“Dadkayagu Naga Abaal ka dhici maayaan ee way qirayaan wixii Qabsoomay”
 

 



“Waan idiinka Mahadcelinayaa, indhihiina Furan iyo Qalbigiina Diiwaanka u ah Kaydinta Samaha Dadkeena u Kordha” Germany


Hargeysa (TNN):-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xas an, ayaa ka hadlay casho sharaf ay ku maamuuseen jaaliyadda reer Somaliland ee wadank a Jarmalka, waxaanu sheegay in shacbigu aanay ka abaal ka dhici doonin waxqabadkii xuk uumadda Madaxweyne Siilaanyo u qabsoomay saddexdii sanadood ee la soo dhaafay.

“Salaan qiimo badan ka dib, aad iyo ayaan idiinka mahad-celinayaa maamuuska casho shar afka iyo soo dhawaynta qiimaha badan ee wadaniyadu ku dheehan tahay, dhammaan intii nii hadashay waxaad ka hadasheen danta dalkeena iyo dadkeena waxaanad farta ku fiiqd een guulaha isdaba taxan ee uu ku tallaabsaday qarankeenu, qof kastana waxaa saaran masuuli yad, bogaadinta iyo taageerada waa idinka gudoonay, tallooyinkiinana waa qaad anay, waa na qiimaynaynaa doorkiina iyo kaalinta muga leh ee aad qarankan ugu jirtaan ka qurbo joog ahaan iyo gaar ahaan Jaaliyadiina Jarmalka.

Sida in badan oo idinka tirsani tilmaantay dalkii horumar badan ayaa ka socda waxaanu isl eenahay dedaala intii awoodi inoo saamaxdo, waxaanu u baahanahay taageeradiina, wax aanu u baahanahay taladiina oo waxaad qaranka u tihiin cudud iyo caqli lagu xisaabtamo,”ay uu ku yidhi Wasiir Xirsi qoraal dheer oo uu maanta ku baahiyay mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com.

Wasiirku waxa uu ka hadlay ahmiyadda jidka Ceerigaabo iyo sida loogu baahan yahay in bus lashadu uga qeyb qaadato, waxaanu yidhi “Sida aad ogtihiin wadada Ceerigaabo iyo dhamm aan wadooyinka dalka ka socdaa waa muhiim oo waa kaabayaashii dhaqaalaha, waddadaa Sanaag iyo Togdheer isku xidhaana waa halbawle qarankeena macno badan ugu fadhida hor ena waan laydiin soo gaadhsiiyey qorshaheeda, qaadhaana waa laydin saaray oo waa idinka sugaynaa, walaallayaal wax weyn ayaad qaban-kartaan hadii aad dedaalka isu gaysaan oo qof kastaa wuxuu awoodo bixiyo waa hubaal in aad kaalin laxaad leh buuxinaysaan hadii aad codkiina, Caqligiina, cududiina iyo shilinkiina midaysaan kuna dhiirataan inaad horumarka ka ga qayb qaadataan, anakuna dawlad ahaan waxaanu idiin balan-qaadaynaa in aanu qabano wax la taaban karo wixii aad noo dhiibtaana meel ka muujin doono xisaabteedana si waadaxa idiinku soo bandhigi doono Insha Allahu,”

“Dal ahaan waxaa dunidu inagu qiimaysaa wixii aynu qabsanay, waxaa laynagu tixgeliyaa wa xa inooga qabsoomay dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, dawladnimada, dhaqaalaha, siyaasada iyo horuumarka adeegyada bulshada, dawlada Madaxweyne siilaanyo waxaa lays ku raacsanyahay inay wax weyn dalkan u qabatay waanu sii wadaynaa, waa dedaalaynaa dhegaysanmayno fadhi-ku dirirka iyo inta wax uun dhaleecaysa ee dhinaca xun uun wax ka eegta, indhooduna ka daboolan yihiin aragtida waxa bulshada u qabsoomay — waxaana hub aal ah bulshadani waa ogtahay ka wax u qabanaya iyo ka wax ka qaloocinaya, nalagu qiima yn maayo aragtida kuwa nagasoo horjeeda ama aan ishoodu qaban horuumarka iyo wanaa ga ee waxaa nalagu qiimaynayaa wixii aanu qabano,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland aanay ka abaal-ka dhaci doonin wixii u qabsoomay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Xaasha taariikhdu na dafiri mayso dadkayaguna naga abaal-dhicimaayo ee sidaa aad u qiraysaan ayay dhamaan gudo iyo dibadba u ogsoon yihiin, wixii aanu qabanay oo waa nalaga sugayey wixii noo dhimana waa ognahay cidii noo sheegta iyo cidii nagula talisa iyo cidii nagu canaanataba waa ka qaadanaynaa waana soo dhawaynaynaa.”

 

Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland