Dabayshii aqoonsiga oo dul babaneysa Somaliland

 

Waqti dheer oo ila sodon sanadood ah oo ka soo bilaabma ku  dhawaa qidii Ururkii SNM ee 1981 ayaa bulshada caalamku ku haysay  Somali land go'doomin iyo cadaadis. Waxa jiray waqtigii uu dagaalkii  hubaysn aa ee u dhexeeyey SNM iyo Dawladii Maxamed Siyaad uu socday oo la odhan jiray gobolada waqooyi in ay dawlado badan oo carbeed iyo Faqash iska kaashaden sidii loo baabin lahaa Dadkaas xuquqdooda u halgamayey. Badda iyo dhulkaba waa laga xidhay cirkana dayuuraddo ayaa ka garaacayey. Awoodaha badan ee iskaashanayey, SNM way ka guulaysatay waxayna soo celisay gobanimadii ay lidankii ay Somaliland u hurtay ururinta dadyawga Somaliyeed ayse ku guuldaraysten. Ka dib markii ay Somaliland in badan u adkaysatay godoomintaas, ee ku adkaysatay Gooni isu taageeda, ayaa bulshada calamka in badan oo ka sii jeeday maanta u muujiyeen Somaliland taxgelin iyo aqoonsi dadban. Taas waxa daliil u ah wafuuda aan la tirin karin ee ka socda dawladaha ee maanlin kasta ka dega gegooyinka dayuuradaha ee Somaliland. Taas waxa ka dhashay Aragtiyo, ficilo iyo dareeno cusub.

Hadaba, bal ayno eegno 18 may 2009, dabaaldegii 18 May ee  sanadk an 2009 ee 18 guuradii gooni isu taaga Somaliland, wuxu ahaa mid ka xamaasad badan xusaskii sanadadii hore. Waxa laga xusay 52 dal oo ku kala yaal shanta qaaradood ee aduunka. Sawiro badan oo qurxoon ayaa la qaaday, qudbado badan oo dhaadheer baa la jeediyey hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin baa la isdirayey. Waxa xafladahaas ka qayb galay dad aad u tiro badan oo reer Somaliland ah oo isu jira abaabulayaal, daawadayaal iyo taageerayaal sitay calanka sadexda midab leh ee tawxiidku ku qoranyahay oo ku dhawaaqaayey Somaliland ah noolaato.

Waxa iyaduna xusid mudan in ay munaasibooyinkaas ka qayb galeen dad badan oo ka kala yimi dalalka Somaliyeed sida; Somalia, kililka shanad ee Ethiopia, Djibouti iyo NFD. Dadkaas oo aan intoda badani afka soo marin jirin magaca Somaliland marka ay maqlaan ee la soo qaadona la moodi jiray in uu bahal qaniinay, maantase qaar ka mid ahi ay la qaybsanayen farxada dadka ciidayey ee u dabaaldegayey kaalintooda qiimaha weyn ee ay soo afjareen halgankii hubbaysnaa ee ay kula soo noqdeen gobanimadoodii ay lixdakii bixiyeen ee ay u hibeeyeen raadintii Somaliweyn.

Haddaba, waxa isweydiin leh, waxa dhaliyey isbedelkan soo ifbaxay 18 May 2009. Marka u horaysa dadka reer Somaliland oo u dabaalegayey si farxad, xamaasad iyo isku kalsooni badani ka muuqatay ayey dadka kale ee reer Mogadishona u muujinayey soo dhaweyn cod iyo dareenba ku dheehan yihiin Ilaahayna uga baryayey in uu ka joojiyo dagaalada ka socda 18 sanadood ee u dambeyey ee Somalia dal iyo dadba naafeyey.

