Dafcadii Ugu Horreysay Ee Xukuumada Somaliland Ee Ka Qayb-Galaysay
Shirka London Oo Ka Gudbay Magaalada Tog-Wajaale Ee Xuduuda
Somaliland Iyo Itoobiya

Waftigan ayaa waxa hor kacayey Wasiirka Warfaafinta, sidoo kalle
waxa wehelinayey Muuse Biixi Cabdi, Axmed Yuusuf Yaasiin, Faysal
Cali Waraabe, Xildhibaan Cabdi Waraabe, iyo …...........
Tog-wajaale (TNN)-Wafti ballaadhan oo ka socda Xukuumada Somaliland
oo Iskugu jira Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka
tirsan Labada Gole Sharci dajineed, iyo Hogaamiy ayaasha Sadexda
Xisbi Qaran ayaa maanta(Shalay) u amba-baxay Magaalada London ee Ca
rriga Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qayb galayaan Shir Dawladaha
Caalamku ku heshiisiinaya an Soomaalida oo lagu casuumay Xukuumada
Somaliland.
Xubnaha Waftigan oo uu hor kacayey Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Maxamed Cabdi Xaa bsade waxa wehelinayey Gudoomiyaha Xisbiga
Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ku simaha Gudoomiyaha ee
Xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid F aysal
Cali Waraabe, Xaaji C/kariin Xuseen (Cabdi Waraabe), iyo Xubno kale
oo ka tirsan Xild hibaanada kuwaas oo dhamaantood ka amba-baxay
Magaalo Xuduudeedka xudunta Ganac siga u dhexeeya Itoobiya iyo
Somaliland ee Tog-Wajaale, Halkaas oo Gudoomiyaha Degmada Tog-W
ajaale Xaashi Maxamuud Cabdi iyo xubnaha Maamulka ee Degmadaasi iyo
waliba Qaar ka tirsan Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladu ay si diiran
ugu soo dhaweeyeen Magaalada, isla markaana si heer sare ah u sii
galbiyey Waftiga oo Galinkii hore ka gudbay Xuduuda.
Wasiirka Warfaafinta oo Intii aanay ka gudbin Xuduuda u dhexaysa
Somaliland iyo Itoobiya oo u Wasiirku u waramey Warbaahinta Qaar oo
ku sugnayd halkaa ayaa ugu horreyn waxa uu wasiirku ka xog-Waramay
Ujeedada Socdaalkoodan, waxaanu xusay in si toos ah loogu Casuumay
Xukuumada Somaliland isla markaana ay ka mid noqoto Dawladaha
Caalamka ee heshiisiinaya Koonfurta Somaliya waxana hadalladiisii ka
mid ahaa: " Ujeedada aanu u socona a waa shirkii aanu london kaga
qayb qaadan lahayn hadase waxaan u soconaa itoobiya si aa nu
fisayaal uga sii qaadano wuxuuna shirku bilaabmayaa 23 bishan
waxaanan ka mid nahay dawladaha heshiisinaya dalka ayn u jaarka
nahay ee somaaliya, Inaga oo si toosa la inoogu casuumay si aynu uga
mid noqono Dawladahaas heshiisiinaya Soomaaliya". Ayuu yidi Wasiir
ka Warfaafintu.
Waxaanu ku daray Hadalkiisa: "Xubnaha kale ee ka qayb galaya Shirka
oo uu hogaamin doo no Madaxwaynaheenuna Diyaarada ayay ku soo
baxayaan, oo way naga daba imanayaan inta ka horreysa 23 Bishan".
Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.
Xaaji C/kariin Xuseen (cabdi waraabe) oo Isaguna Saxaafadu wax ka
waydiisay sida uu u ar ko shirkan, waxa uu yidhi: "Waxaan ka filayaa
wax wanaagsan inay ka soo baxaan oo waxaa iskugu imanaya dawladaha
caalamka, Gartaadana waa inaad ka sheegato Meel kasta hadii aad ka
maqan tahayna cidi ku soo hadal qaadi mayso waxaanan ka filaynaa
guul insha Alla h". Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.
Socdaalkan Waftigu ugu amba baxeen Dalka Itoobiya oo ay ka sii gudbi
doonaan ayaa ku soo beegmay Xilli ay kaabiga soo saaran yahay Shir
dhawaan loo qaban doono Soomaalida, oo loogu qabanayo Carriga
Ingiriiska iyada oo ay Wufuud badan oo qaybaha kala duwan ee
Soomaalidu ku sii qul-qulayaan Dalka Ingiriiska.
Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News Desk
Tof-wajaale,Somaliland
|