DACWADA
U KULMIYE U GUD BIYEY DAWLADA INGIRISKU WAA HAB DHAQANKII MOORYAANTA
KONFURTA LAGU YAQIIN OO KALE
Baryahanba qoraalo farwaaweyne
lagu soo xardhey ama lagu soo qoreyba eyaa shabakadaha JSL ku
abtirsada lagusoo daabacayay kuwaaso uu nurxurkood ah qoraaladaasi
ashkato iyo dacwada ka dhan ah JSL iyo madaxdiida,
sidatanbey u qorneyn qoraaladaasi - xogahey arimaha dibada ee
xisbiga qaran ee kulmiye ayaa dawlada ingiriska u gudbiyay ashkato
iyo dacwada ka dhan ah dawlada JSLand iyo xisbiga UDUB iyo
madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo waliba gudida doorashooyinka
qaranka dhamaan inta dacwada lagu soo lagu soo oogey waa intii
talada dalka loo igmaday.
Haddaba aakhristow maxeynu u igmaney madaxda axsaabta iyo xisbiyada
qaran ee aynu taageeradeenna u hurney?, haddii aan isku dayo inaan
su'aashaasi ka jawaabo, waxeynu u igmaney axsaabta iyo madaxda
xisbiyada qaran ee JSL in ey marka hore ka mideysanaadan qadiyada
soomaliland iyo gooni isu taageeda islamarkaan ay daacad ka noqdaan,
taasi waxan u arka qodobka ugu horeya waajibaadkuna ka saareyn yahay,
siyaasi kaste xil haye ama yaanu heyna waa mid ku waajib ah inuu
aaminsanado marka hore jiritaanka JSL. haddii u xil aheyo iyo haddii
kalaba.
Haddaba marka eynu aragno ama eynu maqalno wararka noocasa ee
shabakadaha lagu soo daabaco xisbi qaran ka mas'uul yahay ashkataasi
iyo dacwadaha noocas runtiina gaadhsiiya dawladihii ama
international committeeskii eynu albaabadooda horjoogney ee aynu ka
dooneyney ama ka codsaneynay in ey ictraaf caalamiha inuugu deeqan
si eynu bulshada caalamka ula mid noqon. waa cajiib
Sidaan filayo dacwadaasi waxey u muuqata mid danbi qaran ah oo
lagula kacey JSLand lagana galey shacabka soomaliland ee haraadka u
qaba in maruun adoonku il naxariis leh ku soo eego qadiyadeena iyo
gooni isu taageenna, dacwadaasina runtii la gaadhsiiyay caalamkii
siiba dawlada ingiriska oo ah xubin muhiin ah ama dawladihii eynu
ictiraafka soomaliland ka rabney, runtii dacwadaasi waxan u arka mid
lagu dagdagey islamarkaasan lagu mijo xaabineyo qadiyada gooni isu
taaga soomaliland haddii ey jirto dacwadaasi, sidaan aaminsanahey
nuxurka dacwadaasi waxey ila muuqata ama ey salkaba ku heysa in u
xisbiga kulmiye dawlada ingiriska u gudbiyay macnaheedu tahey in aan
la aqoonsan JSL islamarkaasna la joojiyo wixi deeqo ah ee ay
dawladaasi ingirisku siin jirtey JSL, maadaama ay nabadgalyo xumo ka
jirto, islamarkaasna u xisbiga UDUB xilka uheya u yahay mid aan
sharciga waafaqsaneyn islamarkaasna ay doorashadii dalka ka dhici
laheyd ey dabada heyaan xisbiga talada haya.
Arimahan noocasi ah ee ku saabsan dawlado iyo madax la iska
ashkateyo waxan mareegaha ku arki jirey siyaasiyinta koonfurta oo
aad iyo aad ugu xarfaan ah dhaqankaasi ashkatooyinka noocsi ah ee
dalkooda waxa ka socoda ay u gudbin jireen dawaladu shisheeyi iyo
madaxda dalkaasi.
Beenalemarkhaatigiisu fogeyay waxeyno maqli jirney ama idaacaduhu
sheegi jire mooryanta koonfurta soomaliya oo markasto ay isqabtan
waxey u kala dheereyn jireen Meles Zeni iyo General Gebre iyagoo
midba midkale ashataasi u gudbin mas'uuliyintaasi Itoobiya, teeda
kalan weynu la wada soconey dawladii Col. Abdillahi Yussuf iyo
ra'iisawasaarayaashiisi soo marey dawladaasi imbigati lagu soo
dhisey sida ay maalin waliba ugu kale dheerneyn jirn itoobiyo iyo
kenya, waxad mooda inuu kulmiye maanta adeegsanayo hab dhaqankii
xumaa ee siyaasiyinta koonfurtu caanka ku ahayeen, siyaasinta
kulmiye ma waxey mooda yaan habkaasi mooryanta mid guul u soo
hoynkareya siyaasada kulmiye ee qalafsan.
Haddaba waxan leeyahay Dr. Maxamed Omar arinkaasi yaanu adiga duusha
laga saarine islamarkaana siyaasadaad wax u dhimine, oo la odhan dr.
