Dadka
gabooba ee Barnaamijyada Idaacaduhu ma duugoobaan ee waa
laga xiiso dhacaa.
*Milicidii
arligeenaad maalmo soo dhami laydoo, shaadirkaangan
madaw waad murgugaafi lahaydoo, kitaabkaa muska yaala
waan maqraysan lahayn, adigoon nin i moodeen baan wacdi
kuu marin laay. Masalooyinka diintaan isla meel dhigi
laynoo, Maakhadaan weligii inna soo agmareen
Kal shanaad iyo kal afraad midkay ahayd ma kala hubo eh,
waxaa goor barqa guriga aanu ku nool na hay aniga
iyo reerkaygu oo ku yaal galbeedka London nagu soo
booqtay Xaajiyad aanu qaraabo sax ati nahay laakiin aanu
isku meel ku soo wada barbaarnay oo aanu macruuf weyn
ahaan ji rney. Magac dhebi maayo ee hadda iyo wixii ka
danbeeyaa, akhristaw la soco magaceedu waa
ina Sheekh.
Maalintan ay na soo booqatay, waxay ahayd xilliga dayro
dhaafyada oo heer kulku wuxuu hoos mar ay
xariijintii ebberka ilaa 20 barood (- 20). Sidaa
daraadeed ina sheekh way raran tahay. Waxay ku giblaneyd
heeryadii iyo hugii difaaca dhaxantay iyo dheelalyada oo
yurub lagu sameeyey. Waxay ku shaqlanayd hugii difaaca
denbiyada, qooraansiga iyo jaleecooyinka ragga markay
suuqa laafyoonay so. .
Waa xilli qaboobaha iyo caadkiiye muuqaalka guud ina
sheekh waxba kamay duwaneyn gorayo heery eysan. Waxay u
ekaatay daabad dulun dulcayneysa, maadaama ay markeedii
hore laxaad iyo dherer u dhalatay, haatan uu culays
dheeraad ahi iyo hilib fuulay.
Labada indhood oo keliya ayaa muuqda, Sidaas oo ay tahay
waan gartay in ay tahay ina sheekh oo cal iyo beyleh oo
alla doorshey.
Laba isgaran weyda ma ihin. Markaan arko waxaan
xasuustaa ereyadii hees ay had iyo jeer madada
aloon jirtey oo ay ka mid ahaayeen midhaheeda: “Qaabkii
gayaanimo yaan u quudaraynaa, haddayd aan wax nala qaban
ma rag qaarad kale jirabuu noo qoray Ilaahay.”
Tii baa dhacday oo hablaheedii caddaan iyo madawba way
guursadeen iyadana malahayga way sige en raggii
qaaradaha kale.
Sheekheeda immiku waa haateen zubeyr banii daalib.
Diinta ka sakow zubeyr waa nin wax daalacda oo wuxuu
balo ku dhigay oo uu yaqaanaa godalooliyinka nidaamka
dalkan Ingriiska u dejisan ee loogu talagalay
baahanahaha iyo qaxootiga sida looga dhex duso. Wuxuu
aad xariif ugu yahay buuxinta fo omamka been
abuurka ee lagu dalbado lacagta waqfiga ee dawladu
bixiso. Ina Sheekh lacag badan oo aanay xaq u lahayn
ayuu u soo saaray. Foomka wuxuu ku buuxiyey:
- Iyada oo miyir qabtuu, way waallan tahay qoray,
- Iyada oo ragba kala dhaqaaqeen, way riman tahay qoray,
- Iyada oo dhaga qabta, way dhukantahuu qoray,
- Iyadoo dhamays, way dhoohantahay qoray
- Iyada oo aan wax dhinaynbuu way dhakafaarsan tahay
qoray
- Iyada oo meydal ka qoor dheer, waa madhuuf bacleel
qoray.
- Iyadoo dhammays way kala dhantaalantahay qoray.
- Iyadoo bed qabta, waa buktaan qoray.
- Iyadoo gaariye ayuu waa basiri qoray dherigeeda kama
adkay, daryeele ayay u baahan tahay.
- Gebagebadii foomka markii bogii faahfaahin dheeraad ah
la soo gaadhey (more details), wuxuu qor ay ma ogtahay
geyigayaga in haweenku kadab go’ay. Ma ogtahay in
haweenka la gumeysto oo ragu gacan sareeyaan. Gedigiiba
inan rag wada gododle buu yidhi intu doono guursada.
Aflagaado (verbal abuse), gacan saar(physical abuse) iyo
bah-dilaad ayaa loo geysan jirey ayuu ku buuxiyey. Waa
taa sobobta keentay waalida iyo wajaqaha.
Sheekhu sannad walba xajka ayuu tagaa oo iska soo
maydhaa wixii arrintaa denbi kaga soo leexda, i yadana
wuu u balan qaaday in uu mar kaxeeyo.
Ina sheikh dadka qaar waxay ku xantaan in ay la hagoogan
tahay ciil iyo cadho ay ka qaaday ninkee dii oo ka
dhacay guryo ay ka dhisatay dalkii oo weliba uu ku
guursadey tiraba afar jeer..
Qaar kale waxay ku xantaan in ay hinaase la hagoogan
tahay oo ay la boodsan tahay..
Noomaba timaadeen waxaa saaka soo kalihiyey, sheekheeda
diinta ayaa Shuukooyin, shaadiro, biyihii samska, kutub,
timir, xubatul sawda, xildiid, xabaasuud iyo sharaab
bili ka hadhsan tahay xilliguu dhici lahaa. Wixii ayay
la wareegeysaa oo haweenka ka iibineysaa..
Arroortaa iyo goortaa ay timid xaafada waxaa ii daaraa
oo aan dhegta u raaricinayaa, qalbigayguna la
muraaqaysan yahay qasaa’idkii Nebi ammaan ah oo Cabdi
Adan qays ku luuqaynaayo, gaar ahaan heestii “Awliyo
Allay Adeeg”.
Iyada oo aan i bariidin ayaa markay maqashayba, amar ku
bixisay in aan xidho oo Rikoodhkii. demiyo oo aan ka
waantoobo bidcinimada.
Waxay intaa raacisay calaacal iyo ciilkaambi ku saabsan
waagii ay dhegeysan jirtey oo ay ku tilmaan tay casrul
jaahili. Waxay ku baroortay waar miyaanay denbi kuugu
filayn intii hore ee aad soo dhege ysatey.”
Wixii aanu is nidhi ma soo koobi karo, laakiin
jawaabihii aan bixiyey waxaa ka mid ahayd: “Anigu diin
ahaan ka sakow waxaan u dhegeysanayaa, dooc iyo dareen
kale ayay ii leedahay. Waa ta koowaade waxaan u
dhegeysanayaa xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuusbaa
geela lagu xergeeyaa. Nin dhe geystey wuu garanayaa dhul
ay qaboojaan.
Waa ta labaade heestani waa hubkii ugu cuslaa ee Cabdi
Aadan qays kaga hortegey markii kacaankii Siyaad Barre
ku dhawaaqay shuuciyada iyo alla kakoodnimada. Waxay
shiiqisay heesihii Alla kakoodni mada ee dawladu
maalgelineysey. Goobtaa istaagto iyo gurigii aad gashaba
waxaa ka socota awliyo allay adeeg. Dalka oo dhan xero
ayaa ka unkamay, heestaa dhegeysanaya. Taas oo
macnaheedu aha yd in dadku dhabarka u jeediyeen
shuuciyadii loogu baaqay. Sidaa daraadeed ku ceclintii
badnayd ee heestaasi waxay igaga tagatay raad aan
marnaba dareemayaashayda ka tirtirmeen.
Waa ta sedexaad waxaan u dhegeystaa heesaha nebi
ammaanka waa suugaan gaar ah oo diimeed oo afsoomaliga
ayaan ka bartaa.”
Wax kale may odhan waxay tidhi: “Yaa hoogyow ba’ awlba
suufi baad ahayd.”
Waxa kale ma odhan ee waxaan ku luuqeeyey heestii
Madaxamed Axmed kulu oo aan ereyo cusub geliyey. Taasi
oo ahayd ninkii garanayaa wuu garanayaye “Miyigaan aqal
weyn kaaga moosi lahaa: Waan u soo dhaweeyo waxaan
taataabtay dhul ay garanayso.
Medarkii duryaadbaad mushmushaaxi lahaydoo, lo’diiyoo
muglataad wax ka maali lahaydoo, Muftigii gobyareebaa
duco kuu marin laayo, masafooyinka diintuu kugu meerin
lahaayoo, mawliidkii nebigaad ku mirqaami lahayd,
Muusanowga qurbaha waad ka maydhan lahayd. Mugdigaad ku
jirto waad ka maagi lahayd.
