegay in loogu jiro Guddoomiye-nimada xisbiga iyo Musharaxnimada UDUB.

“Anigu wakhtigan ma garan karo mana sheegi karo in aan jagadaa buuxin karo, arintaasina waxa ay ku xidhan tahay in qofku buuxin karo waxa ay rabaan shacbigu, Mana ogi runtii in aan leeyahay  sifo oyinkii Madaxwayne-nimo iyo inkale, damacaasina waa mid culus markaa ma rabo in aan ku dagdago aniga oo aanan ogaanin shacbigu madaxwaynaha ay rabaan sifooyinka looga baahan yahay, markaa waa in aanan arintaas ku soo boodine waa in aan ka fiirsado,

Damacaas wuu jiraa oo rag badan oo uu ku jiro wasiirkii hore ee maaliyada Xuseen Cali Ducaale ku jiro way rabaan in ay isku soo taagaan jagadaas, laakiin waxaanu hada ku hawlanahay in aanu kala saarno Guddoomiyaha xisbiga iyo musharaxa xisbiga, oo aanay dib u dhicin in qof qudha wada qaato mansabkaas”

Source:Haatuf