Dagaal Siyaassadeed
Qadhaadh oo ka Dhex Qar xay Xoghayaha Cusub ee Xisbiga UDUB Iyo
Xubno ka Tirsan Wassiirada Xukuumad

Ilo-wareedyo muhiim ah oo ku dhow
dhow xarunta dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa shaaca
ka qaaday in uu jiro dagaal siyaasadeed xoogan oo ka dhex qarxay
Xoghayaha cusub ee xisbiga UDUB iyo xubno ka tirsan golaha
wassiirada ee xukuumada madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.
Kaasi oo la sheegay in uu salka ku hayo Kalsaarista Hawlaha xisbiga
UDUB Iyo masuuliyada wassiirada xukuumada oo isku mulaaqmay, taasi
oo la sheegay in uu xoghayaha UDUB Jaamac Yaassiir Faarax uu ku
dooday in hawsha xisbiga loo daayo isaga iyo hawladeenada kale ee
UDUB, hasa yeeshee dooda xoghayaha ayaa la sheegay in ay ka
cadheeysiisay qaar ka mid ah Wassiirada xukuumada oo aany arintaasi
ka farxin.
Xoghayada Guud ee Xisbiga Mr Yassiin Faarax ayaa waxa kaloo wararku
tibaaxeen in uu Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ka dalbaday in
wasiiradiisu ku eekaadaan habsami u socodsiinta hawlaha
wassaaradahooda, isla markaasina hawsha xisbiga UDUB loo gacan
baneeyo masuuliyiinta kala sareeya ee xisbiga UDUB si looga
shaqaysiiyo hawlwadeenada xisbiga iyo xarumahooda.
Hasa yeeshee wararku may xaqiijin in Madaxweyne Riyaale soo jeedinta
Xoghayaha aqbalay iyo inkale, balse waxay hoosta ka xariiqeen in soo
jeedintaasi ka cadhaysiisay qaar ka mid ah golaha wassiirada ee
Xukuumada Madaxweyne Riyaale iyo shaqsiyaas ka ag dhow xarunta
madaxtooyada Somaliland, oo iyagu caan ku ahaa ololaha xisbi
xaakimka UDUB.
Dooda Adag ee la sheegay in ay ka dhex aloosantah Xoghaye Jaamac
Yassiir Faarax Iyo Wassiirada qaar ayaa ku soo beegantay xili uu
wadanka ka bilaabmay hirdan siyaasadeed oo culus kaasi oo u dhexeeya
Asxaabta mucaaradka ah iyo Xukuumada Madaxweyne Riyaale oo
Adeegsanaysa Golaheeda Wassiirada,
Sidoo kale Dagaalkan Siyaassadeed ee u dhexeeya Masuuliyiinta ugu
sareysa Xarunta dhexe ee UDUB Iyo Wassiirada Qaar ayaa warar aan si
rasmi ah u soo shaacbixin sheegeen in ay sababtay in warbaahinta la
soo gaadhsiiiyo War-saxaafadeed la sheegay in uu ku Sexeexan yahay
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Balse la
sheegay in ay qoreen shaqsiyaad farta lagu godaayo kuwaasi oo
qaarkood Wassiiro yihiin
Warsaxaafadeedkan oo Wiigan gudahiisa laga sii daayay warbaahinta
Dawlada Iyo ta Madaxa banaanba ayaa nuxurkiisa ugu weyni
xanbaarsanaa aflagaadooyin ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Gudoomiyaha Golaha Guurtida
Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Aflagaadooyin Beelaysan Iyo
Xabaalo Faadhis
Taasi badalkeedana waxa dad badani Warsaxaafadeedkaasi ku tilmaameen
mid aan u muuqan Aragtidii laga haystay Xoghayahan Xisbiga UDUB oo
dad badani qabeen in uu ka aragti duwan yahay odhaahdii lagu
yiqiinay Siyaassiyiinta UDUB u ololaysa, Sida ay sheegeen
Isla markaasina waxa wararka qaar sheegayaan in Warsaxaafadeedkaasi
ahaa mid ay qoreen Shaqsiyaad kale oo ka mid ah Xukuumada Madaxweyne
Daahir Riyaale Kaahin oo Qaarkood wassiiro yihiin, ujeedadiisana wax
ay ilo-xogogaal ahi ku tilmaameen in uu qayb ka yahay is-mariwaaga
Wassiirada Qaar Iyo Xoghayaha haatan ka dhex taagin
Ka faaloodayaasha arimahni qaarkood ayaa Warsaxafadeedkasi ku
tilmaamay mid uu Gacantiisa ku qoray Xoghaye Yaassiin isla
markaasina ay qayb ka ahayd is muujintiisi ugu horeysay ee uu
Madaxweyne Daahir Riyaale uu ugu muujinaayay in uu la mid yahay
ragii hore u sheegan jiray in ay kaga gudban yihiin mawjadaha
mucaaradka, hasa yeeshee nuxurka odhaahdii uu xanbaarsanaa
muujinayso miisaanka siyaassadeed ee Xohayaha Cusub ee Xisbiga UDUB
Jaamac Yaassiin Faarax
Si kastaba ha ahaatee wararka qaar waxa ay sheegayaan in xalinta
khilaafaadka iyo kala saarista hawlaha wassiirada iyo Xoghayaha UDUB
logu balamay in laga kulmo ka dib soo laabashada Weftiga Madaxweyne
ku Xigeenka Somaliland oo ku maqnaa Gobolada Bari
Arimahani ayaa sii kale waxa ay ku soo beegmayaan xili uu dalka ka
jiro muran siyaassadeed oo qalafsan, isaga oo Xisbiga UDUB La daalaa
dhacaaya mowjadaha siyaassadeed ee ka soo burqanaaya dhinaca Labada
Xisbi ee Mucaaradka ah ee KULMIYE Iyo UCID
Somaliland.org
|