Iimaankaa muhiim ah maryo waa dhalanteed.
*Milicidii arligeenaad maalmo soo dhami laydoo,
shaadirkaangan madaw waad murgugaafi lahaydoo, kitaabkaa
muska yaala waan maqraysan lahayn, adigoon nin i moodeen
baan wacdi kuu marin laay. Masalooyinka diintaan isla
meel dhigi laynoo, Maakhadaan weligii inna soo agmareen
Iimaankaa muhiim ah maryo waa dhalanteed.
*Maydhaxdii arligeena, morohdii iyo galoolka, haddii
aynu maleegno, murginoo aynu soohno, maryayo way noqon
laayeen, soo tan la iga manuuca, kebedaad xidhantaad
kaga maarmi lahayd, dhulkeenii kululaa guntiinaad
xidhanleyd. Muusanowga qurbaha waad ka maarmi lahayd.
Iimaankaa muhiim ah maryo waa dhalanteed.
* Miyigii Wajaalaad cagta
soo marin laydoo, madihii beertaadaad isha soo marin
laydoo, Juuqi waa m a
huraane waa iska soo mari layd. Maqaamkii
Cali Beylaad mar u dhoofi
lahayd.
Muusanowga qurbaha waad ka maarmi lahayd
Iimaankaa muhiim ah maryo waa dhalanteed.
· Maqaamkii Gebilaad maalmo joogi lahaydoo, madadaalada
diintiyo, narsaad soo maqli laydoo, meded kiyo quraankaa
ku dhexmaaxi lahaa, qalbigaagan madaw waa la maydhi
lahaa, mugdigaad ku jirto wa ad ka maarmi lahayd.
Iimaankaa muhiim ah maryo waa dhalanteed
Intay hagaag ii dhegeysatey ayay tidhi waar ha danbaajin
kuwaa nin dhegeystey wuu garanayaa dh ul ay qaboojaane.
Sheekadan aan hor dhaca uga dhigay biyo dhiga
ujeedadeeda ku saabsan barnaamijka Naacawda Ra madaanta
ee muranka galay, waxaan uga gol leeyahay aniga iyo ina
sheikh waxaanu kala joognaa k aaf iyo kala dheeri,
waxaase naga dhexeeya Idaacada Qaranka oo aanu
labadayaduba dhegeysanaa.
Wasaarada warfaafinta waxaa looga fadhiyaa in ay keento
hab iyo barnaamiyo labadayadaba raaligeliya.
Idaacada qaranku waxay ka dhexaysaa dadka d’adoodu u
dhaxayso 5 jir ilaa boqolaal jir. Waxaa laga rabaa in ay
diyaariso ciroole iyo carruur mid waliba barnaamij u
cuntama oo uu qaadi karo. Afkaarta kala duwan, tartanada
siyaasada, dookha iyo dareenada kala duwan waa in ay u
dhug yeelato oo tixgeliso.
Barnaamijka naacawda ramaadaanta haddii wasaarada diinta
iyo awqaaftu iyo ina sheikh haday ka xiiso dhaceen aniga
iyo qaar kale weli waanu xiisaynaa. Taas macnaheedu ma
ah barnaamijkii ayaa gaboobey, mana ah dadweynihii iyo
dhegeystayaashii qaayaha lahaa ayaa ka kharaaray.
Barnaamijka cusub ee wasaaradu soo diyaarisayna lama oga
in la wada xiisayn doono iyo inkale.
Ha la joojiyo iyo ha la maanuuco barnaamij waa laga
fiican yahay adiga oo aan baadhitaan ku samayn tirada
dadka xiiseeya amma soo bandhigin baahintiisu waxyeelada
ay u leedahay bulshada.
Waxaa ka haboon in aad marka hore soo diyaariso
barnaamij ka heer sareeya oo ka xiisa badan oo ka waxtar
badan if iyo aakhiraba oo u cuntama dadweynaha. Dadka
iyaga ayaaba markaa u guuri doona hadba kii labadooda
xiisa badan. Midna labada barnaamij in la cabudhiyo ma
ah. Labadaba ha la siidaayo oo waqtiga ha loo kala
qaybsho. Xalku waa in barnaamij naacawdu hadduu saacadle
ahaa loo kala qaybiyo oo midba saacad badhkeed la siiyo.
Dadweynuhuna midba kuu jeclaysto ha dhegeysto. Haddii
kale wallee aniga iyo ina Sheekh midkaayuun baa cabudhi.
|