Cuqaal Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Reer Xareed oo sheegay in Dariiq khaldan loo maray Heshiiskii Shalay ee Ceelbardaale

 


Hargaysa January 5,2010 (TNN):-Cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda Gobolka Gabiley ayaa jawaab kulul ka bixiyay warar la xi dhiidhay heshiis la sheegay in ay shalay wada gaadheen labada beelood ee isku haya deegaanka ceel bar daale,iyada oo uu heshiiskaasi ka dhacay xarunta Madatooyada somaliland,waxa kale oo ay cuqaashani s heegeen in qaab aan sax ahayn oo khaldan loo maray heshiiskaasi.

Cuqaashan iyo waxgaradkaasi waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Huteelka Fish and Steak House ee magaalada Hargeysa waxaanay caddeeyeen inay soo dhaweynayaan in deegaan ka Ceel bardaalle colaada ka taagan la soo afjaro, iyagoo xukuumadda Somalilandna ku bogaadiyay dedaal ada nabad raadinta, hase yeeshee waxay ka biyo diideen qaabkii loo agaasimay qorshaha nabadeynta la badaas beelood ee shalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Caaqil Nuur Cilmi Samatar oo ka mid ahaa odayaasha ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee maanta shirka  jara a'id qabtay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadgelyada kana wada  hadle en xukuumadda waxase uu ku dooday in arrintii Salaasadii la shaaciyay aan laga qeyb galin  madax dhaqa meedka beelaha " waxaa la yidhi xeer ma lumo hadduu lumana ma soo hoydo,waxaaanu maanta saxaynaa arin shalay lumay oo nabad geliyada wax yeelaya ayaanu halkan kaga hadlaynaa oo shalay saxaafadu ba ahisay,anagu nabad geliyada waanu jecel nahay madaxwaynaha iyo ku xigeenkaba waanu is aragnay wax aanu u balan qaadnay in aanu nabad geliyada qaadanayno,arintii shalay dhacday waxay ahayd nabad gel iyadii oo la lumiyay ayaanu raadco ugu jirnaa waxa aanu leenahay ha lagu soo celiyo wadadii loo maraya y,labada beelood waxay leeyihiin masuuliyiin cuqaal iyo odayaal waxaa la yidhi ragu waa nin kugu maqan iyo nin kaa maqan,cida nabada balan qaaday ee shalay saxeexday waa cidii nabada ku soo maqnayd,halk eedii in lagu soo celiyana diyaar baanu u nahay".



Caaqil Maxamed Cige Geele (gaydh) oo isna shirkaasi jaraa'id ka hadlay wxa uu yidhi " waxaanu halkan ka ga hadlaynaa war shalay la baahiyay arin khaldamay oo aan meeshiisii haysan ayuu ahaa wixii ka dhimana anagaa saayna,calaamad markay u noqotay in aanu nin keli ahi waxna saxeexi karin waxxna lahayn, oo oday dhaqamedyada iyo cuqaasha beelaha aanu nahay aanay u dhamayn,arinkaa dib ayaanu ka saxayna a berito haddii Alle yidhaahdo".


Oday Cumar Barkhad oo is halkaasi ka hadalay ayaa sheegay in ay bad doonayaan madaxwaynaha somali land Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay arintan iska arkeena ay u sheegeen in ay nabad doonayaan wxaanu yidhi " anagu nabada hore waanu u qaadanay madawaynaha waanu is aragnay cuqaasha iyo salaadiinta subeer Awal oo dhan waanu is aragnay mid walbana waaanu ku kala tagnay nabada waanu qaadanay imi kana diyaar baanu u nahay,hadaba dawlada waxaanu u sheegaynaa arinka shalay lumay in aanu horta qo fna yeelan karin wadan kelidiina saxeexi karin arinku arin qabiil buu ahaa qabiil baanu khilaafku u dhexeeya y,qabaa'iladii khilaafku ka dhexeeyay salaadiintoodii iyo odayaashoodii shalay cidi kama joogin,raga haws haa galayna rag muraad leh ayay ahaayeen".


Cuqaasha iyo odayaasha shirkan jarr'id maanta qabtay waxaa ay magacyadoodu ahaa yeen Caaqil Yaasii n Caqli Nuur,Chief Caaqil Aw yuusuf Magan,Caaqil Nuur Cilmi Samatar,Caaqil Maxamed Cigge Geele (gaydh),Oday Cumar Barkhad,Caaqil C/laahi qalinle Fariid,Oday Aadan Barkhad,Ibraahim Araar Mixile,Maamed Taa ni Geedi ,waxaanay dhamaantood sheegeen inay soo dhawaynayaan wada hadalada iyo nabadda waxase ay ku baaqeen in cuqaasha iyo madax dhaqameedka laga qeyb geliyo.

 


_____________________________



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacade News Desk
Hatgeysa Somaliland