Reer Somaliland waxay muujiyen in ay ka midha dhaliyeen  qadiyadd oodii gooni isu taaga oo aanay maanta ku jirin dhicid iyo dheeli, taasaana keentay in ay si isku kalsooni iyo han ku jiro u dhaqmaan dadka uu magacu ka dhexeeyana dib u jaleecaan. Dadka reer Somaliland way jecel yihiin in ay iskaashadaan dadyawga ay magaca wadaagaan iyaga oo ah dawladdo deris ah. Balse waxa la iswaydiinaya in ay reer Somaliland xejin karaan guusha ay dhaliyeen iyo in caadifadi qaadi doonto sidii lixdankii, iyaga oo maanta aan arrinkooda meel ku tiirin ayey u gacan haadinayaan meelo kale. Waxa iyaduna muhim ah in la iswaydiiyo waxa isbedelka reer Mogadishu ku salaysan yahay. Ma horseed aqoonsiba, ma hagardaamaa. Ma laga yaabaa in ay Somaliya aqoonsado Somaliland, mase dhici kartaa in ay Somaliland mar labaad u baaqdo oo soo noolayso Somaliweyn, taas oo arrin maanta suurtagalkeedu aad u adag yahay ah kana hirgeli karin dadyawga Somaliyeed dhexdooda, isbedel cusubna ku keeni karta siyaasadda Geeska Africa. Dawladaha deriska ahina aanay jeclayn, laakiin haddii ay taasi suurtagasho lagaga badbaadi karo burbur waara iyo qorshaha qarsoon ee ay dawladdo waaweyne ka leeyahay geeska Afrika. Waxa kale oo lagaga gaashaaman karaa siyaasadda cadawga ah ee taariikhaysan ee diirada lagu saaray dunida muslimka. Dal Aqoonsi marka laga la hadlayo dawlad baa dal aqoonsata ama diida, laakiin is qaderinta iyo xidhiihdka dadka dhex mara wuxu keeni karaa is afgarad, wuxu keeni karaa is-faham laba dal, dano badan baana u jirta in ay laba dal oo deris ah iyo laba dad oo ay waxa badani ka dhexeeyaan uu dhexmaro is afgarad.

Iyada oo gooni isu taaga Somaliland aano baayactan iyo ka noqosho lahayn, ayaa haddana is faham iyo wax wada qabsi iyo saaxiibtinimo dhex mari karaa dadyawga Somaliyeed ee ku dhaqan dalalka Geeska Africa.

Waxan qabaa in isbedelka ay muujiyeen labada dhinac waa reer Mogadishu iyo Somaliland uu bilaw u yahay isku soo dhawaansho dhalin karaa midho wax ku ool ah. Waxa aan soo dhaweynaya oo si sharaf iyo qaderin leh uga gudoomaya ururka "Hawiye Action group" Hambalyadii iyo hadalkii bogaadinta ahaa ee ay u soo direen reer Somaliland 18 May 2009.

Haddii aynu eegno dagaalka ka socda Magaaladda Mogadishu ee ay in badan bulshada caalamka isku dayday in ay joojiso, hase ahaate loo taag waayey oo noqday guri xidhan oo furihiisi lumay. Furahaas lumay oo laga deyo meel aanu oolin oo fog. Furaha lumay ee arrinta Somaliya ma yaal Maraykan, yurubta galbeed iyo dalalka Carabna midna. Wuxu yaal meel ka dhaw, waa Somaliland, waxase loo baahan yahay garasho iyo geesinimo runta lagu wajaho ee u baahan xoog, ciidan iyo dollar badan. Waqti dheer ayey dawladihii kala dambeyey ee Somaliland u baaqayeen qab- qablayaasha ku hirdamaya madaxtinimada Somaliya, oo loo soo jeedinayey talooyin iyo tusaale looga dan lahaa in lagu joojiyo dagaalka ka socda Mogadishu.

Madaxwenyne Hore ee Somaliland Marxum Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, Alla ha unaxriiste wuxu ugu yeedhay in uu gogol u fidiyo reer Somaliya khilaafaadka dhex yaal halkan ku dhameystaan. Balse arrintaa dheg looma jalaqsiin dhibaatadina weli halkii bay taagan tahay. Meel kasta oo ay joogan dadka reer Somaliland aad bay uga murugaysan yihiin dagaalka ka socda Mogadishu. Dagaalkaas waa in uu istaaga, dadka Reer Somalilandna ay u fidiyaan reer Mogadishu talooyin iyo taageero kaleba ay ka reeban yihiin hub iyo dagaal. Gacmaha shisheeye ee ku jiraana ha ka baxaan oo ha loo daayo in ay dadkaasi ka tashadaan mustaqbalkooda.

Waqtigii xuma ee haystay dadyawga Somaliyeed boqolaalka sanadood weli kama kicin dabka keliya ee iftimayaana waa Somaliland, kolkaa waxay tahay in ay dadyawga Somaliyeed ka faa'iidaystaan Somaliland waaya aragnimada iyo horumarka oo ay ka daayaan lug-jiidka dadka reer Mogadishu nabad baan u rejaynayaa.

Guul iyo Gobanimo Somaliland

 


Ismail Ali Ahmed

ism-ahm@online.no