CODKAAGA KU CIIL BAX..Q5 aad


 


SHANTA GOBAL EE FOOSTADA DALOOSHA LOO DHIGAY UJEEDADEED?


Waxaanu maqalay in Jeelka Berbera ee dadaka walaan lagu hayn jiray ay ka mid ahayd in lagu tijaabiyo xiska qofka oo loo diro inuu foosto daloosha biyo ka buuxsho, taas oo caqliga wax ku sii jiraan kolka dhowr jeer ku shubaba uu isa soo taago isagoo leh tani ma aha mid la dhaamin karo oo hoostay ka dalooshaa. Waxa manta dhacay qofka aan iska soo taagin een afka gacanta gelin, dhabanadana qabsan, dood ma qaadi karo ee duco ayuu u baahan yahay, ee ILLAAHAY caqliga haynoo toosiyo dhammaanteen.

Sidee loo fahami karaa tiradii hore ee Komishanku ku sheegay kana soo baxday computerka dhexe ee Gobal walba loo baahiyey tirade la geshay in kolkii lagu kordhiyey ay tii hore ka yaraatay, iyadoon wax sax iyo qalad ah midna laga saarin ooy weli taasi dhimantay. Waxa meesha ku jira arrimo culus iyo khiyaamo ka fog doorasho oo hadaf fog iyo burburinta dalka ah.
Komishanku ma waxuu garanwaayey inay tiradan loo dhiibay tahay mid xiska ka fog. Hadday taas garanwaayeen maxaa laga sugayaa? Ma tahay mid lagu tijaabinaayo garashada iyo dareenka dadweynaha, oo hadday tan ka kici waayaan , soo ma cadda inay yihiin dar u diyaar ah in mid mid loo helo, amba meeshii ladoono loo dareeriyo sida xoolaha? Ujeedada ah 3+2=2 waa mid cidda qaladkaa qaadataa tahay mid foostadii dalooshay weli dhaaminaysa.

Awdal dambi ma leh. Inay laba boqol iyo seddex boqol oo kun noqoto iyo in kale meesha ma taal. Waxa magaceeda loo soo qaatay waxa ugu talo galay cidda foostada inoo dhiibtay danteeduna tahay kala fogeenta iyo isku dirka bulshada. Waxa keligeed looga dhigay meesha ay wax u kordheen, waa tilmaan loo calaamadiyey ma-hubsatada iyo in madaxa leysu geliyo bulsho walaala ah oo dalkooda loo shirqoolaayo masaa'ib, ILLAAHAY heynaga hayee. Reer Awdal waxaan leeyahay arrinaka ka hadla oo u fahma mid tilmaan iyo yoolka toogashada ay idinka dhigtay cidda hawshan gashay iyo Maamulka Riyaale ee u riyaaqay. Marka arrintan la sheegaayo, lama duudsiyaayo xaqa tirada saxa ah aad u leedihiin sida goballada kale. Waxa iyana habboon in cidda arrintan ka hadlaysaa ka fiirsato inay murankan la dhexdhigay ku eedeeyaan bulsho aan falkan waxba ka ogeyn. Waa dabin salaxan ee ka foojignow muwaadin gobal kasta ood joogtaba.


Tiradii la shaaciyey oon waxba laga saarin weli, laguna daray 15 cisho oo diiwaangelin gobal kasta ka dhacday, waxa ka soo baxay tiro tii hore ka yar, ilaa Awdal oo tiro 52% ku kordhay mooyaane! Waa taas tan magaca Awdal meesha keentay. Waxa la shaki geliyey tiradeena, iyo xaqa gobal waliba u leeyahay in dadkiisa si dhab ah oo caadil ah loo diiwaangeliyo, waxa la dhooqooyey fakirkiina xorta ah ee seddexda xisbiba ku jirtaan, waxa leydinka dhigtay salaam loo maro dariiqa xaqdarrada iyo colaada. Waa hubaal inaad tihiin muwaadiniin seddexda xisbiba si maamus leh uga sharaxan, dad si dimuquraadi ah fikirka ugu qaybsan, oo sawirka ka jir gobal waliba idinkana idinka jiro.Tani ma aha mid xisbi iyo gobal midna u dan ah, waayo waxa ka weyn qaranimada ay qoymeyso.


Marna ma lihi tiradiina qaldan ee waxa leys weydiinayaa mee kordhkii gobalada kale?


