Dalka Kiiniya oo looga sii diyaar garoobaayo soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland

 


Wararka aanu ka helayno Sxb-da Safka-hore JSL ee ku sugan Magaalada Nairobi Caasimadda Dalka Kenya ayaa noo sheegay in ay Jaaliyadda iyo Xafiiska JSL/Kenya ku jiraan diyaargarow ballaadhan oo ay ku soo dhoweynayaan Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin socdaal la filayo in uu halkaas ku tegi doono wixii ka danbeeya fasaxa maalmaha Ciidda Al Fidriga.

Socdaalka uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku tegayo Dalka Kenya waxa uu ka danbeeyay casumaad iyo martiqaa rasmi ah oo uu u fidiyay dhiggiisa Kenya Madaxweynaha Dalka Kenya Md. Mwai Kibaki bishii hore ee sanadkan.

Lama oga in socdaalka Madaxweyne Rayaali Kaahin uu xidhiidh la leeyahay shirka ballaadhan ee IGAD ku qabanayso Dalka Kenya. Halkaas oo muhimadda ugu weyni tahay lafo gur siyaasadeed sidii xal kama banbays ah loogu heli lahaa Dalka Somalia ( Muqdisho ).

Kenya oo ay hadaba ku sugan yihiin dhammaan xubnihii dhowrka sano ka hor loogu soo dhisay Dawladda Faashilka ah ( DF-da ) Embagathi/Kenya. Golayaasha Df-da ayaa halkaas dhammaan loogu yeedhay iyaga oo aan ogayn waxa loogu yeedhay. Waxa kale oo iyaguna dhinacooda soo gaadhay Magaalada Nairobi Madax dhowr ah oo ka tirsan Ururka IGAD siiba Wasiiro Dibadeedka Dalalka Uganda, Ethiopia iyo Suudaan.

Dawladda JSL oo dhinaceeda ku hawllan gargaraacista albaab kasta sidii ay ugu heli lahayd aqoonsi diploomaasiyeed gooni-isu-taagga iyo madaxbannaanida qaranimadeeda ayaa goor walba waxa ay dunidu u soo qaadataa tusaale wanaagsan marka laga hadlayo arrimaha Geeska Afrika iyo Somalida. Lama oga JSL oo lagu majeerto magacyo badan oo wanaagsa sida; karti, kala danbayn, nabadgelyo iyo dhaqaalo kibcin, mudadii ay Somalia burbursanayd in ay qayb ka noqon doonta waxa ay Dawladaha IGAD ka wada hadli doonaan iyo in kale.

Waxa jira talooyin beryahan danbe loo badan yahay dunida daneeya Arrimaha Somalida oo ah in marka hore la aqoonsado JSL. Markaas ka dibna iyada ( JSL ) loo maro Somalia sidii loo dejin lahaa ee looga faa'iidaysan lahaa khibradaha ballaadhan ee ay JSL ka gaadhay dib-u-dhiska dal burburay oo nooceea ah. Lama oga in uu shirkuba noqon doono mid Keegga lagu jaro aqoonsiga JSL iyo xalka hogaanka Somalia oo loo dhiibo Walaalahood JSL oo ay sahlan tahay sidii ay u kala furdaamin lahaayeen xadhkaha murgay ee siyaasiyiinta dalkaas jaarka la yahay ( Somalia ).

Si kastaba ha ahaatee waxa ay dunidu mar hore ka gudbtay ka hadalka Arrimaha Somalia oo la soo dhex geliyo ama lagu dhex wado kuwa JSL. Waxa ay dunidu in badan ku qanacsan tahay in ay labo kala yihiin Dalalka Somalia iyo JSL oo aanay sidii hore waxba uga dhaxayn maamul iyo qaranimo labadaba leh.

 

 

 


Safkahore