Dalkii waxaan is bedelin waxan arkay  Dabeerah a,wax allaale wixii kale dad iyo duunyo way dhalan rogmeen

 

Dadkaad ogeedeen hankooda iyo himiladooda habeen baa u dumey.

Dadkii qabka lahaa qabar baa ku fadhiistay.

Dadkii dareenka sareeyey dednaan baa u danbeesey.

Dadkii damqashada dhowaa Doofaarkaa ficil dhaamey.

Dadkii dooda badnaa dirqibay ku hadlaan.



Bal-dhugo 2sanadood ayuu iminka Riyaale iyo kooxdiisu dalka ku haystaan  mu do dhaaf, sharci daro iyo awood aan loo magac bixin halkay ka leeda-fuul  hay sato,dadkuna ka dimoonyahay oon cidiba dareemayn ceelasha daloola & cadhada gadhoodhay.



Lama arkayo gefkan dal iyo dadba cammimay lamana dareemayo awrta xerya guulkii Berbera ku xeraysan ee dhaaxba loo naadinayo/doonayo siwaaq u  kax eeya ilaa Jibouti si looga dhoofiyo. Af-weynahaynu la dagaalanay adhigaa iyo geelaa Berbera ka dhoofayey maalin muu-fara gelin.Malahayga dad ahaan  bay nu u collowney oo dawladnimaynu isku qabanay iyo duug horoo jireye' dood iyo damiir kan kaasaa dhamey, waayo kaas waxba umaynaan dhiibane'  inqol aab ayuu ku hantiyey Somaliba markaysaynu nidhi yur!

Dahir Riyaalena isagoo laga mudanyahay laga milge roonyahay laga magac nadiifsan yahay laga marag yahay maalmihii tegey oo taw taw iyo tuhunna jireen ayaynu akhristow gacaliye ka kari la'nahay waar maandhow dhawro oo na-dhawr.



Waayo Dalkan afduuban degelada xaadhan, Dugsiyada iibsan Daaraha la'boobay

Darxumada faaftay Dekedaha la' wareejey, Da'yarta hagaastay, Diricyada wiilal ee dabayshu legdayso, Daacada hungowdey, Damiirka xumaaday ee dareenku kadhoofay,Dumar Hooyo mujaahid Agoonta habawday, inta daafku daboolay Dillaantee hada waalan, Duubna kii la'tuhmaayey Dadkisii ka danaystay

Damaciisna hallaabay Doorkiisii garanwaaye, Siciidow alla dhawr hada siiyar dareeri.



Wadaadku wuxu aad ugu ilbaxay dakharada & denbiyaduu geesto inaanay qayladoodu iyo cadhadu maalmo dhaafayn, in aanay xisbiyada mucaaridka ahi xasuusanayn khiyaamooyinkii hore, in tuba tu-kadaranta lagu fasaqay, in madaxooda iyo maankoodaba muhashada qofnimo iyo qaranimo lagala dagaalamo. Waakaa durbaanka ka tumay Kuwait markuu soo laabtayna wuxu sidii caadada u ahayd yidhi denteenaan ku maqnaa dalkeenaan u maqnaa dadkeenaan wax u doonay. La'dhaadi maayo !!!



Dhismayaashii Ingiriis kategey ee caanka ku ahaa (India-line) dhamaade, iyagoo ka nabad galay Afar-jeeble, Buulle, Gaani, & Moorgan. Buurtii Shiikh baa sayladda taal waa la' sheegayaa lamana dareemayo!!!!

Ninbaa yidhi"waa yaab, aboor-baa dun-dumadaa dhisay waayaabka yaabkiiyo candhuuftiisuu ku dhisay



Wasiirada Nairobi loodirayna waxay hadalo Duplamasiyada kareeban ula safreen deeq-bixiyayaashii shuruudaha ku xidhay dhqaalaha ay dhiibayaan, weliba dalkana u sheega buuyidhi inaynu kalsoonidii dadka ku haysano. Sidaas iyo sidaas yeela buu yidhi lacagna aniga i weydiiya iyo waatahay m/weyne ogol iyo adeeg bay ugu jawaab-celiyeen, wuxu ugu geb-gebeeyey "halkaan calanka udub ii sudhnayn sow casili maayo curadkeeda anigaa ahee yayga celinaaya cashuurteeda anigaa lehee yayga cabanaaya cafi baan u helay inaan caynkaan rabo yeelo"



Akhyaarey, miyaay idinla tahay ninka maanta kusoo rogey Meydka markii horeba laga yaabo inuu gaajo u qudh-baxay cashuur xabaaleed dhan boqol kun oo shilin una dhiganta $16.00 ? maya, taasbaana kuu cadaynaysa nacaybka Daahir Riyaale u hayo dadka reer Somaliland oo isagu u arko inay u ilduufeen balse aanay jaceyl iyo rajo ay ka filayeen aanay u dooran.



Su'aalba waxay leedahay Daahir Riyaale Kaahin muxuu doorsho ku gelayaa?

illeen beeni dhameetay dheregna dilaac dhaygagane daalye, ma' wuxu odhanayaa daarii dhamaade' dadkaan iibinayaa?



Su'aal kale waxay soo tebisey, maxaa hadeer cashuurta Xabaalaha keenay? ma' dad badanbaa dhimanaya? haday jawaabtu haa tahay, maxaa laynaya dadka ma cudurbaa mise waa cadho biirtay? ammaano Alla

Lasoco Q4aad

 

 

 

Ahmed Haji Yussuf Dualeh London