Dadweynaha Degmada Arabsiyo Oo Saluug ka Muujiyey Habmaa muuseedkii lagu Qaabiley Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Ee Deyna Usoo Jeediyey Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo

 



Annagu
Reer Arabsiyo hadaanu nahay, waa la yaqaanaa ta la mid ah, iyo tu ka sii xun ayaanu Wad adaa ku samayn doonaa hadii Xukuumadu waxba ka qaban waydo arrintaasi, waajibaadkayaga aya anu gudan doonaa”. Ayuu yidhi Oday Maxamed Caydiid .


Arabsiyo (TNN):- Qaybaha kala duwan ee Dadwaynaha Ku dhaqan Degmada Arabsiyo ee ka tirsan Go bolka Gabiley ayaa ku eedeeyeeyey Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gabiley, Mas’uuliya d a Waji-gabaxii uu Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cu mar uu kala kulmay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley Maalintii Isniintii ee Todobaad ka n, ka dib markii Maamulka Magaalada Gabiley kaga qufusheen Hoolkii Shirarka ee Xarunta Dawlad a Hoose ee Degmada oo Wasiirku Kulan kula qaadanayey Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Hogaam iy ayaasha Dhaqanka, Madaxda Urrurada Bulshada Rayidka ah, Ardayda Wax ka barata Jaamacada ha Timacade iyo Camuud ee Gabiley iyo Boorame, Haweenka Qurbe-joogta Reer Gabiley ee Wakhti-Xaa dirkan ku sugan Dalka gudihiisa iyo Marti-Sharaf kale oo aad u tiro badan.


Dadkan oo Eedaynta ay u soo jeediyeen Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo kaga hadlay Shir-Jaraa’id oo ay Warbaahinta Kala duwan ku siiyeen Magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Iyaga oo tilmaamay in Maamulka Gabiley ay u qoor-xidhan yihiin Ashkhaas gaar ah oo loo adeegsado inay fuliyaan kolba Hawlo Nin gaar ahi wato, waxaanay xuseen in ay qalad tahay in Mas’uul Dawladeed oo mudnaa in lagu soo dhaweeyo Magaalada in Laga xidho Hoolkii Dawlada/hoose ee Degmada ee uu Dadwaynaha kula hadli lahaa, Waxaanay farta ku fiiqeen hadii Xukuumada dhexe ay tallaabo ka qaadi waydo in ay Iyagu ka Degmo Arabsiyo ahaan ka qaadi doonaan, Cawaaqib Xumada ka dhalan doonta Arrintaasina ay Dawlada/Dhexe dusha ku qaadan doonto.


Sahra C/laahi Sheedaal oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay Ujeedada ay iskugu yimaadeen oo ay ku sheegtay inay cambaaraynayaan Dhacdadii Lagaga xidhay Hoolka Shirarka Dawlada/Hoose ee Degmada Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar waxaana hadalladeeda ka mid ahaa: “Waxaanu Cambaarayna ynaa Maamulka Gobolka Gabiley, gaar ahaan Maayarka Magaalada iyo Xog-hayaha Fulinta Dawlad a/Hoose oo aan ka soo qayb-galin soo dhawayntii Wasiirka Ganacsiga, Wasiir Maxamed C/laahi Cumar maaha Nin Fudud oo la fududaysan karo, markii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Siyaasadii Dibada Somaliland waa kii furfuray ee Caalamka oo dhan Inagu soo xidhay wixii uu Dalkan u galay waa la wada ogyahay, waanu ka mudan yahay Nin Inta caruur loo soo shiriyo Albaabadana laga xidho. Waxa Ayaan-Darro ah Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Madaxda Degmada Gabiley sida ay u fikireen anigoon garanaynin, iyo Meesha Laga hagayo iyo waliba Cida ay u shaqaynayeene, hadaba hadii ay u haystaan inay gool dhaliyeen, guul-daro ayay qaateen, waanu cambaaraynaynaa, waanu ka xunahay, waanu cambaaraynaynaa, Xukuumaduna haday waxba ka qaban waydo oo tallaabadii ku haboonayd laga qaban waayo mar hadii ay Hoolkii Xidheen Aniguna Waddada ayaanu Anaguna Xidhan doonaa”. Ayay Tidhi Sahra C/laahi Sheedaal oo ka mid ah Hooyooyinka Reer Arabsiyo.


Waxa kale oo Isaguna isla Shirkaa-Jaraa’id ka hadlay Oday Maxamed Caydiid oo Isaguna si adag uga hadlay Hadiiba Tallaabo ay xukuumadu ka qaadi waydo inay Iyagu(Reer Arabsiyo) ay ka qaadi doo naan waliba Talaabo aan la mahadin ay ka qaadi doonaan oo ay ka jawaabi doonaan: waxaanu yidhi “Waxaanu halkan iskugu nimid Waxyaabihii Foosha Xumaa ee ka dhacay Gobolka ee lagula kacay Mas’uulka dhan ee Gobolkiisii u yimid si uu ugu dhabo-galo Xaalada Dadkiisa ee Albaabadii uu kula hadlayay Dadkiisa inta laga qufushay caruurna loo fayliyey lagu yidhaa ku mudaharaada in aanu cambaarayno ayaynu iskugu nimid, Arrintaa aad iyo aad ayaanu uga xunahay. Arrintaa uu Gobolka kala kulmayna waa Arrin aad iyo aad u nasiib-daro ah, Reer Gabiley iyo Madaxda Gobolku Iyagaa ka jawaabi doona, Annagu Reer Arabsiyaanu nahay, Reer Arabsiyana waa la yaqaanaa Taa tu la mid ah, iyo tu ka sii xun ayaanu Wadadaa ku samayn doonaa hadii Xukuumadu waxba ka qaban waydo Arrintaasi, Waajibaadkayaga ayaanu gudan doonaa”. Ayuu yidhi Oday Maxamed Caydiid .


Waxa kale oo Iyaguna halkaasi ka hadlay Deeqa Carab Kaydo Xirsi Buuni Yaxye Cabdi C/laahi iyo Axmed Ciise Caawale oo dhamaantood Iyaguna sidoo kale digniino culus u diray Xukuumada, kuwaas oo ugu baaqay in Xukuumadu Faro-galin ku soo sameyso Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Gabiley oo ay Baadhitaan rasmiya ka samayso Arrintaasi, Cidii Falkaa Ka danbaysayna ay Tallaabo Sharci ah ka qaadaan. Maadaama Mas’uul Xukuumadii ka tirsan Madaxdii Gobolku sidaa la wada ogyahay u gal een.


Dhinac kalena Badhasaabka gobolka gabiley oo arintani warbaahintu waxa ka weydiisay ayaa shee gay ina gabi ahaanba la dhameeyey arintaasi, oo uu dhamaystirey wasiirka arimaha guduhu

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland