CODSIGA DEEQ BIXIYAASHU WUXU KHUSEYA GUDIDA KOMISHANKA, EE eyney sheekadiinu noqon JUBA YAA GUBEY

 

Bulshweynta JSLand inta inuu daneyneysa jiritaanka JSL, waxa waajib muqadsaha ku ah iney ka garnaqaan oo ey aragtidood ka dhiibtan, sababahan keeney dibu dhaca komishanku dib ugu dhigay doorashooyinkii madaxweyaha iyo kuxigeenkiisa lagu soo dooraneyay bishan March 29.

Maalmahii eynu soo dhaafney waxey saxaafadu qoreysey doodo iskhilaafsan iyo warwar badan oo runtii nabadgalyada waxweyne u dhimi kara,

Haddaba aakhristow eynu ka shiidal qaadano wararkaasi iyo doodahaasi meesha ey sartu ka qudhunsantahey oo eynu isku deyno bal in eynu wax ka indhaahno xalada cakiran ee u dalkeenni maanta ku sugan yahay.

Arinkan maanta ka dhex oogan xisbiyada qaranka iyo komishanka qaranka, runtii waxa inagu waajib ah in eynu aragtideenna ka dhiibano o ey garab istaakno hey'adii sharciga u hogaansan haddii ey yihiin xisbiyadda iyo haddii ey tahey komishanka qarank-islamarkan runto loo kala sheego oo aan laga warwareegin kooxda ama hay'ada dalka nabadgaliyo xumada iyo dhibato iyo khalkahal dooneysa in ey dalka galiso ama abuurto.

Haddii aan dib inyar ugu soo laabtyo ujeedadeyda iyo aragtideyda ku saabsan labadan hay'adood ee kala ah Deeqbixiyaasha iyo Interpeace iyagu waa laba hay'adood oo ka madax banaan islamarkaan aanu khuseyn distorkeennu, sababtoo ah Deeqbixiyaashu waxey u baahan yihiin wax cad o loola yimaado iyo wixi shuruud ah ee ey codsadan oo si sharcigooda waafaqsan loogu jawaabo ama loogu soo gudbiyo haddii shuruudahaasi iyo codsiyada deeqbixiyaasha laga soo bixi waayo waxa hubaal ah in aney doorasho qabsoomi doonin, haddii ey gudida doorashadu xilkeeda gudanweydo, qoladan iyadu interpeace waa sharkada kontrakagan qaadatey oo iyadu maaha carqad sidaasi u sii weyn ee waxey u baahan yihiin uun in amar la siiyo oo la yidhaahdo waxaase dhiman ee soo dhameya iyo iwm.

Haddaba aan aakhristow u soo biyo dhaco ama u soo daadago aragtideyda ku saabsan arimahan iswadagaley
mudooyinkan ugu danbeya markii aan meel kaste ka eegey halka ey sartu ka qundhansatahey waxna uga socon la'yihiin, waxa i soo baxday in ey tahey kulu fidmo cinda GUDDIDA DOORASHOOYINKA nambar 1 oo ah hay'adda mas'uuliyada dibu dhaca hawlahan leh doorashooyinkii dib loogu dhigay ee loo balansana 29 march.

Sida u sharciga ku cad ee u dhigayo waxa xaq u leh in ey dib u dhigan doorashooyinka Gudida Doorashooyinka qaranka laakin waa in ey la yimaadan sababo iyo duruufo macquul ah oo jira xiliga doorashadu dhici doonto, sababaahso noqon doona mid xisbiyada iyo shacabka u cuntami karta.

Laakin waxa meesha ku jirta ama ka muuqata xilgudasho la'aan baahsan oo gudidu mas'aal ka tahey iyo fursadii iyo waqtigii ey heysteen oo si fiican uga faa'iideysan kari waayen waqtigaaso runtii aad iyo aad ugu filnaa oo ey hawlkaste kaga bogan kari lahayiin, arinkaasi waqtiga khuseya ee ay ka faa'iideysan kari waayen waa mid axsaabta iyo shacabka u liqi kari la yahay.

Waxakaloo jirtey mudadaasi ey xilka hayeen ismaandhaf dhexdoodaha oo maamul oo waxa eynu ognahey dhawrkii gudoomiye ee iscasiley, arinkaasi iscasilaaduna wuxu horseed ka yahay oo inoo muujinaya in ey gudidu aaney laheyn qaar wada shaqeyn iyo kalsooni dhexdooda ka jirto, taasina waa mid aaney jecleysan axsaabta iyo shacabkuba iscasiladaasi dhawrka jeer dhacday.

Mudadii yareyd ee koobneyda ee u socday barnaamjkii diiwangalinta wuxu ah mid runtii isna ahaa mid aan sidii la doonayay loo hirgalin ama loo maamulin oo ila maanta xumxumtisi badantahay oo ey gobolo badani aaney ku qancaseyn natijooyinkii soo baxey, taasina waa qodob kaloo aaney kuwad qancsaneyn axsaabta qaranku iyo shacabweynuhba.


