Dallada suxufiyiinta somalilnd oo maanta sha aca ka qaaday in ay iskugu yeedhi doonaan Haldoorka Ummada

 



Hargeysa(Longlivesomaliland news) masuuliyiinta midawga suxufiyiinta Somaliland ayaa maanta Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, shir balaadhan qaybaha kala duwan ee war-baahinta uga xog warameen halka ay marinayaan hawshii dhex dhexaadinta ee ay ka dhex wadeen  xukuum ada iyo axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland. Waxa ay sheegeen in maalinta arbacada ee todobaadka soo socota ay iskugu yeedhayaan hal-doorka umada. Waxaanay tilmaameen in ay qorsheeeyeen in ilaa  sagaash an qof oo ka mid bulshada qaybaheeda kala duwan ay iskugu keenayaan huteelka xaraf ee magaalada Hargeysa. Waxa aanay xuseen in ay marka ay isku keeenaan qaybahaasi kala duwan ay ka dhex xulli doonaan guddi iyagu hawsha gasha.

Guddoomiyaha midawga suxufiyiinta Somaliland C/laahi Ibraahim Daahir(cukuse) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay hawshan ugu talo galeen sidii xal loogu heli lahaa qabsoomida doorashada soo socota oo khilaaf uu ka dhashay.

Mr.cukuse, waxa uu tilmaamay in ay hadii hannaanka dimuqraadiga ahi uu meesha ka baxo in ay taasi ay keenayso in ay waxba kala socon waayaan. Sidoo kale, waxa uu xusay in ergooyinkii hore ee dhex gali jiray  siyaasiyii nta Somaliland(mucaarid iyo Muxaafid) aanay fashilmi jirin hasa ahaatee, marka ay dhameeyaan hawsha fullinteeda uu qalooc gali jiray.

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayay sida ay suurto-gal u noqonayso in saxaafadu ay ergo noqoto oo ay wax asturto iyo in ay tahay in ay ummada xaqiiqda jirta u soo bandhigto waxa uu tilmaamay in ay haboon tahay si labadaasi la isku waafajin karo in xaqiiqda jirta la sheego wixii turxaan leh ee ka muuqda hadalka siyaasiyiinta aad loo darso oo si wayn loo tifaftiro isla markaana laga saaro kalmadaha dadka sii kala fogaynaya.

Ugu danbayntiina suxufiyiinta halkaasi ka soo qayb gashay ayaa su’aalo tiro badan oo la xidhiidha arintan halkaasi ku waydiiyay iyada oo  masuuliy iinta dhammaanba su’aalahaasi ka wada jawaabay.

Ergegadan suxufiyiinta ah ayaa noqonaya ergedii ugu danbaysay ee soo kala dhex gasha masuuliyiinta xukuumada gaar ahaan Madaxwayne  Rayaa le iyo Xasbiyada Mucaaridka ah.
 

 


Mustafe Future
Longlivesomaliland news Reporter
Hargeisa, Somaliland