Dallada guud ee jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (Somalil and Socie ty Europe –SSE) oo abaal-marin ku maamuustay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

Dallada guud ee kulmisa Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub ayaa abaal-marin ku maamuustay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ujeedada abaal-marinta ayaa ku wajahan go’aankii Madaxweynuhu kaga tanaasulay doorashadii Madaxweynaha ee 2003 oo faraqu ahaa 80 cod oo keliya. Madaxweynuhu wuxuu wakhtigaa qaatay go’aan taariikhda u galay oo qof-kasta oo reer Somaliland ahi abaal ugu hayo. Madaxweynuhu isaga oo mudnaanta koowaad siinaya jiritaanka dalka iyo dadka reer Somaliland ayuu qaatay go’aankaa geesinimada leh oo run ahaantii tusaale taariikhiya u noqdey qof-kasta oo danaynaya inuu ka madax noqdo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakhtigan xaadirka ah oo aynu ku jirno doorasho loo tartamayo xilka madaxtooyada oo qabsoomaysa bisha Nofember 13keeda ayaa waxa aanu rajaynaynaa in maanka iyo laabta lagu hayo tusaalaha fiican ee Madaxweynuhu muujiyay wakhtiyadii doorashooyinka.

Dallada SSE waxa kale oo ay Madaxweynaha ku maamuusaysaa go’aanka kale ee uu qaatay oo ah in aanu mar-kale u baratamayn xilka doorashada Madaxweynaha isla markaana uu tartamayaasha saddexda Xisbi kula dardaarmay inay si xor iyo xalaal ah ugu tartamaan doorashada isla markaana wax-walba laga hor mariyo danta guud ee dadka iyo dadka reer Somaliland; in ay ku qancaan si buuxda natiijada ka soo baxda.

Ugu dambeyn Dallada SSE waxay Madaxweynaha Somalilanad si mug leh ugu bogaadinayaan wax-qabadka muuqda iyo horumarka aan la qarin karin ee ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay gaadhsiisay dalka JSL tan iyo sannadkii 2010kii.
 

 

 

 


Allaa mahad leh,

Cali Xaruuri
Afhayeenka Dalladda guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub
(Somaliland Society in Europe – SSE)
E-mail Adam.32@live.nl