Dalka waa
la wada leeyahay iyo dooga, laakiin garaadka waa la kala leeyahay
lama wadaago

Maxaa dan
ah Maxaa daran
Dalka waa la wada leeyaha iyo dooga, laakiin garaadka waa la kala
leeyahay, waa intuu qofba Ee bba gashaa, aragtiyah
siyaasadeedna waa lagu kala duwanaada. Waxaase reeban in cid lagu
dilo amma lagu daadufeeyo waxay ula ekoonaatay iyo fikradiisa.
• Tolow maxaa la odhan lahaa inj.
Cusman Jaamaca Cali iyo inta la halmaashaa, hadday noqon lah
aayeen xawaladlayaal dantoodu ku jirto qaxa, qalalaasaha iyo dhiig
qubta oo aan raali ka ahayn dawlad iyo cashuurteed, oo ka ganacsada
meelkasta oo uu joogo qof Somaliyeed islamarkaana aa n xuduud
lagu xujeyneyn?
• Tolow maxaa la odhan lahaa hadday
noqon lahaayeen siyaasi kursiga u doonta dantiisa gaarka ah ee aan u
doonan in uu dadka ugu adeego, oo hadday tiisa noqon weydo beeshiisa
dabka saara, oo dagaal ooga iyo danbaaburo naareed?
• Tolow maxaa la odhan lahaa hadday
noqon lahaayeen wadaad qandi wax ku rita oo qiil u banays ta
kol ay qori caaradii ku tahay oo ummad jabtay ku baqamaala xarafka
diimeed?
• Waxaa liisan aan xuduud lahayn loo
haystaa in Afqaanistaan, ciraaq, Bariga dhexe, dunida musli
nka iyo danaha reer galbeedka laga faaloodo oo fikrad laga dhiibto.
Maxaa looga didayaa meel ka dhaw oo saamayn weyn ku leh deegaankiisa
haddii fikrad laga dhiibto?
• Bal in ay dalfoof tahay caqliga dooni
laga saaray waxaa weli taagan su’aashii Cabdi Aadan Qays uu soo
bandhigay sodon sano ka hor ee ahayd:
Xeebtaa Jabuutee
Somali laga xaday, haddii aan xagaa tegey, maan jebinin xeerkee
maxaa la igu soo xidhay, maxaa la igu soo xidhay, maxaa la igu soo
xidhay?
• Wiyilee, wiyil naasa caddee, weligaa
allahaa wax ma kuu dhimay? ma ku diley ma ku dagay? Dadkoo oon la
tuban biyihii toon iyo tamaandho ma ku beertay? Adigoo daalaa
dhacaya oo dulug lahaa dibada meeraayo, oo dirqi ku nool miyaan
xilkaad ii diratay horta daaro ka jeexday, gudaha iyo debadaba la
wda ogyahay? Miyaan kordhistey mushahar anigoon irbad dhuub gelin?
Miyaan xil kordhistey oo aan xuquuqdaadii codbixineed ku duudsiyey?
• Horta yaa danbiil ah iyo dhagar qaba,
ma ku dhex jooga mise ku ka dheeraday agtaada?
Intaas waa wadhwadh iyo haa hee! Waa weydiimo jawaabloo qof waliba
siday tahay ha u qaato leeyahay. Nin walooba kitaabkaagii qumanaha
ahaa ee lagu sudhay qoorta la kaasho oo axadh.
Immikana ku soo durug warkii taarane, dabuubtii qalin caano iyo biyo
ma daasha ah, qalin aan jil is la tooxayn darjo iyo xil raadis
ah, qalin dooc iyo dareen hogaamiyo oo aan cidna u dudin cidna ka
dudin, hayin gibil ma daasha ah, dacar, naxli, godob iyo utumo hore
midna lagu khadayn, samo lagu gardaadiyey oo ayeydii ka soo jeedo
hablo rag isdhaafsaday oo colaad dami weydey lagu soo afja
ray, oo ay ahayd godob reeb nabad waarta lagu gudoonsadey. Qalinkan
ayeydii, habeenkii daba aldegga arooskeeda, haween garasho
dheer ayaa, iyaga oo waxana dhamin waxna dhaafin, ku ga lbiyey:
“Ha daganee hooy daadow wallaahigaa, ma hongoodo daacadi.” Iyaga
oo uga gol leh maad dooran ee waa laguu dooray, laguma tixgelin ee
nabada ayaa la tixgeliyey oo laga maa rmi waayey, sidaa
daraadeed daacad baad tahay oo guurkan ku hongoobimeysid, wiilala
baa ka dhalan doone, alla aamin noqo. Dabuubta Qallin aan geyin
geedo sare waab.
• Akhristow, abtirsiimo waa la wadaagaa
ilaa xaawa iyo Adan ninba meel uu ku joojistaba. Dadka qaar ayaa
kaga hadha awoogood oo aan meel kalaba u sii dhaafin. Qaar kalana
waxay aaminsan yihiin: “Quruumaha adduunyada iska daa qabiiloo
qoys baan ka dhigi laa”
• Dal iyo doogna waa la wada leeyahay
oo qofna qof kale kama xigo, laakiin waa bulsho waliba xu
duudeed iyo xaadhinteed, inkasta oo maanta Somalida ay haysato
dhalashoonyin kala duwan oo ay ku dhaqan tahay qaaradaha kala duwan
ee adduunyada. Ubadka debadaha ku dhashay dalkoo da hooyo waa
kay ku dhasheen, lagama laha oo lagam xigo.
