Colaad 42
sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis
laga gaadhay

Laba Beelood oo mudo 42 sanadood
ah ay u dhexaysay Colaadi ayaa lagu guulaystay in Maalintii Shalay
la soo afjaro, Ka dib markii Guddi iskeed isku xilqaanatay ay ku
guulaysatay in markii u horeysay ay isa-soo horfadhiisiyaan labada
dhinac ee colaadu u dhaxay mudada dheer.
Shir ballaadhan oo lagu qabtay Huteel Barwaaqo ee magaalada Burco 25
Feberweri ayaa laba iyo soddon xubnood oo isugu jira cuqaal, culimo,
waxgarad iyo dhallinyaro oo ka kala socda labada beelood laysku soo
horfadhiisiyay si fool-ka fool ah markii horraysay, iyagoo ay goob
joog ka ahaayeen Salaadiin, Culama-diin , Masuuliyiinta Gobolka iyo
gudigii dhexdhexaadinta.
Shirkan oo socday muddo tobon maalmood ah ayaa7/3/09, waxa layska
gaadhay go’aan ka kooban saddex Qodob, kuwaa soo lagu soo
gunaanadayo Colaadii muddo dheer dhex taalay beelaha walaalaha ah.
labada dhinac ee colaadu u dhexay oo ka tirsan degaanka Togdheer,
ayaa ka soo kala jeeda beelaha Guutaale Caynaashe (H/Yoonis) iyo
Khaalid (Dhulbahante), waxayna labada dhinacba soo dhoweeyay
go’aanada laga soo saaray shirka kuwaa soo kala ah.
1-Dhacdada Koowaad: Ninkii Gaadhigu jiidhay 1966-kii ee dhibaatadu
ka bilaabantay waxaa lagaga heshiiyay, oo laga xukumay 50 geel ah oo
hashiiba ku qiimaysan tahay $150 dollar, 35 halaad oo ka mid ah waxa
qaaday guddigii dhexdhexaadka ahayd si hawsha loo fududeeyo, 15
halaad ee soo hadhayna waxa bixinaya ardaaga reer Guutaale, waxaanay
ku bixinayaan mudo sadex bilood ah oo ku eg 31 May 2009.
2-Dhacada labaad: Marxuun la dilay oo ninkii dilay dawladu ay
qisaastay waa la isku tuuray oo waxba lagama soo qaadin.
3-Dhacdada Saddexaad: Nin lagu dilay magaalada Burco sanadkii
1999kii, waxayna Reer Guutaale balan qaadeen inay bixinayaan Magtii
ninkaa oo ah Boqol Halaad oo dhogorleh, kuna bixinayaan mudo afar
bilood ah oo ka bilaabmaya 1-3-09, kuna eg 1-7-09.
Go’aankan oo ay saxeexeen 32-Xubnood ee ka kala socday labada dhinac
ayaa waxay balan adag iyo Axdiba ku qaadeen in colaadii muddada
dheer u dhaxaysay ay halkaas ku dhammaatay oo wax dambe ka soo
noqonayn, waanna ballan Ilaahay hortiisa lagu sameeyay, ciddii wax
dambe ka soo celisaa ayaa qabta wixii ka yimaada oo masuul ka noqon
doonta, Ilaahay hortiisana waa lagula xisaabtamaya.
Magacyada u saxeexay Beesha Khaalid:
Chief-caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye, Xaaji Axmed Cali
Sacad, Maxamed X. Diiriye, Cali Maxamed Diiriye, Cabdi Axmed Diiriye,
Muxuyadiin Cismaan Xaaji Diiriye, Shaafici Cabdiraxmaan Axmed,
Qorane Yuusuf Diiriye, Cabdillaahi Axmed Diiriye, Xaaji Macow Axmed
Cali Sacad, Cismaan Aadan Aar iyo Xubno kale.
Magcyada u saxeexay Beesha Reer Guutaale:
Caaqil Axmed Iidaan Yuusuf, Sh.Yuusuf Maxamed Cige,Cismaan Ismaaciil
Yuusuf, Cali Dhawaaq Cabdi Xuseen, Maxamuud Cabdillaahi Axmed (Hugur),maxamed
jaamac maxamuud xayd,c/naasir Cabdilaahi Faroole,J aamac Shawr Cilmi
Cigaal, Mahad Muxumed Ducaale Maxamed, Cali Faarax Maxamed Xayd,
Axmed Caydiid Warsame (Nabadshe) iyo Xubno kale.
Xubnaha Gudiga Dhexdhexaadinta:
Ciise Garaad Soofe, Xaaji Xasan Xaaji Maxamuud Guuleed, Cabdirashiid
Cumar Cabdiillaahi Cismaan Ibraahin Faarax iyo Xubno kale.
Tallaabadan lagu soo afjaray colaadan mudada dheer soo taxnayd ee u
dhaxaysa Beelahaas ayaa ka dambaysay, sida uu xaqiijiyay Xaaji Xasan
Xaaji Maxamuud Guuleed in markii bishii April ee sannadkii tegay,
Gudi iskeed isku xilqaantay oo uu ka mid ahaa ay bilaabeen
Arintan,Islamarkaana u kala dabqaadeen dhinacyadu colaadu dhextiilay,
dadaalbana u galeen, balse ku guulaysteen inay soo afjaraan colaadii
dheerayd ee sahayatay dadbadan oo ka soo jeeda dhinacyadaas, waxa uu
Xaaji Xasan u mahad celiayay Garaad Soofe, Cabdirashiid Cumar
Cabdilaahi iyo Cabdillaahi Shariif oo hadda ku sugan Cariga
Maraykanka oo iyagu kaalin weyn ka qaatay dhammaynta colaadan, waxa
uu Xaaji Xasan ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay hor ilaahay
u heshiisiiyaan cidii ama beelihii ay dhibaato kala dhextaal taasoo
khayrka iyo wanaaguba ku jiro.
Sidoo kale waxa heshiisiintan labada beelood goobjoog ka ahaa xubno
ka mid ah salaadiinta reer Togdheer oo ay ka mid yihiin Suldaan
Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan
Cabdiraxmaan Qodax, Sheekh Mustafe Aadan, Sheekh Faysla Cali Faarax,
Cuqaal, waxgarad iyo masuuliyiinta Gobolka Togdheer.
Sannadkii 2006-kii ayaa iayana lagu guulaystay in la soo afjaro
colaad muddo Lixdan sanadood ah u dhaxaysay laba beelood oo ka mid
ah beelaha degaanka gobolka tgdheer, taasoo iyana ay horsed ka
ahaayeen xuno iskood isku xilqaamay, islamarkaana aanay wax gacan ah
ka gaysan Heshiintan Beelahan xukuumada Somaliland.
Jamhuuriya Online
|