Dalladda
ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa xalay Xa flad
casho-sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimay ku maamuustay xubnaha
dhallinyarada ah ee ka mid ah xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Hargeysa (TNN)-Xafladdan oo ka dhacday huteel Summer Time ee
magaalada Hargaysa waxa ka soo qayb galay Chief Of Cabinet-ka
madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan, madaxa barotakoolka
madaxtooyada Somaliland Maxamed Cilmi Aadan, wakiilka Somaliland ee
Itoobiya Maxamed Xasan Siciid,Maareeyaha Wakaalada Biyaha
Harge ysaIbraahim Siyaad Yoonis, agaasimaha guud ee wasaaradda
shaqada iyo arrimaha qoyska Baashe Yuusuf Axmed, la taliyaha
madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada Cabdi-Najax Siyaad Aw
Cabdi,Agaasimaha Waaxda Dhalliny arada Ee W/Dhallinyarada Iyo
Ciyaaraha, guddoomiyaha SONYO Yaxye Maxamuud Axmed, guddoomiye ku
xigeenka SONYO Faa’iza Aw Cali Yuusuf, xubno ka tirsan golaha sare
ee SONYO iyo agaasimaha fulinta SONYO Siciid Maxamed Axmed iyo xubno
ka mid ah shaqaalaha xfiiska SONYO.
Xafladaas casho-sharaftaha, ayaa ujeedooyinka loo qabtay waxaa ka
mid ahaa; In la Dhiiri-galiyo lana maamuuso xubnaha dhallinyaradda
ah ee dhowaan loo igmaday xilalka qaran ee xukuumadda, iyo weliba In
Dallada SONYO iyo Xubnahani gaar ahaan wasaaradda Dhalinyaraddu
yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo dhaw, lana muujiyo muhiimada ay
leedahay ka shaqaynta danaha iyo horumarinta dhallinyaradda
Somaliland oo iyagu ah tamarta iyo maskaxda ugu dihin ee maanta iyo
barito;
Waxa kale oo ka mid aha in In Dallada SONYO iyo Xukuumadda
Somaliland ay yeeshaan xidhiidh cuddoon oo wada-shaqeyneed iyo is-garabsi
si looga midho-dhaliyo barnaamijka xukuumada ee ku wajahan Kobcinta
Dhalinta loona xaqiijiyo Hiigsiga Dallada SONYO.
Ugu horayn Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed Axmed oo halkaa ka hadlay,
ayaa si weyn ugu mahad-celiyey guud ahaan ka soo qayb-galayaasha
xaflada casho-sharafta ah ee loo sameeyey xubnaha dhallinyarada ah
ee ka mid ah xukuumadda cusub, isla markaana waxa uu tilmaamay inay
dallad ahaan sharaf u tahay inay xafladan u qabtaan masuulitiinta
da’da yar ee xukuumada ka tirsan.
Gudoomiyaha dallada SONYO Yaxye Maxamed Ubaxle oo isna kulankaas ka
hadly, ayaa tilmaamay inay muhiim tahay wada-shaqayn dhex-marta
dallada iyo xukuumada cusub gaar ahaan madaxda da’ada yare e
xukuumada cusub ku jira, “Muhiimada aynu ka leenahay isbarashadeenu
maaha mid aynu kelmado kooban isku odhanyano, laakiin waa inay si
gaar ah isu barano oo aynu wada shaqayno, inay ballan ku kala tagno
inay nahay dhalinyar mid ah oo shaqaynaysa. Sida oo kale waxa aan
leeyahay SONYO waa dallad ay ku midoobeen Ururada dhalinyarta
Somaliland.”
Waxa uuku booriyey dhalinyarada xilalka cusub loo magacaabay ee ka
tirsan xukuumadda Somaliland inay muujiya an karti iyo dadaal
dheeraad ah si ay u badbaadiyaan magaca Somaliland ee ay xambaarsan
yihiin.
Chief Cabinet-ka Maxaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo
isna halkaa ka hadlay, ayaa masuuliyiinta daall ada SONYO uga
mahad-celiyey xaflada ay ku sharfeen , isla markaana waxa uu mad
gaar ah mahad u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Silaanyo ee
xillka gaarka ah iska saaray inuu dhalinyro ku daro xukuumadiisa.
