Codkaaga Ku Ciil Bax
Qaybtii 4-Aad
Wiigii
hore waxa Aw Barkhadle laga furay mashruuc midho-dhalay oo ah
wershed sameysa cabitaanka iyo cunooyinka fudud. Waa guul lagu farxo
, waxaanan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa inta maal gashatay iyo
inta ka gargaartay tabogalka wershedda. Waxaan u rajeynayaa inuu
mashruucani noqdo mid kora, macaasha, shaqaale iyo hantiilabana ka
farxiya, noqdana mid lagu daydo oo lagu faano.
Waxa xafladda ka muuqday olole siyaasadeysan oo Madaxweyne Riyaale
ka dhigay masrax uu ku baaciyo mustaqbalkiisa iyo doorashada soo
socota. Waxa habboon in ganacsiga laga daayo xisbiyeenta oo
madashaas oo kale loo dhammaado. Waxaa hubaal ah in shacbi weyne
farxadeeda iyo waxtarkeedaba u dhan yahay, una yahay macaamiil iyo
shaqaalaba iyagoo seddexda xisbiba ku jira.
Haddaba Madaxweyne Riyaale oo madasha ka hadlay waxa uu soo qaatay
sahaminta shiidaalka iyo bangiyada ganacsi. Waxuuna yidhi:
“ Waxaan idiin sheegayaa beri dhawayto sahamin baanu dalka ka
qaadnay dhinaca Shidaalka ah, hadallo badan baa meelahaa laga odhan
jiray oo ah waxba lama qaadiniyo. Waxaan idiin sheegayaa Shirkaddii
qaadday sahaminta Shidaalku inay 15-ka bisha soo saari doonto oo ay
natiijo fiican ka soo baxdo Insha Allah markii ugu horraysay
Somaliland heli doonto sahamin ay iyadu leedahay oo sheegaya
Shidaalka dalku leeyahay, taasina waa dedaalka Xukuumadda.
Wax badan baanay ka tari doontaa mustaqbalka waayo Shidaalka waynu
soo iibsanaa, haddii uu Ilaahay ina siiyo dalkeena ayuu ka soo
baxayaa, Shaqo iyo dhaqaalena waynu heli doonaa. Muruqeena iyo
Maskaxdeenuna way inoo kaydsan yihiin oo in aynu isticmaalno wax
inaga hor joogaa ma jiraan baan aaminsanahay, taa kalena Insha
Allahu si degdeg ah ayay u iman doontaa, waxna uga soo bixi doonaan.”
Golaha Wakiillada ee Somaliland ayuu Md. Rayaale ugu baaqay in ay
ansixiyaan Shuruucda Baananka. “Xildhibaannada waxaan odhan lahaa in
Shuruucdii ay ansixiyaan si ay dalkan suurtogal u noqoto Bangigaa
Faransiiska ah iyo kuwa kale oo waddani ahiba ay dalka uga hano
qaadaan, si ay ugu sahlanaato Ganacsatadeenuna ay u hesho
dhiirigelin iyo maalgelin.” Ayuu yidhi Md. Rayaale
Innagoo sugayna maalinta uu cayimay, aan xusuusano inta jeer ee
mashruuca sahaminta iyo baadhista wax laga sheegay iyo inta
sharkadood eel lala xidhiidhiyey. Heshiis keliyana lama hor geyn
Golaha Wakiilada oo distoor ahaan looga baahan yahay inay ansixiyaan.
Mawduucan oo tafitiran aan dib u dhigto, ee bal aan erey yar ka
idhaahdo dhinaca bangiyada. Waxuu Madaxweynahu ka codsaday Golaha
Wakiilada inay ansixiyaan shruucda bankiyada si Bangiga Fransiisku
iyo qaar kaleba u hawl galaan.
Hadalkani waxuu burinayaa furitaankii Bangiga Fransiiska ee dhowaan
la buun-buuniyey, oo dhab ahaan ah Bangi ka diiwaangashan dalkeena
Jabuuti, ahna Bangiga ugu farac badan dalka Jabuuti. Mulki ahaan
waxaa wado leh Dawladda Jabuuti, Dawladda Yemen, iyo Bangi Fransiis
ah Waana mid daah furtay inayna jirin sharci saamaxaaya sameynta
bangi ganacsi oo xor ah. Haddii weli shuruucda laga sugaayo
Wakiilada sida Madxweynuhu sheegay, sidee loo furay xafiiskooda,
mise waa dhalanteed doorasho. Faalada mashaariicda dhalanteedka ah
ee kolba loo durbaan tumo ooy hormood ka yihiin 3 Wershadood ee
balanku ahaa in la dhiso Oct 2007, iyo shiidaalka, aan u daayo,
Aadan Ruush, Wasiira-dawlihii Hawlaha Guud ee iscasilay
Aadan ruusha mar uu ka hadlayay siyaabaha khaldan ee uu dhaqaalaha
dalka ku baxo : “ Waxaa dhacda in ay dalka yimaadaan niman isku
sheegaya dilaaliin ka socda Shirkado maal gashiya iyo sidoo kale
inan yar oo dib jir ah oo ka soo kacay gidaar London ku yaal ayaa
ina bililiqaysan karaya oo wax iskugu keen sheegaya ka dibna aynu
aqbalaynaa oo marka uu soo dagaba madaxwaynaha toos loogu gaynayaa,
qaab maaha taasi karaamadeenii iyo sharafteenii ayay meel kaga
dhacaysaa” Taas waxaad ku joojin kartaa adigoo Codkaaga Ku Ciil Baxa
oon marna oggolaan in mar kale Codkaagu Kugu Noqdo Cadow.
Mashruuca sahaminta shiidaalka faahfaahin ka akhriso Somaliland
Times: Guji halkan:
http://www.somalilandtimes.net/sl/2006/271/3.shtml
http://www.somalilandtimes.net/sl/2008/337/1.shtml
*Golaha Guurtida iyo Guudashada Xilkooda.*
ILLAAHOW eex hanooga tegin, garashana ha nagu cadaabin… macnaheeda
waxa loo beddelay inaad meeshaad doonto xil ka qabato oo adigoon
aqoonteed iyo garaadkeed lahayn waxaad doonto ku dhaqaaqdo, waxii
garasho la’aani kuu geysato, dambi ma ah. Bal raad-xumada taas ku
leedahay bulshadeena aan meesha ugu sareysa ka raadino. Hal darejo
ayaan hoos u degi oo Golaha Guurtida ila saar diiradda. Imisaa
xilkooda taqaan weliba kan aasaasiga ah een cidda aan garanayni
tahay mid badheedh xil aanu qaadi Karin tuurta u ritay. Xaaraan ma
lihi waa dhammaan, mana lihi garaad ma leh. Waxa ku jira rag aqoon
leh, qaar garsho cidwalba kaga horeeya. Bal se kol walba waxa
muuqaal dheer qaladka iyo qalqalooca. Waana kuwaas cidda aan arkay
oo wanagooda waa mid aynu ku reynay, una baahanay.
Guurtiyey xilkaagu waa maxay? Waxaa marar badan si qaldan loo
tilmaamaa taas. Waa Gole dhaqan, iyo ma aha Gole siyasadeed? Waa
yaab. Golahani waa Gole siyaasi waa qaybta ugu weyn ee haysa xilka
barlamaanka. Waa Gole sharcidejin, waa Gole loo xilsaaray la
xisaabtanka dawladda sida Golaha wakiilada. Ma aha Gole badhitaara
Golaha fulinta, una eekaada la’aan hoos tagta Golaha Fulinta. Cidda
aan garanayn xilkaas ee golaha ku jirtaa ma aha mid garasho la’aan u
go,aamisay ee waa mid xil ayna ehel u lahayn u badheedhay kagana
gabanmeyso garasho la’aan xaqdarada eey badheedhka u sameyso.
Ninka Golahan ku jira ee ayna hawsha Golaha Fulinta iyo kan
Sharcidejinta u kala socnayn, waxuu yahay nin xil qaaday aanu karti
iyo aqoon midna u lahayn. Waxa xilka Golaha ka mid ah inuu kormeero
oo uu ilaaliyo, lana xisaabtamo, toosiyana Golaha Xukuumadda. Guurti
waxay matashaa bulsho weynta, ma aha xisbi, fulintana ka durugsan.
Waana Gole siyaasi oo u baahan xirfad siyaasi, sharci iyo aqoon
bulshaba. Hawsha Golahani hayaa waa mid dunidu u doorato rag iyo
dumar aqoon-dheer oo khibrad leh. Waa Golaha lagu doorto xirfad iyo
muwaadiniinta xilal badan soo hayey sida wasiiro hore, shaqaale heer
sare ka soo qabtay dawladda sida Agaasimayaal, Macalimii Jaamac
adeed, Baayac Mushtar naajix ah, diblomaasiyeen IWM. Ma aha Gole
lagu uruuriyo rag aan kala soocayn xukuumadda oo ah Golaha Fulinta
iyo iyaga oo ah Gole sharcidejin iyo la-xisaabtan.
Ninkaan garanayn inuu yahay nin ka madaxbanaan xisbi, madaxtooyo iyo
gole fulineedba waa nin gafay oon garasho la’aan lagu saamaxayn if
iyo aakhiraba. Nuxurka xilka guurtidu waa kormeerka, la xisaabtanka
iyo toosinta Golaha fulinta. Waa booliska ilaaliya xukuumadda, min-Madaxtooyo
ilaa shaqaale hoose. Waa cidda dhangadda lagu raacaayo Golaha
fulinta dadweynahu u dhiibteen, ooy tahay inay si fiican ugu
dabaalaan Madaxtooyada iyo Wasiirada hadday dabarka sharciga
goostaan.Ma aha Boolis amba Maxkamad dambi qaadi lahayd ilaa kolka
Madaxtooyada xil-ka xayuubin lagu qaadaayo. Waa se kuwii ku qaylin
lahaa ,una yeedhi lahaa oo tusi lahaa qaladkooda weliba u gudbin
lahaa warbihintooda hay’adaha sharciga ee Boliska iyo Maxkamadaha.
Sidaas darteed ka mugweyn oo ka dherersan Gole dhaqan. Waa Gole
sharcidejin oo martabad ahaan ka sareeya kan aynu dooranay. Waxaana
loo baahan yahay in dib loo eego distoorka oo lagu sar jaro hawsha
looga baahan yahay labada Gole oo
meelo badan isjiidhaaya.
*Dhanxiir iyo Guurtida*
Maansha Allaah, Alleylehe, Guurtidii weynaanta ku qalqaaliday waa
kuwaa Illaahay bogoodii burcad isu mariyey ee gacmaha u fidsaday
saamaxaad iyo iscafin ay kaga istaaqfurulaysanayaan mooshinkii
xasaradaysnaa ee sida qalladda samada kaga soo dhacay.
*Weger; Adeer, Guurtidu awalba ismay haysan oo muska ku dhegen ayaa
dhamac lagaga soo afuufayee, iga daayoo waxaad ka warantaa Booliskan
lacagta beerlaxawsiga ah ka urursanaya haweenkii ku caydhoobay
tuugadii casrisanayd tallow miyaanay Ilaahooda ka yaabayn? Cajiib!
Duni macaash iska wada dhex raadinaysa ayaa u daran.