• Waxaa iyaduna jirta dan oo ah tay
habiil iyo qabiil oo Xaawa iyo Adan ka alkunmay ay qudha is
kaga jareen. Danta lama wadaaago ee waa la wada ilaashadaa, ta guud
iyo teeda gaarka ahni wa y isku xidhan yihiin, xeer iyo xuduud
ayaa laga yeeshaa oo dhaabado ayaa laga samaystay. Hadday dhinac ka
dheelido waa lagu rafaadaa.
• Waxse aan marnaba gorgortan gelin oo
aan la wadaagi, waa garaadka iyo maanka qof walba Il aahay ku
manaystay iyo wuxuu aqoon iyo waayo aragnimo taransaday intuu joogo
dunida guudk eeda ee aanu aakhiro u guurin. Iib laguma daydayo
ee waa intuu qofba eebbe gashaa, taana Som alidu waxay ka
tidhi: “Tol waxaan ku maamuli aqaan amma ku maamuusi, maso in aanu
nahay oo tolnimo meerto noo tahay” iyo weliba halhayskii kale ee
ahaa “Muslin kuma cabiidsamo Walloon madax kaa goyn.” Waa laga
maarmi waayey in uu qof waliba aragtidiisa xor u ahaado, lagu
tixgeliyo oo aan lagu coloobin.
Waxba yaanan araarta dabayl raacine aan ku soo laabto godkaan degey
shaxda la isku maandha afay ee ku saabsan booqashada mudane
Inj. Cusman Jaamac Cali ku tegey Somaliland oo lagu eed
eenayey aragtidiis Siyaasadeed ee gaarka ah ee uu ka dhiibtey
arrimaha geeska Afrika iyo wax yaabaha hareerihiisa ka dhacaya,
tuu ka leeyahay guud ahaan caalamka, iyo tuu ka leeyahay cul
amaa’u diinka. Waxaa aan aaminsanahay in uu xaq u leeyahay oo
siday ula muuqato uu sheegi karo islamarkaana uu xaq u leeyahay in
haddii uu u xiisoodo qadhaabkii dalkiisa, sida dhawanka, midhaha
gobka, yicibta, mudhacaanta, gacayrta, yamaaruga, likaha,
tamayuluqda, hunguri dhubu qda iyo dhabaqa dacarleyda, uu xaq
u leeyahay in uu guran karo markuu doono.
Haddii uu jiro xeer u diidani oo Somaliland dhigatay “Quraan iyo
Xadiith” ma eh dib ha loo e ego oo duruufta iyo waayaha ha
la waafajiyo. Ilayn dil iyo xadhig laga cabudhinayo afkaarta
dad ku waa wixii laga dagaalamay.
Cusmaan jaamac iyo inta la halmaasha ee aragtidooda ku waajahan
tahay sidii xal loogu heli lahaa siyaasada geeska afrika iyo
dagaalada, waa waajib in lagu tixgeliyo fikradooda. adiga oo weliba
islamarkaana diidan oo ka soo horjeeda. Xamil iyo dulqaad ayaa loo
baahan yahay, waxaa loo baahan yahay hogaan gibil ma daasha ah oo
lagu soo hirto oo isku wadi kara dadka kala aragti duwan iyo beelo
kala dano duwan, islamamarkaana ku dhaqma oo fuliya hadba tii loo
badan yahay, ee aan waxyeelo lahayn.
Haddii Cusmaan jaamac shakhsiyan lama
erey ka idhaa, Cusmaan waa nin laab xaadhan. waa nin saaxiibtinimada
jecel. Taasi oo dadka Somalida nadir ku ah. Saaxiibkii in uu isagu
ku wacad fura mo oyee isagu kuma wacad furo. Cusman waa nin nabada
jecel oo aan colaada jeclayn. Laakiin fuley ma ah oo haddii ay ka
fursad weydo in la dagaalamo safka hore gelaya. Meelmihii halganka
ee Mu qdisho lagu sugnaa habeena ka gaban in uu u halgamo
isbedel oo waa la wada ogaa kaalintuu ka qaatay. Wuxuu jecel yahay
suugaanta, gaar ahaan ta halganka iyo nabadoonka. Abwaanada lagu
dhaato haddaan la is dafirahayn sida Maxamed
Xaashi Dhamac Gaariye iyo Maxamed
Ibrahim War same wuxuu u ahaa geed weyn oo ay hadhsadaan
wuxuu kaga deyraa ishii cawri taqaan iyo dara nyo. Isaga ayaa
bud dhig u ahaa hirgelintii gabayadooda. Guubaabooyinkiisi iyo ka
hortagii nidaa mkii Siyaad Barre isaga oo dhex joogey
kaalintuu ka galay waaba loo wada joog.
|