Daadkii Ugu Faraha Badnaa Ee Soo Mara Toga Burco Tan Iyo Inta La Xasuusto Daawo Sawiradani

 

Biyo xoog badan oo ku socda xawli aad u dheereaynaya, oo sameeynayay guux weyn, ayaa shalay 12:00 duhurnimo mar kaliya soo wada jeediyay
dareenka dadkii iyo gaadiidkii dhexmarayay Biriijka weyn ee magaalada Burco.

Ma jirin waqtigaa wax roob ah oo ka da'ayay magaalada, balse maalmihii u dambeeyay ayaa subaxnimada hore ee shalay waxa da'ayay roobab biyo dhig sameyay, haseyeeshee waxa daadkan xoog lihi ka soo rogmadeen dhinaca Buuraleyda Golis oo habeen hore ilaa shalay ka muuqdeen daruurta biyaha xambaarsan ee ka dul hooraysa.

Toggan Burco oo ah mid aad u dheer, soona dhexmara tuulooyin badan oo ku hoos yaal buuralayda Golis ayaa warar aan la xaqiijini waxay sheegeen in tuulada Wadhan ee dhinac galbeed ka xigta Burco, kana mid ah tuulooyinka uu togani dhexmaro uu daadkii soo rogmaday duhurnimadu soo qaadeen nin iyo laba Awr, balse ma jiraan warar caddaynaya ilaa hadda.

Daadkan xoogan leh ee dhexsabaynayay Togga weyn ayaa soo jiitay indhaha dadweynihii Burco, kuwaas oo u soo daawasho tagay, maadaama aanay hore u arag Togga Burco oo biyo quwadan lihi ay duhurkaa marayaan, dadka qaar ayaa sawiro ka qaadanayay, qaarna waxay ka duubanayeen kamarado, iyadoo si weyn loogu hadal hayay goobaha laysugu yimaaddo

Badanaa Togga Burco ayaa soo rogman jiray xilliyada habeenkii oo aan dadku si aad u ogaan jirin,o o subaxnimada la arki jiray togga daad maray habeen hore. Biyaha shalay dhex qulqulaya togga ayaa lagu sheegay inay ahaayeen kuwii ugu badanaa ee muddo sannado ah soo mara, waxayna soconayeen ilaa xalayto, iyagoo awooddii biyaha aan waxba iska baddelin.
Haddaba, Togga Burco ayaa shalay u muuqaal ekaa sidii wabi yada ayaa waxa Isweydiintu tahay Biyaha Qulqulaya ee intii Burco jirtayba soconayay, socon doonana , maxay bulshada Togdheer uga faaiidaysan weyday? Goormayse ka fai,idaysan doonaan, mar haddanay jirin xukuumad uga faa'iidaynaysaa, hay'addaha samafalkuna aanay waxqabadkoodu ahayn Horumarin ee uu yahay tababaro iyo wax aad dhaamin

Waxa kaliya ee Biyaha Dooxa Burco ka faaiidaysan jiray wakhtiyadii hore waxay ahayd Beeralayda Tuulada Beer oo ku taala goobta ay ku baahan biyahu, kuwaasoo ugaga faaiidaysan jiray beeritaanka hadhuudhka. Balaca toga ayaa lagu sheegaa qiyaas ahaan inuu yahay ilaa 50 mitir iyo in ka badan, waxaan lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu dhaadheer, waana astaanta lagu yaqaano magaalada Burco.

 

 

 

Reported by Keyse Axmed Digaale
Burco, Togdheer
Somaliland
Kdigale@yahoo.com