CUNISTA QAADKA OO KU SOOB ADANAYA DALKAN SWEDEN

 


Cunista qaadka ayaa in badan uu madnuuc ka ahaa dalkan iswidhan ilaa mudo laga joogo 22 sano ayaa dawladan SWEDEN go aan kaqadatay inay mad nuucdo iibinta iyo cunista geedka qaadka isla markaana waxay dajisay xeer ciqabeedka qofka lagu qabto isagoo sita qaad  taa soo xukunka lagu jaangooyay miisaanka xadiga uu sito cunis ama iibin miduu doono ha u sitee.

Hadaba ilaa wakhtiga waxa bolisku uu qabtay dad aad iyo aad ubadan oo iskugu jira SOMALI iyo ajaanibkale laguna maxkamadeeyay iyagoo mutaystay xadhigyo kala duwan.

Ajanibka lagu qabtay ayaa iyagu ahaa qaar ay adeeg sanayeen somalidu marka ay  xuduud aha ka talaabinayaan ama ay kasoogalinayaan dad kaa qar kood waa muwadiniin SWEDISH ah ama dawladaha jaarka udhashay

SIYABAHA UU QAADKU U SOO GALO DALKAN SWEDEN:

Qaradan yurub waxa uu qaadku simadax banaan usoo galaa laba wadan oo kala ah Dalka  H OLAND iyo dalaka BRITIEN (UK) hadaba dalkan SWEDEN oo aan xuduud lalahayn labadaa dal midna ma hawlyara in SWEDEN lakeeno qaadku. Dadka kaganacsada iibka qaadku waxa ay intabadan kakeenaan dalka HOLAND oo ugu hawlyar dalka UK intabadana waxa ay soo  mari yaan dhulka iyagoo kasoo gud biya xuduudo badan sida GARMALKA iyo DANMARK iyadoo ay labadaa wadan ee lasoo dhex marinayaba uu mad nuuc ka yahay. Xadiga ugu badana waxa uu kayimaad dalkaa HOLAND 90%. Waxa kaloo qaadku kasoo galaa dalka UK oo lasoomariyo cirka lagana soo dajiyo eribadada dalka situuga ah inkastoo uu yaryahy qaadkaa kayimaada UK. Waxa hadaba baryahay uu sixawliya usii kordhaya cunista iyo iibka qaadka iyadoo tuulo ilaa magalooyinka waawayn aad looga cuno wakhti walbana lagahelikaro waxa kaloo  bilaab may tartan xaga suuqa ah oo u dhexeeya dadka ka ganacsada qaadka ama soo galiya iya doo ay magacyo ku soo xardhaan waraaqda ka hoosaysa galka jaadka (caleenta muuska) ee cad ee looyaqaan XAFAYADA magacyadaa oo ay ka mid yihiin SHEEKO,LAND,GOLJANO,CABAAS,ALAYAQAAN IYO ALBAABADA FURAN iyo walibana qarkaloo badan.

Hadaba mar aan wax ka waydiiyay nin ka mida dadka aad uga ganacsada qaadka oo iga  cod saday in aanan magaciisa qorin laakiin aan ula baxay MR-X waxa uu ii sheegay in ay heleen farsamooyin badan oo xeeladaysan ku soo galiyaan qaadka dadc usubna ku soo biiraan ka ganacsiga qaadka xaga dumarka ha ubadnaadane MR-X isagoo siiwata hadalkiisa waxa uu iiga sheekeeyay in maalin walba xuduudaha SKANDANVIANKA usoo gudbaan ilaa 200 jawaan oo ay ku jiraan min 100xabo dadka cunaana ubadan yihiin somali waxa islamarkaa boliska wadanadaasi qabtaan in ku dhaw intaa gudubtay maalin walba oo ay jeelasha u taxaaban dadka ka shaqaynaya gudbinta iyo iibintaba hadaba iyadoo uu xaal sidaa yahay maliba  mali nta kadanbaysa waxa sii kordhaya Qaadka soogala dalka sweden

Waxa iyana suuqa xaami ka dhigay shaqo la aanta ka jirta dalkan SWEDEN oo halkii ay dad ka qaar ka cunijireen 1 mar weegii ay ka cunayaan maalin walba waxa kaloo ad arkaysaa  qa ad ka oo kuwalatigiisi la soo hagaajiyay freshna uu ku imanayo qiimahiisiina hoos u dhacay taas oo ay sabab u tahay tartanka xaga suuqa akhristoow rumayso ama harumaysan SWEDEN ayaa ka qaad wanaagsan dalka UK oo uu fasax yahay cunista iyo iibinta qaadku

 



QORE: ABDILAZIZ SHABEL