*
*Guddiga Doorashooyinka Qaranka.*
Waxa xilka la wareegay Guddomiye cusub waa Jaamac Sweden. Qofka
intaadan ka faaloon waa inaad taariikhdiisa soo eegtaa. Waa nin
khibrad leh oo weliba muddo dheer ku noolaa dal dimuquraadi ah oo uu
bulsho ahaan ka muuqday. Waxa aan ka filayaa inuu noqdo nin
khibradiisa iyo aqoontiisa si daacadnimo ah ugu fuliya xilka la
saaray. Waa ayaan darro in laba Guddoomiye oo hore iska casileen,
welina ay Golaha ku sii jiraan iyo khilaafaad hadheeyey guddiga
hawsha weyn ee qaranka haya. Xilkaas ay hayaan manta waa mid
masiirka ummaddeenu ku xidhantay. Waa mid geeri iyo nolol ah. Cidda
middida daabkeed haysaana waa toddoba nin oo mustaqbalkeenii oo dhan
ku aaminay. Waa xil weyn, oo sharaf iyo qadarin leh. Waana mid
xubnaha hayaa ku heli karaan maamus derejo kan ugu sareeysa. Waa mid
ay noqon doonaan ehelo kheyr cadaalad ku sifooba oo aakhiran janno
loogu duceeyo, ifkana sharaf iyo qadarin lagu fooladeeyo.
Waa rag nasiib u helay inay nolashooda u soo jiidaan magac qiimo
badan, amba mid madow oo canbaareentu ku daadagto ehelkooda…waa ina
hebelkii caadilka ahaa amba waa ina hebelkii xaaranta xalaashaday.
Dadka wax yar ayaa nasiibkaas hela. Inta badan ma helaan meel ay
magacooda ku dhisi karaan, ma helaan hawl ay middida daabkeeda
hayaan, ma helaan meel masiirka ummadooda ay iyaga garabka ka
saarantay, ma helaan xil ay ugu jiheeyaan ubadkooda iyo jiilka soo
socda. Waa nasiib wacan, waana marba sida Guddidan doorashadu ka
yeesho naftooda iyo teenaba,
An ugu duceeyo inay noqdaan dark u sifooba wanaag, cadaalad oo ay
hawsha qaranka ka ahaadaan dhexdhexaad aan dhana u ciirin, gar-qaadayaal
go’aan caadil ah ku goo’ya seef siman oo subkan. Dar seddexda xisbi,
seddexda murashax u dhex ah, dawlad iyo mucaarid u dhex ah, gobal
iyo degmo kasta u dhex ah.
Ma aha daacadnimadu go’aanka oo keliya, waxa ka mid ah inayna hagran
hawshooda oo caajis iyo luga-jiid ayna yeelan. Waa inay noqdaan dar
xilku gubo, oon si hawl yar salka dhigin, dar gacantoodu socoto,
lugtuna istaagin, u darban hawl dharaar iyo habeen kala lahyn, indho
soo-jeeda, iyo dhego taagan leh. Dareen aan seexan iyo maan sida
raadaarka wareega iyo maskax aan faalaynta ka daalin . Dood furan oo
dabci wacan iyo garasho leh waa inay ku casuumaan maanka iyo
garaadka bulsho weynta. Warbaahinta la saaxiibaan, dadka waci
geliyaan, xisbiyada u hawl galaan, dawlad iyo mucaarid danta guud si
siman ugu riixaan. Waa masiirkii ummadeena ee u toosa, Illaahayna
haydin gargaaro. Nasiibkiina wacan ka midho dhaliya oo ehel, iyo
ubadkiina magac aan duugoobin u reeba, waad kartaan ee u dhaqaaqa.
Waa kartaan inaydun Soomaliland ka dhigtaan dal dimuquraadiyad dhab
ah ku sifoobaa.
Haa waad kartaan inaydun hormood ka noqotaan ictiraafka Soomaliland,
oo manta ku xidhan doorasho xor ah, xalaal ah, qarsoodi lahayn, cid
walba qancisa, kan helaa ku faano, kana laga helaana ku qanco… waa
inoo guul idina waa idiin sharaf siyaade ah.
