Dagaallo dimasho iy dhaawacba sababay oo barqadii ka dhacay degaanka u dhaxeeya waqooyiga Gabiley iyo degmada Baki

 


Hadaba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanka dagaalku saaka ka dhacay.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay isku hujuumeen laba ciidan beeleed oo mudooyinkanba isku hor fadhiyey dhul-beereed la isku haysto oo ah deegaanka u dhexeeya waqooyiga Gobolka Gabiley iyo Degmada Baki ee Gobolka Awdal ayaa saaka barqadii ka dhacay isagoo socday mudo kooban .


Waxana ku dhintay dagaalkani ay labada dhinac isku hujuumeen ciidan beeleedka maleeshiyada dhinaca Gabiley ka soo jeeda oo ay ka dhinteen laba marxuum oo ay magacyadoodu kala yihiin Xasan Xaaji Raage iyo Sayid Cismaan halka ay shan kalena ka Dhaawacmeen kuwaas oo dhaawacooda la keenay cusbitaalka Gabiley oo lagu dawaynayo , halka ay ciidan beeleedka maleeshiyada ka soo jeeda dhinaca Degmada Dila uu dagaalkaasi kaga dhintay hal marxuum oo aanaanu ilaa hada magaciisa helin iyo laba kale oo dhaawac ah oo lagu dawaynayo cusbitalka Boorame ee xarunta Gobolka Awdal .

Hadaba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanka dagaalku saaka ka dhacay waxa uu dagaalku markii hore ka bilaabmay labada ciidan beeleed oo sahankoodu subaxdii barqanimadii saaka isku haleelay meel la yidhaahdo Burdi oo dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Dilla halkaas oo labada dhinacba khasaaraha intaa leegi ka soo gaadhay , hase yeeshee aanay jirin wax khasaare ah oo intaa ka badan oo sida wararku sheegayaan ka soo kordhay dagaalkaasi .

Balse dhinaca kale wararka ilaa galabnimadii ka soo kordhaya dhinaca jiida dagaalkani ka dhacay iyo goobaha kale ee labada ciidan beeleed isku hor fadhiyaan ayaa la sheegay in xabado la isku waydaarsay dagaalkan ka dib balse aan wax khasaare ahin soo gaadhin labada dhinac iyadoo dhawaqa xabada la maqlayey ilaa gabal dhacii caawa .

Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ay ilaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay ku gudo jirto dadaalo xoog ah oo ay damacsan tahay in ay ku dhamays tirto muranka dhul ee ka jira deegaankaasi oo imika mudo dhawr bilood ku dhawaad ah ay labadaa ciidan beeleed isku hor fadhiyeen , waxana hadal haynta dagaalkani saaka dhacay u badan yahay in aanu ahayn weerar toos ah oo ay labada dhinac isku qaadeen , laakiin se ay isku fakadeen labadaa sahan ee labada ciidan beeleed waxaana ilaa galabta jiidaasi colaaadu ka soo cusboonaatay u qulqulayey gurmad xoog leh xukuumadu u dirtay oo ciidan iyo guurti odayaal ahba leh .


Wixii ka soo kordha dagaaladaasi wararkayaga danbe kala socda .


 



Gabileynews