Waxa iyan aan la aqbali kari wareysidii badana ee ey saxaafada iyo warbaahinta siineyeen intii ey xilka hayeen oo waliba ay ku adkeysaneyeen in ey suurtagal tahey in la qabto doorashooyinka 29 march taaso eyna marna shaki galin, waxa inooga iftiimaya wareysidaasi ey siinayeen saxaafadda aney gudidahaanba aney la socon waxqabadkood, iyo gartidoodu inta ey gaadhsiisan tahey, haddii ad warbixin bixineyso waxa muhin ah inaad ogtahey waxqabkaaga iyo inta aanad warbixinta siinin saxaafada ama warbaahinta.

Waxase wixi hore odhan isku fuuqsatey shuruudahan cusub ee ey soo jeediyeen deeqbixiyaashu o odhaneysa waxa loo baahan yahay in la soo gudbiyo XISAAB XIDHKII KHARASHAADKII HORE e ku baxey diwaangalintii, arinkaasi xisaab celintu waa imtixanad lagu ogaado hay'adaha soo codsada deeqaha ey hawlahooda ku mareynaya ee ey xaq u leeyihiin, haddaba aakhristow hey'adii sidii loogu talo gali codsigaasi ku saabsan xisaab xidhka uga soo bixiweyd ee laga waayo xisaab celi xaqiiqda ku saleysan iyo waxqabadkoodii, waxey muteysdaan in laga xanibo wixi xisaab aha e loogu talo galey in ey ku fushadaan hawlahooda danbe, sidaaseyna ku fashilmaan.

Qodobkaasi xisaab celinto waa mid aad ugu adag bulshaweynta soomaliyeed meelkastooy joogto ba islamarkaasina waxad mooda in eynaa habayartaate wax khibarad ama aqoon ah u la heyn sida loo celiyo xisaabtii hore ee ad qaadatey, laakin waxeynu aad ugu xarfaan nahey ama aynu aqoon fiican u leenahey sida lacagta loo qaato loona saxeexo.

Arinkaasina wuxu markhaati u yahay in ay gudida maanta ee komiskana doorashooyinka loo igmadey ey mas'uul ka yihiin dib u dhacaasi ku yimid doorashooyinkii dalka ka dhic lahaa xiligii loogu talogaley oo aan ila maanta la siin deeqbixiyaashi xisaab celintii ey soo codsadeen.

Waxakaloo maanta inoo muuqata oo meel laga maraaba aney jirin dalabkaasi ama codsigaasi ey deeqbixiyaasho soo gudbiyeen e ah xisaab xidhkii hore loo soo gudibiyo mooyane aan xisaab danbe loo fureyn oo aynu doorashooyinka lagu qabto, sida aan filayo gudida komishanku aad bey ula socdeen shuruudaasi iney soo bixi doonaan oo ay deeqbixiyaasho soo jeedin doonan ama soo dalbaddoonan marka loo diyaar garoobayo doorashada madaxtooyada xiligeeda, taasina waxey ku noqoneysa gudida doorashooyinka caqabadweyne oo soo foodsarta waan arin eynu odhan karno waxey ka mid tahey sababaha dib loogu dhigay doorashada maadaama aan la heyn ba xisaab xidhka kharashkii diwaangalinta lagu talo galey

Haddaba ma laga yaaba in ey gudida doorashooyinku in ey iyagu dooneyan in ey xaafiska si joogan mudo 3bilood oo kale oo ey intaasi cimir dheerer ka sii dhiganeyan, si hawlahoodan ey xal ugu helaan oo ey iska furdaameyan arimahan xisaab xidhka ah ee laga rabo, waxwalba ka yaab aakhristow.

Marka ey xaaladahan oo kale la soo gudbanadaan hay'adah iyo ashkhaasta ku tagrifasha hawlaha qaranka labo arimood bey mid uun sameyan marka hore waxey ku dadaalan iney fasax ka galan xafiiskii iyo shaqada ey ka indho ka qarsadaan. maalmahaasina waxey u jecl yihiin oo ey niyada ka doonan in ey gubato meeshuba si aan danbi loogu raacin, waxan la wada socona hey'ado badan oo markii laga codsaday xisaab celin xafiisyaddii dab sudhey-