Ila arag ujeedadada leydiin soo maray, ila arag Maamulka Riyaale ee dalxiiska ku ah London iyadoo hawsha intaas leegi dalka ka jirto, ila arag cidda ku xeeran ee waqtigii qaaliga ahaa ee dalka la xukumi lahaa baashaal kaga lumiyey. Ogow Madaxda dunidu in socdaalkoodu dhaafin maalin iyo laba, ogow in saacad waliba tahay mid xadidan ooh awl iyo shaqo loo sargooyey.Ila arag lacagta lagu casoomo qurbajooga, ee laga qardoofay miisaaniyadii lagu kabi lahaa caafimadka. Imisa fasal ayaa loo dhisi lahaa lacagta sheekada iyo sacab garaaca ayna waxba uga hooseyn. Arrintu ma aha xisbi, ma aha UDUB iyo Kulmiye waa dan wadan. Waa wadani xisbi kasta kan arintan ka naxaa. Ma aha Gobal iyo degmo toona, waa badbaado qaran oon cidna looga maarmayn, waa masiirka faca manta iyo kan berrito, waa nolol iyo geeri qaran. Waa talo mar oo raadkeedu jiraayo boqolaal sano iyo dheeraad.



Waa mid haddaynu u kacno, qof waliba heli doono fursad uu ku Ciil baxo Codkiisa, dhanka uu doono how ridee, waa xoriyad aasaasi ah oo ah tiirka ugu weyn ee dimuquraadiyadda. Xilka dadweyne bixiyaa waxuu leeyahay muddo aan la dhaafin, awood aan la gudbin iyo hab loo maro. Ma leh muddo kordhin, ma leh aan kuu xoqee ii xoq.


Waxa taas garab socota xilka oo leh xad iyo hawl tilmaaman, ninka xilka haya ee gudan kari waaya, ninka xilka haya ee sharciga laada, ninka xilka haya ee bidix midigeeya maalka iyo noolka ummadda ka dhexeeya, waxa waajib ah inaan lala sugin muddo ee waa in gacanta la qabtaa oo la tusaa dariiqa shaqo la’aanta, amba lagu xareeyaa xabsi, kolba sida sharcigu qabo.


Taasna waxay waajib ku tahay cidda hawshaas loo xilsaaray, hadday gudan weydana waa mid xisaabteeda leh, oo iyaga laftoodu noqon doonaan qaar gefka kula shuraake ah. Waa xisaabtan ifka ah iyo abaal marin aakhiro, oo qareen, laaluush, qabiil, wiil iyo walaal tooni jaxiima iyo samhariira midna sitar kaaga gudbeyn. Waa manta iyo waxaad dhiteysato.Xisbigaad doonto ahow, balse ogow in waajib guud dhammaan inaga saran yahay u-hiilinta distoorka iyo sharciga dalka. Waa badbaado qaran ee u kac dalkaaga, aynu xaqqa iyo wanaaga u gurmano. ILLAAHAYNA aynu talo saarano, oo waxii qaldan saxno, gacmahana is-qabsano. Shariciga waxaan u nahay mid, jiritaankiisa iyo ku dhaqankiisa ayaan xsbiyo u nahay.



Guji oo akhri heshiiskii kal hore lagaga gaadhay korodhsiimada oo ah sida ay interpeace u qortay: http://www.interpeace.org/index.php?option=com_content&task=view&id=189&Itemid=283



Qoraalkaas oo dheer waxa ku jira qodobada heshiiska oo ah nuqul rasmi ah turjumaddana aan idiin daayey:
Through the cooperation of the key stakeholders, a meeting was arranged between the leaders of the three political parties at the presidential palace on 1 June. After several hours of discussions, the three political parties delivered an eight point agreement:



1. To postpone the local elections and hold the presidential elections first.


2. To delay the local elections in order to provide sufficient time for effective voter registration.


3. For NEC to prepare for the presidential election date after completion of the voter registration process.


4. To hold the presidential election before 6 April 2009.


5. To nullify the articles in the Voter Registration Act that hinder the voter registration modality.


6. In case of delay, the three political parties and NEC shall determine any period of extension and the Guurti shall respect and endorse that timeline.


7. The three political parties and the government shall have regular dialogue and consultations.


8. The technical committee shall be permanent and deal with confidence and trust-building among the three political parties.



The process successfully concluded with the three political parties signing an agreement on 9 June to resolve their differences on the electoral time table.
Subsequently the Voter Registration Act was amended in line with the agreement reached above.
A high level Joint Committee is due to be established to assist with for peaceful resolution of any forthcoming issues relating to voter registration or the elections.


Guddigan kor ku xusan waxa sameyntiisa is hortaagay Madaxweynaha oo horjoogsaday xisbigiisa. Komishankuna kama hawl gelin, interpeacena gacmaha ayey ka laabatay. Waana guddigii marxaladdan baajin lahaa.