Waxa manta cad gaabis dhankiina u badan ooy ka faa’ideysatay dawlad
cimridherer ka dhiganaysa sabab kasta ooy heli karto. Ka digtoonaada
inaad niyad jabisaan shacbiga u heelan ictiraafka iyo dawlad la
hanoqaada caalamka. Ka digtoonaada dib-u- dhac aan cudurdaar lahayn
oo khalkhal geliya nabadda aynu ku naaloono. Waxa la yaab ah
inaydaan ilaa maanta hawlgelin Maamulihii loo baahanaa inuu xafiiska
diiwaangelinta maareeyo, waana mid ka muuqata kala-dhantaalidda
hawshiina. Muddo ayaa ka soo wareegtay xiligii Muwaadinka Maxamed
Baaruud shaqadii uu helay la diiday, iyadoo lagu eedeeyey dawladda.
Halkay ku dhammaatay iyo bedel toona lama hayo ilaa maanta. Dadaal
iyo daacadnimo aynu isku ogaano. Ha noqonina eed ka carar ee xaqqa
ku addima, Allena talo saarta.
Waxaan soo qaatay habka loo soo xulay loona soo doortay Guddiga
Doorashada Kiiniya. Waxa xulidda iyo ansixintaba loo dhaafay Golaha
Wakiilada. Waana isla nidaamkaas kan ka shaqeeya dalkan U.K, oo
magacaabid, iyo masuuliyad shaqaba waxay hoos tagaan barlamaanka, oo
waxaa laga durkiyey Golaha Fulinta oon waxba ka dhexeyn. Fadlan si
faahfaahsan u akhri oo guji hoos:
SAMOTALIS: Kenya: New chair for Electoral
Commission<http://samotalis.blogspot.com/2009/02/kenya-new-chair-for-electoral.html>
Waa iga tilmaan iyo in habkan oo Kiiniya u guurtay ka dib waxii ka
dambeeyey doorashadii khilaafka dilka iyo burburku ka dhashay ka
dambeysay, inay tahay midka ugu habboon ee lagu heli karo Hay’ad
doorasho oo madax banana. Ma lihi Guddigeenu ma aha dhexdhexaad,
mana yareysanaayo xilka iyo culeeska saaran, ee waa nidaam hufan oo
shaki saaraaya cid walba. Maanta waxa xilka badbaado qaran saran
yahay guddiga toddobada muwaadin ka kooban. Aan u duceyno in
ILLAAHAY ku toosiyo xaqa iyo inuu u fududeeyo shaqadooda, inagana
inaga dhigo kuwa wanaaga u tilmaama, kana reeba xumaanta iyo eexda.
Aamiin.
Haddaad jecleysato maqaalkii aan ka qoray doorashadii Golaha
Wakiilada 2006 booqo oo guji: SAMOTALIS: CODKAAGU YAANU CADOW KUGU
NOQON
(4)<http://samotalis.blogspot.com/2005/09/codkaagu-yaanu-cadow-kugu-noqon-4.html>
Codkaaga ku ciil bax. U codee isbedelka. Iska jir in mar kale
Codkaagu kugu Noqdo Cadow. Waad kartaa inaad dhisto dawlad
dimuquraadi ah, codkaaga ku soo baxday, la-xisaabtan oggol, adigu
leedahay oo awoodda aad ku dooratay aad ku eryi karto. Dawlad dad
weynaha u shaqaysa een ka shaqaysan. Dawlad sharcigu ka sareeyo, leh
cadaalad loo siman yahay. Haa Waad kartaa ee xaqiiji isbedelka aad u
baahantay, ku ciil bax codkaaga.
Weynu guulaysan Insha Allah ee aan xaqqa iyo cadaaladda u hiilino.
Waa inoo maqaal kale iyo fikrad aad ila wadaagtaan, Insha Allah.
Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
samotalis.blogspot.com |
|