CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII 34naad
NACAS BAA WIXIISA LAGU LAALUUSHAA
Ahmed Arwo
Waxa la yaab leh sida macangagnimada ah ee Murashixiinta UDUB ay
ayaamihii ugu dambeeyey u muujinayaan xishood la'aan iyo ixtiraam
darro ay u hayaan muwaadinka iyo sharciga dalka. Waxa ay la
hortegeen bulshada Galbeedka Hargeysa inay si badheeedh ah ugu
yidhaahdaan...doqon baad tihiin oo waan naqaan in waxaan jrin oo
sharci darro ah aydun noogu sacbisaan...Waxay la hor yimaadeen
Arabsiyo waa degmo, Geedbalaadh waa degmo iyana waa degmo,,,waa
bilow ee waliba qaar kale ayaa ilaa dhowrkan cisho la magacaabi
doonaa, kolkaas ayaa lagu duceeeyey oo hantidaadii lagu bixiyey
wanqal aadna waad sacbisay...Ma illowday todoba sano ka hor iyo
balankii isla kolkii doorashada leydinka rabay ee ahaa Gabiley waa
Gobal, Oodweyne waa gobal iyo iyo...haye. Miyeyna ahayn maqli jiray
arki jiray
Murashixiintu lamay iman waxaasan qabanay sideedii sano aan
hoggaanka haynay waayo waxaan isku-dir, musuq iyo xabsi xaq darro
ahayn laguma xusuusan karo. Waliba waxa gobalada Gabiley iyo Awdal u
dheer sida ay isagu dayeen inay timaha isagu xidhaan oo colaad aan
meesha oolin loo dhexdhigo...ma aha labada gobal mid ku eeg ee
Gabiley gudaheeda weynu ka warqabnaa dadkii isku jeeniga ahaa halkay
kala marayaan. Awdalna ma fayoobe oo Saylac iyo Boorame kala kaxeeye
Waa dhaqan isticmaar iyo UDUB oon nidaamkaas waxba u soo raacin,
waxay murashixiinta UDUB isbaaro dhexdhigeen Magaalo Cad iyo Dilla.
Waxay iloobeen inayna ahayn isticmaar ee dalkan iyo dadkani yahay
koodii.
Waxaad ogaataa in Gabiiley iyo Oodweyne oo muddo dheer sugaayey
gobalnimo halkii sida ay u kala mudan yihiin loo kala hormariyo, ay
ka dhigteen in hab laaluush ah oo codkaaga lagu xado ay tiro weli
xidhmin oo socota soo magacaabaan. Ogow in dastuurku si cad u
muujiyey iyo sharciga degmooyinka iyo gobaladu inay xukuumaddu
leedahay soo-jeedin sababaysan oo xadideysan, gobalka iyo degmadu
xadkoodu cad yahay, deedna Golaha Wakiilada loo gudbiyo si ay amba u
diidaan amba u ansixiyaan.Magacaabidina waa mid afka ah ujeedaduna
tahay inaad noqoto xaabada dabka ay ku diirsadaan si shaqsi ahaan ah
lagaaga dhigto. Waa khiyaamada ma ku baraa iyo cirka eeg.Waa kursiga
igu celi, berrina sidaan doono ayaan yeeli. Hadda waa taqaan oo
sideed sano ayuu kursiga ku fadhiyey. Aqoonu kuuguma laaban.
Taas ooy ogyihiin ayey muraashixiinta waayey kalsoonidii dadweynahu
ay badheedh ugu tumanayaan. Haddaba muwaadin ma dooran kartaa ragga
iyagoo maanta kuu baahan oo codkaaga raba sharciga iyo dastuiurka
sida macangagnimada ah ugu tumanayaan. Maxaad ka fileysaa kolkaad
ushaada u dhiibto, sow si wacan jac kaaga siinmaayaan, sow intay
indhaha kaa xidhaan kugu odhan maayaan, doqonow magacaa be', ma
sheekadii ku dhisnayd riwaayadda nacas sidee waxiise loogu
laaluushaa ayaad run mooday.....maalintaadii waad garan weyday ee
afka laydha ka xidho...Waa jawaab aad filato hadday dabinka ay
dhigeen madaxa la geshid.