Dibudhaca waxa taabanaysaa laba arrimood:
1- Maalinta Doorashada…oo dhawaaqa ay leeyihiin Komishanka oo la tashaday seddexda xisbi. Waxayna ku dhaqangalaysaa digriito Madaxweyne. Sidaas darted ayeyna iyada lafteedu uga madaxbanaanayn xukuumadda, inkasta oo Guddiga Doorashadu ku celceliyaan inay u madaxbanaan yihiin. Wey ku dhawaaqayaan, dhaqan gelinta se ma leh.
2- Tan labaad ee la hal maasha xilka madaxtooyada oo xiligii loo kordhiyey dhammaanaayo 4ta April, waxa leh Golayaasha Sharcidejinta. Waxaad xusuusataa in kordhinta horaba ay lahaayeen Golaha Guurtidu. Ma aha in sharcigu noqdo dhoobo-bilaadi kolba wax loo eekeysiiyo. Kal hore haddii muddada loo kordhiyey, maantana xilgudashadaas isla Golayaasha ayaa leh. Waana in loo maraa dariiqii hore.
· Waa dhab oo Madaxweyne waxa bedeli kara Madaxweyne la doorto, kolka doorasho dhacdo,kolka se xilku ka dhammaado ee loo kordhiyo, deedna xil-gudasho la’aan darted koradhsiimo kale soo gasho, waajibka waxa ah in Golayaashu eegaan ooy ka qaataan go’aan qaranimada dalka dhowraaya. Go’aanka iyagaa leh, iyo furdaaminteedaba.
· Qodobkan labada xisbi mucaarad isku meel ayey ka joogaan, sidoo kale ayaa Go’aan Gole Wakiiladu ka soo saareen. Guddoomiyaha Guurtiduna hore ayuu isla aragtidaas ka hadlay. Tafaasiil ka sii akhri linkyada hoos ku daabacan.



Mawqifka KULMIYE Ee Xilliga Doorashada Iyo Muddo Kordhinta Xukuumadda
: UCID Statement on electoral Crisis in Somaliland



Taariikhda iyo dhacdooyinkii luggooyada ahaa ee lagu ragaadinayay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Doorashada madaxweyneha oo ahayd inay ku dhacdo April 2008, oo Komishanku dib ugu dhigay 31 August 2008, markale 31 December 2008, markalena 29 March 2009, haddana markale 31 May 2009 — maxaa xigi doonna? Sii Akhri oo guji linka hoose:
Dhacdooyinkii Komishanka Iyo Ragaadinta Geeddi Socodka Dimoqraadiyadda



DHANXIIR



Maansha Allaah, Alleylehe, Komishankii hawlkarka ahaa waa kuwaa durba soo qaddimay muddo-kordhin farsamaysan toddobaadyo qudha ah oo lagu soo dhammaynayo xaalxaalka ka hadhay hawlaha doorashada madaxtooyada. Eesh calaa rag dheh, tolow kuwii yasi jiray shaqo-maalmeedkoodu maantana maxay dhan?


Weger; Hawlkarkaaba dhac. Adeer, malaha caqliguu fuud kaaga jiraaye halkay joogaan dadka wax qabanaya eed sheegaysaa, ma koshmishankan
rumuud-kaantaroolka lagu hagayo ayaad leedahay wax bay muddeeyeen? Waxtar daayoo waxaan ka baqayaa in sabankaa maanta ah wadkeenu noqdo raggaas durba aynu indhahooda arkayno.

FAALO MAQAL AH iyo SHIRKA OO VIDEO AH WAXA INOO DIYAARIYEY RADIO HORMUUD OO AAD UGU MAHADSAN.Guji linkyada hoos ku qoran



27.02.09 Faalo dibudhaca doorashada Somaliland
http://www.radiohormuud.dk/audioplayer.php?id=601

[Sunday, March 8th, 09] :: Video aad ka arki karto muuqaalo ku saabsan shirkii shalay ee gudiga doorashooyinka iyo xisbiyada.

Aan idinku dhaafo inaan idin xusuusiyo xaqa aad u leedahay inaad Codkaaga Ku Ciil Baxdo, cidaad doontid ku dooratid, ahow taageere UDUB, UCID amba KULMIYE. Isu taaq xaqqa muwaadinimo ee distoorku ku siiyey, xaqa qaaliga ah, eed awooda hoggaaminta dalka ugu dhiibayso cidaad u garato. Kana fiirso cidaad ku aamini karto dalka iyo dadka faca manta iyo kan berriba. Waa fursad shantii sano mar ku soo marta, ee ha noqon ka Codkiisu Cadow ku Noqdo ee ciil kaanbi iyo dibin-qaniin ku dambeeya.



Haddaad hore u qaldantay, manta Codkaaga Ku Ciil Bax.




Waa inoo maqaal kale Insha Allah, iga guddooma salaanta islaamka, Assalaamu Calaykum, ILLAAHAY xaqqa iyo tubta toosan haynagu hanuuniyo. Aamiin.
Guul oo Dhan Allah leh ee baryadiisa ogaada.



CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON ( QAYBTII 5 )


 

 


Ahmed Arwo

Samotalis@gmail.com
samotalis.blogspot.com