Maxamed Omar waa nin raggaasi koonfurta biyo la soo cabey oo ku soo
korey goboladaasi koonfurta soomalia oo caadadoodi wate fadlan iska
furdaami sheekooyinka noocasi ah.
Haddaba aakhristow mudo 18 sano ah oo aynu dawlada sheeganeynay ama
madaxba'aan adoonka u sheegeynay baadigoobna ugu jirney sidii aynu
ictiraaf u heli la heyn, ilama haboona in ey dacwadeena iyo
cabashadeenna u gudbino dal shisheeya ah.
Waxa inoo dhisnaa mudadaasi 18sano ah heykal dawladeed oo runtii
awodiisu yareyd laakin taabagal ahaa oo hawshiisa gudaneyay, sida
aan filayo haddii ey dacwadani ama cabaasho noocanoo kala ahey soo
baxado ama jirto oo u xisbi doono inuu ashkaato ama dacwad gudbiyo,
miyaaney aheyn in he'yahada u xil saaran loo gudbiyo sida maxkamada
sare ee qaranka iyo labad gole iyo waliba raggii aqoonyahanad aha ee
kalinta wanaagsan ka gali jirey marka ay arin timaado, ilama qurux
badan in shuruucda wadanka u yaala la baalmaro iyo dhaqankii
wanaagsana ee aynu ku soo caano maaleyn, mana ha siyaasada wanaagsan
oo wax u tari karta ololaha siyaasadeed ee xisbiga kulmiye u hawlan
yahay ashkatadani, mana haboona inuu xisbi qaran dacwadaasi ookale u
gudbiy dal kale oo aan shaqo alaale shaqo u inagu leeyahey la
garaneyn ama aaney jirin ba, runtii waxan u arka aakhristow
ashkataadaasi iyo dacawdaasi loo gudbiyay dawlada ingiriska mid
khasaartey oo jihadii ku habooneyd la baal marey.
Mudanaha aan sawirkiisa iyo muuqalkiisaba ka muuqdo shabakaddaha ee
mas'uulka ka ah dacwadaasi oo ah xogaheyaha arimaha dibada ee
kulmiye Dr. M. Omar, runtii Dr. Maxamed Omar maaha runtii
shakhsiyaadka dacwada soo jeediyay ama hindisey,waayo Dr. Maxamed
maaha nin lagu shaanbadeen kareyo qadiyada soomaliland buu ka soo
horjeed, laakin waxa iga muuqda dacwadaasi in ay mas'uuliyadiisa
leeyihiin hogaanka sare ee xisbiga kulmiye dalkan lagu mijo
xaabinayno lana abuureyo jawi cakiran, Dr. Maxamedna u yahay nin la
jahwareerinayo oo runtii hawshiisa dadkale isdarban ula maamulayaan
oo heerihiisa jooga ama ey wada shaqeyn leeyihiin.
Waxan leeyahay xogaheyaha xisbiga kulmiye ee cusub, fadlan soomalidu
waxey tidhaahda GAL DAD LIQE UL BAA LA ISAGA DA'YAA, waxkastood
dooneyso in ad fuliso, nin aqoon le baad tahey u fiirso si ad uga
badabaado muwjadaha siyaasadeed ee qalafsan ee kulmiye ku shaqeyo,
islamarkaan ey mas'uulka ka yihiin siyaasinta macangaagintaha ee
kulmiye, kuwaaso mar walba sheega balaayooyin inagu soo foole oo aan
la garaneyn meel ey ka iman doona, hadalada wanaagsani waxa ku jira
kheyr badan waana waajib inaad, markaste hadalkaagu noqdo mid samaha
ka talinaya iyo xagga wanaaga ilaaheyna ku xidhey waxkastoo iman
doona waayo ilaahey uun baa og waxa iman doona.
Maanta waxa ka muuqda shacabka JSLand biseyl badan iyo waayo
aragnimo, waxan leeyahay siyaasiyinta kulmiye ee shacabka
soomaliland dooneya in ay go'a u ridaano, maanta maaha maalintii
siyaasigu hogaanka shacabka miisanka weyne ku laha, maanta waxa
shacabka miisan weyn ugu fadhiya oo gacanta ku haya NABADGALYADA,
MAALGASHIGA iyo ragga dalka dhistey ee maalkoodi galiyay IYO
HIMILADA U SHACABKU HIGSANAYO, maanta waxey shacabku u dhaganuqul
yihiin dhawrkaasi ery ee aan kor ku soo xusey, haddaba siyaasiyinta
xisbiyadda ee durbaanka colaadeed dumayo ha moodi shaley maanta.
Waxan ku soo gabagabeynaya qoraalkeyga sheekadii aheyd WAAN MIRQAMEY
MACNAHEEDO WAAN SIRKHAAMEY, DACWADA KULMIYE MACNAHEEDO WAA ICTIRAAF
DOONI MAYO ingirisow
Guul baan u rajeynaya SOMALILAND iyo ictraaf
dhakhso ah.
Omar Darood Xassan
Norway |
|