Waxa iyan xusuus mudan sheekadii iyo murtidii qoslo ka iyo xaqiiqda ku saleyseyd ee u yidhi IBRAHIM ADEN - IBRAHIM LANGADHE oo ka mid aha asaasyaashii kooxaha kubada cagta ee gobolad waqiya lixdanaadkii oo runtii ah nin aad u karti badan oo ku wanaagsana sida loo maamulo kooxaha kubad cagta, ibrahim wuxu ka mid ah kooxdii Musiga, markii danbe loo bixiyay Herher star, waxakaloo u aha Ibrahim ah xisaabiya ama maamule xaafis. Waxa dhacday xili loo badalay tuuladaasi Bandarwanaag, inuu maqlaya Ibrahim hanti dhawrkii eyaa ku soo fool leeyahay xafiiska oo shaqaduba maanta ey tahey baadhis lagu sameynayo xafiiskaasi loo badaley ee u ku cusub yahay isla habaankii ba wuxu dab qabsaday xafiiskii loo badaley Ibrahim, qoladii hanti dhawrka ey u timid xafiiskii o holcaya lagana soo saarey Ihrahim, oo dhawac badani ku yaalo, su'aalihii ugu horeyay ee la weydiiyay Ibrahim wax ka mid ah yaa gubay Ibrahim xafiiska, wuxu Ibrahim ugu jawaabey ADEER JUBA YAA GUBAY, waxkaloo jirtey xiligaasi in Hoteelkii weyne ee Jubo la gubay cid gubtiyan an la garneyni, ila maxkamadii sare ee la geyay Ibrahim wuxu ku adkeysaneya eryagaasi taarikhiga ha JUBA YAA GUBIYA waxanan maqlay Ibrahim waxa lagu soo daayay cafis madaxweyne..

Haddaba waxan sheekadaasi yar ee gaaban ee Ibrahim u soo qaatey, ma laga yaababa inta eynu UDUB ku jeedno in ey gudidan komishka qaranka loo igmadayba ey jecleysaneyan ama ey doorbidayan ba maanta in ey JSLand ba khalkhal gasho si ey nabad iyo nolol wanaagsan oo balaa xisaab xidh ah ugu sii sugnaadan gudidani ma laga yaaba marka ey xaalad xumi timado ILAAHEY NAGUMA KEENE in ey hadhow inoogu jawaaban marka ey dhib dhacdo XAMAR YAA GUBEY


Waxan haddaba aakhristow odhan laha sadexda xisbi xisbi qaran iyagu ku hirdameya kursiga ee isu ureya ee midba ka kale ku eedeynayo waxan jirin ama aanu hubin iney u midooban ama meel uga soo wada jeestan gudida komishanka qaranka oo ey dardar galiyan islamarkaan ey ku canaanatan hawlaahasi ay ka gaabiyeen iyo xilgudashu la'aantaasi ka muuqata hawlihii loo igmadey- sida xisaab celinta oo runtii noqon karta caqbadweyne oo keeni karta in aan la qabanba doorashadii madaxtooyada ee loo baahan in ey dhacdo.

Haddii kale u midooba in ad gudida doorashooyinka ku soo oogta danbi qaran oo ey galeen runtii muuqata in ey danbe qaran ku jiran oo ah xilgudasho la'aanta, khalkhal siyaasadeed oo ey axsaabtii ka dhex abuuren iyo shaki, hantidii diwaangalinta loogu talo galiy oo la baadigoobo xisaabteedii loona gudibiyo xisaab xidh deeqbixiyaashi codsiga soo gudbiyay, iyo natijooyinka iskhilaafsa ee ka so baxay serverkii diwaangalinta oo marba si wax u sheegaya.


Waxan runtii ka dareemey doodihii maalmahanba ka dhex socdey saddexda xisbi qaran iney raali ka yihiin hawlihii ey gudida doorashooyinku soo qabten intii ey xilka aheyen o runtii an anigu aaminsanahey iney gudidu doorashooyinku yihiin kuwa ama meesha bogtu ka qudhansantahey dibu dhacan doorashadana ey mas'uul ka yihiin iyagu, waxan odhan laha sadexda xisbi qaran u midooba in la badalo 7 xubnood ee gudida doorashooyinka oo caqbadaahaasi iyo khalkhalk siyaasadeed iyo dibu dhacaasi ey iyagu mas'uul ka yihiin.

Maalintii dhaweyd ee Deeqbixiyaasho soo codsadeen xisaab xidhkii kharashkii diiwaangalinta, waxey gudida doorashooyinku madax u saaren in ey gudbiyan xisaab xidhka kharashkaasi, waxey food u saaren xisaab celintaasi - hanti dhawrka qaranka, waa sheeko aad loogu qosla, waxan xusuusta in ey dawladuba ey maareyn kari ladahey xisaab celintii miisaneydihii sanadadii hore ee ina soo dhaafey oo ila hadda laga la yahay, taasu Gudoomiyaha komishankuna leeyahay hantidhawrka qaranka hawshaasi looga fadhiya, waxa meeshaasi ka cad in aaney deeqbixiyaasho furi doonin lacagtii ama qadarkii loogu talo galay in lagu maamulo doorashooyinka madaxtooyada.



Somaliland Guul Guul
 

 

 

Omar Daarood Xassan
Norway