Codkaaga Sii Madaxwayne Daahir Rayaale
Kaahin
 

Sidii la arkay doorashadii (Madaxtooyada ) ee tan ka horeysay, Madaxway ne Rayaale waa Hogaamiye dhiiran marka la eego go,aan qaadashadiisa Xaladaha qaar, Madaxweynaha ayaa sidii looga bartay marlabaad ku  dhiir aday in doorashada lagu qabto habka ay ku qabsoomi karto, oo ah habkii ay tii hore ku qabsoontay, waxuuna ku Dhawaaqay asagoo filinaya  Go,aan ka Gudiga Doorashadda in 27.09.2009 Doorashadda loo dareeri doono  ins ha, alaahu,

Madaxwaynahu waxuu Codkiisa Diiran ku cadeeyay in ay isga iyo Hogaanka sare ee Xisbiga udub ka go,antahay in la dhamastiro habka iyo Hanaanka Dimoqraadiyo ee markii horeba Xisbiga udub iyo Hogaankiisu bilaabeen.
Codka madaxwaynaha waxaad ka dareemaysaa inuu aad uga xunyahay, Doorashadda oo Sababo farsamo ama Sharci awgeed dhawr Dhawr jeer dib u dhacday, markaas waxaa kuu muuqanaysa Madaxwayne Rayaale inuu Marlabaad muujiyay Geesinimadii looga bartay marka ay tahay Dhinaca Doorashooyinka.

Waxaan Filayaa waxii intaas baaqi ka ah ee aan ahayn in aynu inagoo xor ah Hawsha u dareerno oo aan iska Caabino Mashruucan aad moodo kii Iran ee Telefonka Mobelka lagu hagayay iyo Dacaayadaha Dadka ka masayrsan Horumarkeena iyo Mabaadiideena ku dhisan Nidaamka Axsaabta badan.
Magaaladda Nairobi ee Dalka kenya oo ay ku sugan yihiin Madaxda Xisbiyadda Dibadjooga ah (Mucaaridka) waxaa laga soo bartaa sida Doorashooyinka loogu murmo oo Dadwaynaha loogu dhiibo Seefo, warmo iyo Godmo, sidii kuwii Kenya iyo Sinbabwe.

Xisbiyadeena qaarkoodna waxaad moodaa inay la soo tashanayaan Mr. Raila Odinga. Hogaanka Xisbiga Kulmiye waxay u egyihiin kuwo door biday inay si boob ah uga qayb galaan Maamulka ama Golaha wasiirada, maadaama aanay u muuqan Caalaamado muujinaya inay Madaxtinimada ku guulaysan doonaan ka dib codbixinta 27.09.2009 oo ah tii ay markii hore ku dhaarteen inayna maalin dib uga dhaci karin.

Sida uu iftiishay Mudane Daahir Rayaale Madaxwaynah Jamhuuriyadda Somaliland Doorashadda waa la qanabayaa (insha,alahu) sida loo qabanayo iyo goorta aan qabanayno inaga iyo Gudigeena Doorashadda ayay inagu xirantahay, uma baahna inaan Mr. Waye, Ronnenberg, ama Raila Odinga kala tashano. Xisbiyadeena aan uga yeedhano Hayga Musuqmaasaqa iyo isku dirka Afrika (Neiroobi). Kuna soo celino sidii caaddada inoo ahayd ee Gudoonka Dhexdeena iyo Geedka hoostiisa.

wadajir baynu wax noqonaynaa.

 


Omar C/karim Hersi (Xaaxi)
Email: Omarh@gmx.de