Dagaalka Afka ee U
Dhexeeya Saylici Iyo Wakiilka Kulmiye Ee Awdal
Oo Sii Xoogeystay Iyo Jawaabihii U
Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya musharaxa Saylici iyo wakiilka
xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Aadan Xaaji muxumed Aaye ayaa ka
kiciyey xiisad siyaasadeed gobolkaasi, taas oo ka dambaysay kadib
markii afar maalmood ka hor booqasho la filayey in wafdi ka socda
xisbiga Kulmiye ee taabacsan shirkii Burco go'aamadiisii ay u suurto
gali weyday inay Boorama u tagaan hawlo la xidhiidha sidii halkaas
xafiiska Gobolka maamul cusub loogu samayn lahaa.
Weeraradan dhinaca afka ah ee la isku adeegsanayo saxaafadda ayaa
sidoo kale labadii malmood ee aynu soo dhaafnay cirka isku shareeray
iyadoo labadaa maalmoodba uu musharaxa Saylici iyo wakiilka xisbiga
ee gobolku midba kan kale aanu waxba ula hadhin marka laga eego
waayo aragnimada siyaasadeed, maamulka xisbiga ee gobolka iyo guud
ahaanba taageerada ay kala haystaan labada garab ee muranka kulmiye
hadheeyey u dhexeeya.
Shalay oo u dambaysay ayaa wakiilka xisbigu jawaab kale ka bixiyey
Waraysiyo xidhiidha oo uu musharax Saylici u gudbiyey qaar ka mid ah
Wargeysyada.
Waraysiyadaas maalmihii ina dhaafay uu Saylici ku weerarey Wakiilka
Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Aadan Muxumed Aaye.
Waraysigan uu shalay 7/10/2008 siiyey wargeyska Jamhuuriya, ayaa
waxa uu hoos ugu dhigay taageerada muj. C/raxmaan Aw Cali iyo arimo
kale oo uu wakiilku xisbiga kulmiye ee gobolku shalay ka hadlay ama
uu jawaab ka bixiyey.
Aadan Xaaji Maxamuud Aaye oo arimaha Saylici kagag hadlay Jamhuuriya
waxaa ka mid ahaa oo uu yidhi, "Waa shay caadi ah in qofka aan
lahayn waayo aragnimada siyaasadeed uu ka cadhoodo wax kastoo ku
saabsan taariikhdiisa iyo taageeradiisa siyaasadeed, waana shay iska
caadi ah inuu marba marka ka dambaysa uu sii dhex galo wax
siyaasadiisa ceebaynaya, balse uu u haysto inuu ku guuleysanayo. Waa
tan koowaade labada qof ee kulmiye isku hayaa maaha C/raxmaan
Saylici iyo Muj. C/raxmaan Aw Cali ee waa Axmed Siillaanyo iyo C/raxmaan
Aw Cali.
Waxa kale oo Kulmiye isku haya aniga oo ah Guddomiyaha xisbiga ee
gobolka Awdal iyo musharaxa Axmed Siillaanyo u magacaabay ee aanu
xisbigu isku raacin oo ah C/raxmaan Saylici, Sabantoo ah isma soo
gaadhi karaan ama iskuma iman karaan in la yidhaa waxa is haya
Saylici iyo C/raxmaan mana aha, lamana odhan karo, arday iyo
macallinkiisii ayaa ku tartamaya imtixaan, Mansabka C/raxmaan
Saylici shalay joogaa, waa xildhibaan gole degaan, halka C/raxmaan
Aw Cali taagan yahayna waa mansabka Madaxweyne ku-xigeen, waxaanay
ahaan lahayd arin la odhan karo waa tartan haddii ay isku dhaw
yihiin labadaa mansab, ama C/raxmaan Salici soo maro dariiqa saxada
ah iyo halganka loo soo maro siyaasadda oo uu xitaa soo gaadho
xildhibaan Baarlamaan, Wasiir, ku-xigeen wasiir iwm.
waxa uu ku faraxsanyahay ama guul u haystaa inuu yidhaa waxan ka
badiyey C/raxmaan Aw Cali oo uu ku celceliyo, laakiin guusha C/raxmaan
Saylici uu sheeganayo waxay dhab ahaan lahayd haddii uu awooddiisa
iyo mansabkiisa Kulmiye uu igagaga qaado xilka wakiilnimada xisbiga
ee Gobolka, waxaanan kula talin lahaa inaanu iska indho tirin
mansabkiisa, xaqiidana u sheego dadkiisa debedda jooga,
taageerayashiisa gudaha xisbiga, oo aanu naftiisa u sheegin.
Waxana uu C/raxmaan Saylici ku celceliyaa inuu ka guuleystay Muj.
C/raxmaan Aw Cali lana ogyahay khayaaliga Axmed Siillaanyo u sheegay
isagoo C/raxmaan Saylici kursiga ama xubiinimada hoggaanka xisbiga
ugu iibsaday deeqihii qurbajoogga reer Awdal usoo direen dadkii ku
waxyeeloobay duufaanadii sannadkii hore ku dhuftay xeebaha gobolka,
waana shay xaaraan ah in dadkaagii oo dhibaataysan aad kursi ku
iibsato waxay cuni lahaayeen ama isku daaweyn lahaayeen, sidaasaa
Siilaanyan u aaminsanyahay inuu wax kastaba C/raxmaan Saylici u
hurayo kursigsiisa muranka badani ka taaganyahay mana soconayso
yooyoontan iyo been uu C/raxmaan Saylici ku jaahwareeriyo shicibka
reer Awdal ama iskaga horkeeno ee waxan odhan lahaa awoodahaaga,
hoggaamiye nimadaada iyo taageeradaada iyo xilka aad sheeganayso in
laguu magacaabay ha lagaa arko oo aniga iigu horeysii sidaad kursiga
iiga qaadi lahayd waxaan aaminsanahay inaan heshiis loo dhanyahay oo
kulmiye la yimaaddo mooyee adiga Axmed Siillaanyaba sheegan karin
guulo."
Source: Wargayska Haatuf
|