Dib u noqo oo xusuuso balamadii hore, fakir oo xusuuso waxay kuu
qabteen. Gobal mahadiyey ma jiro, degmo maqnaanshahooda tebeysaa ma
jirto, magaalo isku-dirkooda iyo kala qoqobkooda ka bedbaaday ma
jirto.Haddaan Hargeysa iyo galbeedkeed ka dhigto bir-tilmaameed. Ku
xusuuso Murashaxa Madax/xigeenka balamadii iyo shirarkii tirada
badnaa ee uu Wajaale, Allaabaday, Arabsiyo, Gabiley iyo dhammaan
tuulooyinkooda uu kal hore iyo sanadkii ka horeeyey, iyo doorashadii
barlamaanka iyo kuwii ka horeeyey uu isagoo ereyo diin ah ku
qorxinaayaa uu kor iyo hoos idiinku sheegay, maxaa ka hirgaley. Ku
xusuuso ciidankii iyo gaadhiyadii gaashaamnaa ee uu Isbitaalka
Hargeysaa ku weerarey.....laba gaadhi gaashaman ayuun baan u diray
ee wax badan mey ahayn...waa hadalo lagu xusuustaa. Ku xusuuso
colaada idinka iyo walaaladiin reer Awdal ee ka dhashay talo
xumidooda iyo go'aan la'aantooda. Imisaa si nacasnimo ah ugu naf
waayey Ceel Bardaale kolkay waayeen xukuumad talo iyo go'aan
qaadasho leh, imisaa ku baro kacay, imisaa abti iyo seedi iyo sodog
is necey. Xusuuso tuulooyinka labaatanka ku dhow ee xaqooda doorasho
waayey, iyagoo u jira caasimadda wax labaatan kilo ka yar, kolka ay
ku faanayaan waxaan jirin iyo dalkoo dhan ayaanu maamul gaadhsiinay.
Nimanka agagaarka caasimadda doorasho ku qaban li'i ma yihiin qaar
laga sugaayo xukuumad tamar iyo awood fulineed leh. Waa maya iyo
toban jeer maya.
Ku xusuuso labada murashax Sacaado Diin iyo beenta ku gadaaman.
Xusuuso salaadiinta loo diiday inay cago dhigtaan dalkooda ee
jasiiradda afaafkeed laga xidhay. Xusuuso wadhii Soomaliland ka
raacday caleemo saarkii Ugaaska Ciise. Si wacan oo fiican oo
maamuskeed leh ayaa oday dhaqameedka Soomaliland oo Ciise ka mid
yahay arrintan u qabteen ooy cumaamad iyo gogol wacan u fidiyeen
Ugaaskooda, waxa se kaga soo baxay ereyo siyaasadeed oo lagu wiiqay
jiritaanka Soomaliland taas oo Wasiiradii joogay kari waaayeen inay
sameeyeen waxaan ahayn madaxa ooy foorariyaan iyo dhegaha ooy
furaystaan. Jawaab se waxaa baxshay bulshada Awdal iyo Salal ee
Ciise iyo Samaroonba leh. Waa tilmaam kale oo ku tusaysaa jileeca,
daacad darrada iyo karti la' aantooda. Ma yihiin qaar shan sano oo
kale aad hoggaanka ku aamin karto? Maya oo boqol jeer maya.
Ku xusuuso dhagex dhigii seddexda wershadood ee Berbera. Waa fal
adduunka u kow ah in Madaxweyne wershaddo aan jirin dhax-dhigo oo
weliba ku booriyo dadweynahu inay u soo shaqo tagaan inta Oktoobar
2007 ka horreysa, waa seddex bilood ka dib dhagax dhigooda. Halkay
mareen, weli jawaab murashixiintu ma kaa siiyeen. Ku dar oo xafladda
waxa lagu baashaalay cashuurtii yareed ee hooyada Berbera ee milicdu
dul joogtu laga soo uruuriyey. Waxa dhacday in xataa mushaharkii
shaqaalhaha degmada Berbera meesha lagu bililiqeystay. Bil ka dib
waxa la waayey waxshaqaalaha la siiyo. Musharixiinta UDUB ma yihiin
qaar u qalma dib-u-doorasho. Maya, oo maya kun jeer maya.
Gabiley, Awdal. Selel, Maroodijeex iyo Saaxil waa la ogyahay
dareenkooda soo jeeda iyo wadaninimadooda adag bal se inta
UDUBaysani ha gilgishaan oo ha raacaan asaageed. Ha taageeraan
guddomiyihii UDUB ee Awdal ee runta ka sheegay kolkuu yidhi "Saaxiibbadii
UDUB Waxaan Leeyahay Carrabkiina iyo Calooshiina Iswaafajiya"
Guddoomiyihii degmada Boorama ee xisbiga UDUB ee iscasilay ...sii
Akhri http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=13872&categ=&expand=&file=view_article.tp
.