Waxa kale oo uu xusay inaan guusha laga gaadhayn in dhalinyaraday
miiska isugu wada tagto, “Waxa weeyaan dh alinyarooy guusha
laguma gaadho inay miiska isgu wada tagno oo aynu xilalka isku
uruurino, waxaa suurta gal ah inay khibrad la’aani inaga hortimaado.
Ka didna aynu ku fashilano alle imana fashiliyee. Waxaa guusha lagu
gaadh aa; caqliga dadka waa weyn ee bislaaday, cududa iyo
caadidafada dhalinyarada iyo cilmiga ilaahay dadka geliyey da’ kasta
ha ahaadee.
Madaxa Paratikoolka Madaxtooyada Maxamed Cilmi Aadan {Ilakcase}
ooisana Munaasibadaasi xallay kahadley ayaa ugu horey umahad naqey
dalalda sonyo oo kullankan sooqabanq aabisey waxaa uu maxamed
Ilkacase Si Qotodheer uga warbixiyey heerarkii kalla duwanaa ee
dhallnyaradu soo martey lagasoo bilaabo wakhtihii dalka dib loogusoo
noqdey ilaa manta waxaanu maxamed sheegey in dhallinyarada looga
baahan yahey iney la shaqeeyaan dawalda cusub.
Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Ee W/Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Sayid Cumar oo ka wakiil ah Wasiirka Wasar adaasi oo isagu
hawlo shaqo oo uu kujira awgeed aan kasoo qay galleon munaasibadaasi
ayaa kawarbixiyey sida wasaarda ahaan ay ula shaqeeyaan
dhallinyarada waxaanu sayid Cumar ka warbixiyey wakhtiyadii kalla
duwana ee ay soo martey dhallinyaraduw axanu sheegey inuu soo
dahweynaayo dhallinyarada ku jirta xukuumada cusub ee dhawaan
xilalka kalla duwan loo magacaabeyw axanau sayid cumar uu sheegey
inuu ku kalsoon yahey oo ay yihiin rag Kasoo bixi kara xilkaa loo
igmadeyw axaanu ilaahey uga baryey inuu xilkaa u fu dudeeyo.
Gudoomiyihii Hore Ee Sonyo Dr Maxamed Yuusuf Aw Calo Culimo Oo Isna
Ku Hadlaayey Afka masuuliyiinta xilalka kalal duwan kasoo qabtey
Dallada Sonyo ee munaasiabdaasi kasoo qayb galley ayaa ka waramey
Sonyo wakhtiy adii kalla duwnaa ee u doodi jireen in
dhallinyarada dalka talad adalka laga qayb galiyo.
Waxaa Uu Dr. Culimo sheegey in Maanay dhallinyaradu agahdey heer
xilal qaran lagu aaminow axa uu madaxwey naha Somaliland uga
mahad celiyey xilalkaa kalla duwan ee uu umagacaabey dhallinyarada.
Waxaa Dr. Culimo Sheegey in dhallinyaradu maanta ay u baahan yihiin
in waxlala qabto oo la barbar istaago laakiin aaney ubaahneyn in wax
looqabto.
Safiirka Somaliland Ee Dalka Itoobiya Ambasador Maxamed Xasan Siciid
OO Isna maunaasiabdaasi hadal kajeediyey aya ugu horeyn umaahqaney
dhamaan kasoo qayb galayaasha minaasibada waxaanu umahadnaqey
Dallalda sonyo oo soo qaban qaabiseyMunaasibadani.
Waxaa uu Ambasador Maxamed Xasan Siciid sheegey in ay balan
qaadanyaan in Xilalkaa ay qabteen ay sidoda uga soo dhalaali doonaan
oo ay noqon doonaan kuwo dhallinyarada 5 Sanno Dambe ya kufaanaan
waxqabadkooda.
Geesta kale, Nuxurka Kulanka casho-sharaftaa looga gl lahaa inay ka
soo baxaan ayaa ahaa; in Wada-shaqeyn xoo gan oo u bilaabanta
Dallada SONYO iyo Hay’adaha Xukuumada guud ahaan, gaar ahaana
Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Madaxtooyadda,
Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, Wasaaradda Shaqada iyo
Arrimaha Bulshadda, iwm;
Sida oo kale in is Xog-Isweydaarsi, Wada-tashi iyo Kulamo-aqooneedyo
si joogto ah u dhex mara Xubnaha Dhallinyaradda ah ee Xukuumada iyo
Dallada SONYO;
Mustafe Cabdikariin Cali
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|