Daad
xoog leh oo marayay Togga Weyn ee Burco oo Qaaday Laba Iska Rogo iyo
Bas

Burco (TNN)- Daad aad u laxaad badan oo marayay toga weyn ee Burco,
ayaa la tagay oo qaaday 3 Baabuur oo laba ka mid ahi yihiin
Iska-rogooyinka ciidda gura,halka Baabuurka kalena uu ka ahaa Bas
yar oo ay leedahay D/hoose ee magaalada Burco.
Inskatoo magaalada Burco aanay ka
di’in wax roobab ahi ayaa haddana daadkan khasaaraha gay stay
ay ka soo rogmadeen buuralayda golis oo maalmihii u dambeeyey ay
roobab culusi ka da’aye en. Ma jiraan cid ku dhimatay ama ku
waxyeelooday gaadiidkan daadku qaaday oo wakhtigaas ku sugnaa
badhtamaha dooxaas weyn ee Burco.
Ku xigeenka Duqa magaalada Burco mr. Axmed Cabdi Falaay, oo ka
hadlay arrintan ayaa sheegay inay awoodi kari-waayeen badbaadinta
gaadiidkaas maadaama aanaan haysan qalabkii loo baah naa ee
gaadiidkaas lagu badbaadin lahaa, isla markaana daadku ahaa mid u
soo rogmaday si kadis ah ayadoo magaalada wax roobab ahi aanay ka
di’in.
Sidoo kale, qaar ka mid ah
beeralayda Burco ayaa iyaguna sheegay inay daadadkani ay khasaare
weyn u gaysteen dalagii beeraha oo ay la tageen waxyaalihii aannu
beeraha ku beeray ama aannu ka goosanay. Beeralaydan ayaa ka
codsatay xukuumadda cusub inay gacan ka siiso khasaarahan ay
daadadku u gaysteen.
Masuuliyiinta Maamulka Togdheer,ayaaBulshada iyo gaadiidleyda ugu
baaqay inay foojignaadaan Dooxa Magaalada,madaama ay lagu jiro
Wakhti roobaad,Islamarkaana Buuraleyda Golis ee Dooxani ka soo
Rogmado ay ka da,ayaan Roobab Culusi.
Daadkan saaka ka soo rogmaday toga weyn ee magaalada Burco ayaa
noqonaya, kii ugu ballaadhnaa uguna xoogga badnaa ee soo mara toggan
sannadihii u dambeeyey, isla markaana gaysta khasaare intaas le’eg.
Source: Togdheernews
|