Gabiley UDUB hayska jirto magac xumo iyo inay codkooda mar kale
qoomameeyaan. Hore ayuu codkoodu cadow ugu noqday, maanta ha ku ciil
baxaan oo ha qaataan dardaarankii ahaa Muumin god laba jeer lagamo
wado qaniini..., ha fuliyaan talada bulshoweynta Soomaliland si gaar
ah ha u hanuunsanaadaan taladii seddexda bilood loo fadhiyey ee
danta beesha Awal loo arkay inay la mid tahay danta Soomaliland ee
maamul-wanaag doonka ah, ha qaataan taladii iyo go'aamadii ka soo
baxay sii akhri http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=13863&categ=&expand=&file=view_article.tp
Diid baaq qabiil iyo magac lagugu dago...Haddii lagu yidhi
Gabileyeey Axmed Yaasiin u hiili oo ka hiili Saylici...sow ma aha
inaad Axmed Siilaanyana u hiiliso ood ka hiiliso Daahir...waa fikir
iska hor-imanaaya, ee diid oo murashixiinta ku qiimee kuwa UDUB
waxay qabteen illeen barnaamaj ma lehee, kuwa Kulmiyena barnaamajka
ay la yimaadeen iyo waxii ay maalin iyo habeen xumaan ay ka dirireen
sideedii sano ee ushaada lagugu garaacaayey. UDUB waa taariikhda kow
xisbi doorasho u taagan oo xukun haya oon lahayn branaamaj, aan
lahayn Gole Dhexe, aan lahayn Gole Fulineed...diid oo diid oo maya
dhe, maya 5 sano oo saxriirkii ina soo maray ah, maya dastuur ku
tumasho, maya xabsi aan maxkamad lahayn, maya miisaaniyad aan xisaab
celin lahayn...maya oo kumaakun jeer maya...Haa waa isbedel aan
shakhsi ahayn ee nidaam ah, hab iyo dhaqan wanaag ah, ee U CODEE
KULMIYEE, ISAGAA KU HABBOON HOGGAAN HIMMILADAADA KU GAADHSIIYA...
Aan idinku dhaafo rajo xumada UDUB iyo huga-iska-tuurka hoggaankooda
sida kaftanka ah ee Dhanjiir u sawiray. Waa xaqiiq si xarfad leh loo
yidhi, Waan idiin baaqay idiina nasteexeeyey, Allena igu ogyahay
inaan wanaag iyo barwaaqo idinla jecelay dhammaantiin reer
Soomaliland. Somaliland waa dal wacan oo dadkiisu samir badan yahay,
u baahan hoggaan aqoon, caqli iyo daacadnimo ugu ageeda. ILa qaado
inaynu codkeena ku ciilbaxno, inaan kuwa talo ka yaqaan inay waxeena
inagu laaluushaan ku nidhaahno maya oo maya, mano geyno....MUWAADIN
MAANTA AYAAD MINDIDA DAABKEEDA HAYSAA EE HAYSKU QALOOCIN...DIID
QAYBI OO XUKUN CODKAAGA KU CIIL BAX...WAA MAALINTA CODKA IYO HOGGAAN
WACAN WAA 26 JUUN IYO ADIGOO CODKAAGA SIIYA KULMIYE...
Dhanxiir oo ka yaabay dacaayada ololaha doorashada ee UDUB
Waaryaadhaheen qoladan UDUB-ta ee hoonku kaga dhegay mucaaridbaa
argagixiso ah iyo KULMIYE ayaa Al-shabaab xidhiidh la wadaaga tallaw
yaa yidhaahda 'arrintu yaanay sheegaa ma dhaafto noqone maydin iska
aamusi.' Mise taagga olole ayey ka dhex baadhbaadhayaan, Siciid
Sulub baa la ogaa wacdarihii ka qabsaday mucaardibaa argagixisee
waxaan ka baqaaya haday sii wadaan in UDUB-ta dhiiga lihi fara
saarto.
Weger; Adeer; UDUB qoloftii sumcadaa ka dhacday oo cay iyo ammaan
midna cod ku heli maysee waxaad ka warantaa wadaadkan Aw Rayaale ee
Ceerigaabo iyo ceelka Hargeysa lug ku mari waayey ma bahalaa jooga
lagu yidhi mise dhagaxaantii dhallanteeda ahaa ee uu meelaaha
dhigdhigay ayuu is yidhi waad ku turaan turoon oo cirkaanad dhagax
dhigine iska mar.
Xig: Jaamhuuriya
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
|